Qoysas barakac ah oo ka faa’iidaysanaya biyo-gelin laga sameeyay xeryo ku yaalla Baardheere

0

(ERGO) – Kun iyo labo boqol iyo toddobaatan qoys oo barakac ku ah seddex xero oo ku yaalla duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa markii ugu horreysay 15-kii bishii hore loo sameeyay lix baraag iyo saddex haamood oo ay biyaha ka dhaansadaan.

Qoysaskan oo intooda badan xeryaha deggan tan iyo sannadkii 2016 kaddib markii ay abaaro uga soo barakceen deegaannadooda waxay biyaha ka heli jireen webiga Jubba oo xeryaha u jira 3km.

Waxaa mararka qaar ku dhacda inuu webigu biyo yareeyo taas oo ku qasbi jirtay inay cabaan biyo aan nadiif ahayn, sida uu sheegay Maxamuud saalax agaasimaha biyaha, fayo dhowrka iyo nadaafada ee hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay IOM. IOM ayaa baraagahan u sameeyay dadkan ku nool, xeryahan. Maxamuud wuxuu sheegay in arrintan ay ugu gol leeyahiin sidii dadka soo barakacay looga taageeri lahaa helitaanka biyo nadiif ah.

Ruqiya Xuseen oo deggan xerada Kaam-jirix waxay ka mid tahay qoysaska helay biyaha. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in maalintii 18-aad ay cabayso biyo nafiid ah oo xeradeeda loogu geeyay.

Guddi loo xilsaaray in ay qaybiyaan biyahan ayaa qoysaskiiba siiya 40 liitar oo biyo ah. Waxay xustay in biyahan ay keliya u isticmaalaan cabaal iyo inay cunnada ku karsadaan iyadoo biyaha ay dharka iyo alaabta ku dhaqdaan u doonta webiga.

Ruqiya oo qoyskeedu uu ka kooban yahay toddobo qof waxay ka mid ahayd qoysas ka soo barakacay abaar sannadkii 2017-kii ka dhacday deegaanka Faafaxdhuun ee govolka Gedo.

“Muddo ka badan ilaa labo sanno ayaan deganaa xeradan markii ay i dhaafeen xoolahii aan ku dhaqaneyay baadiyaha Faafacdhuun,nolosha baadiyaha inaan ku laabtana iima suura gelin xeradan  ayaan aniga iyo caruurteyda an ku nool nahay, marna waxbaa helnaa marna waxba ma helno, haddii aan kaaga waramo xaga isbedelka biyaha ilaah ayaa mahad leh ilaa bartamahii bishan biyo ayaan helnay, waan ka reysanay biyahii aan u doonan jirnay webiga,” ayay tiri Ruqiya oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay dhaqaale ka soo gala miis yar oo ay ku iibiso khudaarta oo uga furan yahay xerada gudaheeda.

Seynab Cabdi Aadan oo ka mid ah haweenka deggan xerada Horseed waxay ka faa’iiday biyahan ka faa’iiday laga hirgeliyay. Waxay sheegtay in ay ka mid ahayd qoysas shan sano ka hor ka soo barakacay miyaga tuulada Buusaar ee ka tirsan degmada Ceelwaaq kaddib markii xoolahii ay dhaqanayeen ay ku baaba’een abaartii xilligaas.

Seynab oo 49 sano jir ah wuxuu qoyskeedu ka kooban yahay ilaa 14 ruux. Waxay sheegtay in abaarta ay ku waysay boqol neef oo ari ah, soddon geel ah iyo toban neef oo lo’ah taas oo ku kaliftay in qoyskoodu ay degaan xero barakac. Waxay sheegtay in noloshoodu ay hadda ku tiirsan tahay $2 oo maalintii ay ka hesho qaadista qudaarta oo ay u sameyso dadka iibiyo.

Baraagahan waxay biyaha ka heli doonaan haamaha oo ka soo qaadaya matooro webiga tubbooyin lagu la xiriiriyay. waxaa haama lagu shubay biyo sifeeyaha koloriinka. Waxaa xero walba la siiyay haan iyo labo baraag oo biyaha kedinaya.

Cismaan Muuse oo ah guddoomiyaha xerada Horseed oo ay ku nool yihiin dad ka badan shan boqol oo qoys ay ka faa’iidaysanayaan biyaha loo sameeyay xerda taas oo rajo fiican u abuurtay. Wuxuu sheegay in hadda caqabadda haysata ay tahay in dadku ay saf dheer oo saacado qaata u galaan helista biyaha.

Maamulka iyo hay’adaha gobolka ayaa dhowr jeed isku dayay inay ceelal ay ka qodaan Baardheere iyagoo sheegay inaan lagama sameyn karin deegaannadaas iyadoo kuwa la qoday ay dhanaan noqdeen oo dadku aanay biyo ka cabi karin.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here