Dhuusamareeb: Gabar ka macaashtay beeridda calafka xoolaha

0

(ERGO) – Caasho Axmed Xasan oo 16 jir ah waxay muddo toddobo bil ah beertaa calaf ka xoolaha oo ay isku daygiisa billowday markii ay ka aragti-raacday baraha xiriirka bulshada oo ay ka daawatay casharro la soo geliyay Youtube-ka.

Caasho waa ardayad dhigata fasalka ugu dambeeya dugsiga sare ee Galgaduud ee Magalada Dhuusamareeb. Waxay calafkan ka beerta masago ama haruur ay diyaariso muddo 10 beri ah kaas oo ay ka gataan dadka xoolaha leh ee uusan kufilneyn daaqa deegaannadooda ee ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Caasho waxay halkii baafba ku iibisa siddeed ama toddobo doolar waxaana cel celis ahaan lacagta ay ka hesho cowskan sida fudud lagu beeray bishii u noqotaa $64 ilaa $80.  Waxay bishii beertaa celcelis ahaan 20 baaf oo qaar ay xoolaha guriga jooga siiso.

“Waxaan waligeyba jeclaa in aan wax curiyo, bilowgii sanadkaan ayaa baraha xiriirka bulshada ka arkay casharolooga hadlaayo qaabka wax beeriista, kaddib waantijaabiyay oo waa iga halowday tijaabadii kowaad, laakiin kuwii danbe waan ku guuleystay oo hadda waqti badan igu maqaadato beerista haruurka,” ayay tiri Caasho.

Caasho ayaa xustay in lacagaha ka soo xarooda cowsskan ay iyada iyo walaalkeed ka yar iskaga bixiyaan lacagta iskoolka oo $24 inta kalana ku caawiso hooyadeed oo nolosha qoyskooda ka dabberta ganacsi yar oo ay suuqa Dhuusamareeb ku leedahay.

Waxay sheegtay in waligeed ay ka fakiri jirtay inay hesho shaqo ay dhaqaalaheeda isaga bixiso iskuulka qoyskeedana ku caawiso, waxaana ganacsigan ku kalifay iyadoo ay mararka qaar ku adkaan jirtay inay hesho lacagta iskuulka oo ay ka marayso fasalka afaraad ee dugsiga sare.

“Waa amiinsanahay in aan  door muhim ah  ka qaatay  kaabaha dhaqaale qoyskeena  maaddaama  qarashaad  lagu bixin jiray  waxbarashada ani iyo walaalkay  aan  xiligaan anigu  dabaro,  sidoo kalena   qarashaadkii xoolaha   lagu  bixin jiray  ayaa  hadda meesha  ka baxay   oo aniga ayaa  calafka u beera,” ayay tiri Caasho oo ku taamaysa in ay sii ballaariso wax-soo-saarkeeda.

Ka sokow in Caasho ay dhaqaalaha ka hesho beerista cowskan waxay sidoo kale dadka xoolo-dhaqatada ah u sahashay in xoolahooda ay helaan cows aan dhul dhaaqsintooda ka bixin haddana ay ku heli karaan lacag ka yar tan lagu gado raashinka xoolaha la siiyo.

Luul Xasan Erkole oo ka mid tahay xoolaleyda deggan magaalada Dhuusamareeb waxay haysataa 20 neef oo ari ah, waxayna macaamil u tahay Caasho oo ay cowska ka gadato.

Waxay sheegtay in ka hor inta aysan gabadhan calafkan beerista billaabin uu uga imaan jiray magaalada Beledweyne  qeymo gaaraya  halkii   xirmo oo  cows ah  $10 taas oo mararka  qaar la waayo madaama uusan jiriin  dad u beec keena Dhusomareeb. Cawska  Baladweyne  laga  keeni jiray waxaa la soo saari jiraay baabuurta u soo safarta Dhuusamareeb. Luul ayaa hadda cawskan ku hesho lacag dhan $7.

Sacdiya Siciid waa hoyada dhashay Caasha ayaa sheegtay in markii ugu horeysay ee ay gabadheeda wax beereysaay ay la yaabay. Sacdiyo oo xoolo-dhaqato ah haysatah ilaa  15 neef oo ari ah ayaa Raadiyow Ergo in calafkan xoolaha uu sidoo kale anfacay qoyskooda.

“Xilliyadii abaaruhu gobolka ka jireen sidaa noo kale waxaa iga dhamaaday xoolihii aan magaalada ku haystay, kuwaa oo aan u wayay  wax ay  cunaan. Waxaan kale oo dhib iga haystay  in aan  geeyo meelaha baadiye ah oo fog,  si aan  wax ay cunaan ugu raadiyo,  haddese nasiib wanaag waxaas waan ka gudbay oo gabadheyda ayaa  caws aanaan lacag ka soo  bixin meel foogna u dooniin oo waliba, si fuuduud ku baxaya u beertay arigaygii,” ayay tiri Sacdiya.

Caasho  Axmed   waxaa ay    sheegtay  in bilowgii   beeriida  calafka  xoolaha  ay dadku   siyaabo  qaldan  uga  fal celiyeen   maaddaama aysan  deeganka  ka jiriin  abuur noocaan oo kale ah.

“Dadka deggaanka  waxay  oran jireen cawaskaan waa mid  sumeeysan oo  lagu  talaalay  cudurada   Hivga iyo  waxyaaba  kale,   oo  cowsku  iib fiican iima  heli jiriin, hadallada  dadkaas waxaan kasii  qaaday  dhiiro  galin  iyo  in aan  ku sii  dhiiranaado isku daygeyga waxayna  keentay in  dadkii  igu   xumeeyn jiray   ama  fakaradaha  qaldan  iga aamiinsanaa ay  hadda ka mid yahiin  kuwa  wax  iga  gadto oo    qaarkoodna  igu  boogaadiyaan   hal abuurnimadeyda  aan  deeggaanka ku soo  kordhiyay,” ayay tiri Caasho.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here