Shaqo abuur loo sameeyay dadka naafada ah ee ku nool Dhadhaab

0
50

(ERGO) – Xeryaha Qaxootiga waxaa ku nool dad siyaabo kala duwan u naafoobay, kuwaas oo qaarkood aan awoodin in ay yeeshaan xirfado ay ku shaqaystaan lixaadka ka maqan dartiis.

Urur samafal oo la yiraahdo LWF (Luthern World Federation) ayaa muddo saddex sanno ah xerada Xagardheer wuxuu xirfadda dhar-tollidda ku tababarayay 28 qof oo ka mid ah dadka naafada ah. Dadkan la tababaray ayaa ah kuwa koriya carruur ay dhaleen.

Dadka la tababaray oo isugu jira rag iyo haween waxay qaarkood u sheegeen Raadiyo Ergo in aysanba filayn in ay jirto wax ay ka shaqayn karaan. Kuusay Maxamed Maxamuud oo 50 jir naafo ka ah waxay toddobaadkii hore dhamaysatay barashada xirfadda dhartolidda oo ay muddo sannad ah qaadanaysay.

“Mar hore, horta ma moodayn in lugahaygu shaqayn karaan oo waxbaba wadi karaan, maba moodi karayn, laakiin hadda waxaan ku hami dheerahay mar haddii ay makiinaddii harqaankii ku shaqeeyeen, gaarina in aan baran karo baan hamigaygu haystaa, waana ku faraxsannahay taa. Hadda meel baan kiraystay, aan harqaanka u kireystay,  marka la isoo siiyo meshaa ayaan dhigayanayaa, noloshayda wax weyn baan ka bedelayaa,” ayay tiri Kuusay oo ku socota biraha dadka cuuryaanka ah.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in qoyskeedii oo ka koobnaa toddobo qof ay keligeed ka soo hartay, ninkeedii iyo shan carruur ah oo ay dhashay ayaa horteeda lagu dilay 1991, iyadana waxaa soo gaaray dhaawacyo culus oo labada lugoodba ka naafeeyay, taas oo ah sababta aysan mudada dheer u shaqayn. Waxay iminka korisaa carruur ay dhashay walaasheed oo rajo iyo agoon ah.

Dhabka kale Deeqo Cabdi Cabdulle oo naafo ka ah lugta midig waxay bishiiba shaqadan ka heshaa shan iyo toban kun oo lacagta Kenya ah ($150). Qoyskeeda ka kooban 14 qof ayaa ku tiirsan wax saarkeeda. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in nolosha qoyskeedu uu soo hagaagayo maaddaama ay awal ku tiirsanaayeen raashinka gargaarka oo isugu jira masaggo iyo lacago yar oo ay hay’aduhu bixiyaan oo keliya.

Iminka, Deeqo waxay qaadatay tababar saddex qaybood ah oo kala ah barashada harqaanka, cilad-bxintiisa, cabirka iyo tolmada dharka haweenka iyo ragga oo midkiiba hal sano qaatay. Ururka ayaa tababarka kadib dadka siiyay makiinadihii dhar-tolidda iyo dhar ay shaqada ku bilaabaan, Iminka Deeqo waxay dharka ku toshaa suuqa ugu weyn ee dharka ee xerada Xagardheer.

Qoysaska xeryaha Dhadhaab ku nool qaarkood waxay kabniin dhaqaale ka helaan eheladooda dibedda, laakiin Deeqo iyo qoyskeedu waxba kagama tashan jirin dibedda. Waxay sannadkii 2012kii ka qaxday gobolka Gedo halkaas oo ay ku saamaysay abaartii dhalisay macaluusha ee dalka ka dhacday sannad ka hor wakhtigas.

“Hadda ayaan ka nolol fiicanahay Jawiga, farxadda  nolosha sababtoo ah qof wax tiirsan baan ahay aqoona leh iskuna kalbanaan yahay aqoona leh ayaan ahay, laakiin markii hore waxaan ahay kama waraminba. Hadda ayaan fiicanahay boqolkiiba boqol, noloshada aniga deded la igama biilo, meela kale wax iigama yimaadaan, Care-taa oo aan Card kasoo qaato, iyo harqaankaa mooyee  meel kale oo la iga soo biilo ma laha halkaa uun baan ku tiirsannahay noloshayda” ayay tiri Deeqo.

Sida Deeqo oo kale, Yuusuf Xasan Yacquub oo isugana naafo ka ah wuxuu shaqadan uga faa’iidaysanayaa korinta shantiisa carruur ah oo rajo ah. Wuxuu sheegay in aysan hore u lahayn wax xirfad ah oo uu ku shaqaysan karo.

“Dadkii markii hore galaaska caanaha aan gadan karin oo  rubaca sonkorta ah aan gadan karin ayaanu ahayn, Alxamdulilaah waa faa’iido iyada oo faa’iido badani noo dhiman tahay, markii aan anigu ku bilaabay in aan ku shaqeeyo wax badan bay ka bedshay noloshada oo naga caawisay,  maxaa yeelay waxaan noqday nin ilmihiisa dharka u tolanaya isagu dharkiisa tolonaya, wixii ilaahay risiq suuqa ilaahay ka siiyo waxaan noqday soo anfacsanaya oo la soo hoyanaya,. markii aan bilaabayay waxaan ahaa nin lugta la qabanayo oo harqaanka lala socodiiyo, markii dambe na dee nin is anfacay oo dharkiisa tolanayoo wixii uu ku talaabo qaado hagaajinaya baan ahaa” ayuu yiri Yuusuf oo hadda ku shaqaysta.

Yuusuf waxaa uu Raadiyow Ergo u sheegay in uu qorshaynayo iibinta harqaan kale oo uu kula shaqeeeyo wiilkiisa oo uu baray xirfadda dhartollida, kaas oo hadda ka caawiya shaqadda, si uu u kordhiyo dhakhliga hadda soo gala.

Caqabada ugu weyn ee jirtaa waa in dad badan ay tababarka ka haraan mudada uu socdo. Ururka LWF waxay sheegayaan in xeryaha ay joogaan dad leh baahiyo gaar ah oo u baahan in la awood siiyo si ay bulshada u dhexgalaan, dhaqaalena u samaystaan. Waxayse iyagu xoogga saarayaan in wax laga beddelo nolosha dadkan, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Xasan Cabdi cabdullahi oo ka tirsan xafiiska Daryeelka dadka naafadda ah ee Hay’adda

“Waxaan dhihi karnaa isbedel faro badan yay sameeyeen, Fursadan ah waay nagu yar tahay, in fursado ka badan in hay’adaha iyo cid allaale ciddii awoodi karto kobcinta dhaqaalaha waxaan aaminsanahay haddii la siiyo dhaqaalo oo dukaamo ay ku faran karaan ama ay khudaar ku dhigan karaan, isbeddel in uu dhici lahaa,” ayuu Xasan.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here