Roobab ka da’ay gobolka Bay

0
69

(ERGO) – Roobka dayrta ee curtay ayaa Todobaadkan ka da’ay deegaanno dhaca koonfurta magaalada Baydhabo, kaddib muddo seddex sano ah oo ay deegaannadaas wajahayeen abaaro isxigxigay. Abarahaas ayaa saamayn ba’an ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool gobolka Baay.

Roobabka oo qaarkooda ilaa lix saac ka badan ka da’ayeen tuulooyinka ayaa biyo dhigay ilaa 35 warabiyood oo sanado biyo aan laga cabin. Warahaan ayaa ku yaalla deegaannada kala ah Hagarka, Bogangooy, Buula Neebsooy, Sabyi, Bootis, Tegow, Soomow, Baanow, Goofgaduud, Buula-Hereer iyo Buula-liilow.

Sahra Maxamed Cabdisalaan, waxay ka mid tahay qoysaska degan tuulada Bootis oo magaalada Baydhabo dhanka koonfurta uga beegan 47KM. Sahra waa beeralay sidoo kale waxay dhaqataa lo’a aan badneyn. Seddexdii sano ee la soo dhaafay Sahra meel na ugu ma barakicin deegaanka, iyadoo u dhaabar adeegtay abaarta.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in deegaanka uu roob helay maalintii jimcaha ahayd.

Qoysaskan oo Sahra ay ka mid tahay roobabkan waraha u buuxiyay ayaa waxaa uu ka fududeeyay socod dheer oo ay u gali jireen helidda biyaha.

“Warihii waa buuxsameen, rafaad, dandaro iyo haraad ayaan soo aragnay oo nafteena halis galeysay, Allaa mahadleh, waraha waa wada buuxsameen, dhaansi ayaa u dhamaanay, waxaan bixi jiray subaxdii ilaa makhrabkii ayaan ku maqnaan jirey,” ayay tiri Sahra oo hadda rajo ka qabto in ay dib u beerato beerteeda.

Ceel Raaxole oo ah ceel biyood kuwa gacanta lagu qoday ah oo tuulada ay ku nooshahay Sahra u jira socod dhan lix-saacadood ayaa marar kala duwan iyadoo xaamilo ah dhabarkeeda biyo uga keeni jirta. Waxaana 20-laha biyaha laga siinayay shan kun oo shilinka.

“Cidii gaari dhaansan karta iyo qofkii dhabarka ku qaadanaya waa la dhaansanayay ciriiga iyo culeyska jira aan la sheegi Karin,Kuleylka oo jira ayaa mararka qaar gaba la,aan socon jirey anigoo jirgaan dhabarka ii saaran,sedax sano Dayrt iyo Gu leh ayaa cagaha biyo I gashanayeen,dumar waa iska taqanaa mararka qaar anigoo xaamilo ah ayaa silacaas mari jirey,hada umul ayaan ahay,Caruurta cidlada uga tagi jirney,waxaan u imaanayay iyagoo oohin dhamaystey haraad tacbaan la,ah”

Qoyska Sahro waa todoba ruux oo haysta shan neef lo’ ah. Sahro ayaa sheegay in hadda ay rajaynayso in daaq fiican ay u hesho xoolaheeda.

Xuseen Cadow Maxamed, oo ku nool yahay Hakarkaa oo Baydhabo u jirta 45KM, waxaa uu  Raadiyo Ergo u sheegey in labadii sano la soo dhaafay dadkii deegaanka la deganaa oo beeralay u badnaa uga barakaceen deegaanka xaalad biyo la’aan oo ka dhalatay roob yaraanta.

Sideed war biyood oo Hakarka keliya ku yaalla ayaa dhammaantood buuxsamay kadib roob fiican oo uu deegaanka helay.

Wuxuuna sheegay Xuseen Cadow in ilaa sanad lagu baxsan karo biyaha hadda waraha deegaanka galay.

“Ilaa laba sano qaleel daran oo dhanka biyaha ah ayaa dhacday, Dameerada biyaha lagu dhansanayay baaba’ ayay joogan, dadka dhibaato uma yara, hadda laakiin dhaansiga dadka iyo xoolaha dhibaato kama jirto,” ayuu yiri Xuseen oo ku faraxsan roobka ka curtay deegaankiisa.

Macalin Mukhtaar Cabdi, oo ku nool tuulada Tegow oo 50km Baydhabo u jirta wuxuu haystaa 100 oo ari ah oo uga badbaaday abaartii la soo dhaafay.

“Warta Geel-bariis ayaa ari ka waraabinayaa, waa war caan ah, roob wayn oo barako wata ayaa ka da’ay, beerihii waa la abuurayaa, xoolalayda way fahmeysan yihiin, dumarka madaxooda ayaa biyo ku wadaan sidii ay doonan ayay u dhaansanayaa warta,” ayuu yiri Macalin Mukhtaar.

Abaarta daba dheeratey ee deegaankooda ka jirtey ayaa Mukhtaar sheegay in dishay 10 lo,a ah iyo 30 ari ah.

Mukhtaar boqolka neef ee ariga ah ayuu marba meeshii daaq loogu sheego u la guurayay. Mukhtaar meesha ugu fogeed ee uu arigiisa u raray ayaa ah Gobalka Shabeellada Hoose.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here