Xarun caafimaad oo laga hirgeliyay God-daamiro

0

(ERGO) – Haweenka umulaya ee tuulada God-daamiro oo umul raac iyo dhiig-bax u dhiman jiray oo hadda adeegyo caafimaad ka helaya rug loo furay toddobadkii hore.

Tuualada Gob-daamiro oo 65 km dhinaca woqooyi ka xigta degmada Gibiley ee galbeedka Hargaysa ayaa markii ugu horaysay laga hirgeliyay xaruun adeegyo caafimaad siinaysa hooyadda iyo dhalaanka, taas oo ay ka faa’iidaysan doonaan dad isugu jira xoola-dhaqato iyo beeralay oo ku nool tuulada, miyiga ku dhow iyo tuuluuyin kale oo ku teedsan.

Marka fooshu ku adkaato, hooyada umulaysa ee deegaankan waxaa lagu qaadi jiray dameero, awr, baabuurta caanaha. Mararka qaarna waxaa lagaga umulin jiray guryaha oo ay ku dhiig bixi jireen.

Shan dumar ah ayaa ku umul arooray muddo afar bilood gudahood deegaankan xaruunta laga furay, sida uu raadiyaha Ergo u sheegay Axmed Cabdi Ismaaciil madaxa Ururka Camuud Foundation ee Somaliland, kuwaas oo deegaanka kormeeray bishii july ee sannadkan, ugu dambayntiina iyagu dhisay xaruunta.

“Waxyaabaha ugu daran ee aan u dhisnay cisbitaalkan waxaa ay ahaayeen umushii oo aan haysan meel ay ku umusho, qof kale haddii ay xumadi soo gaadho meel lagu daweeyo ma jirto, xaallad degdeg ah haddii uu u baahdo ma jirto meel la geeyo, waxaa aanu aragnay dad xanuunsanaya oo tunka lagu qaado, baahidaas caafimaad ayaa jirta, waxaa kale oo nagu sii qasbay waxay ahayd in dadka deegaanku ay yihiin kuwa koroya oo u baahan meel u dhow oo caafimaad ay ku helaan, waxaana rajeynaynaa in dhibaatadaas jirtay xaruntani xal u noqon doonto,”ayuu yiri Axmed.

Boqol iyo laba iyo soddon haween iyo carruur isugu jira ayaa adeegyo u doontay xaruntan siddeed cisho gudahood.

Faadumo Maxamed Cabdilaahi oo ku jirta bishii siddeedaad ee sidkeeda, waxay markii ugu horaysay nolosheeda ay toddobaadkan baaritaanno iyo talo caafimaad u tagtay rugta. Waxay xustay in hadda xaaladeeda caafimaad ay la socoto sida cabirka dhiiga, wakhtiga uga hadhay umusha iyo xaallada kasta oo ku soo korodha.

Afarteeda carruurta ah laba ka mid ah waxay ku umushay guriga hase yeeshee labadii u dambeeyay ay ku umushay xannaano ku taalla magaalada Gabiley kaddib dhiig bax badan.

Ilmihii u dambeeyay oo ay dhashay bishii Abriil ee sanadkii hore, waxaa xarunta lagu geeyay gaadhi dameer uu ku qaaday odeygeeda iyo seedigeed.

“Inta hore xaallada umusha waxba maan tagin jirin dhakhtar oo inta loo sii soconayo iyo maalmaha aan guriga ka maqnaanayo ayaan is odhan jiray reerkii ayaa baylah kaa noqon, markaan umul gaadho werwerka ugu badan ee i hayay waxaa uu ahaa inaan isku go’o, ilmuhu hadduu iga xanuunsado meel aan wax u doonto ma garanayn waxaan iskaga haysan jiray guriga ilaa inta alle caafimaad siinayo, waan ku faraxnay markii MCH la noo sameeyay,” ayay tiri Faadumo.

Xanuunada qandhada, shubanka iyo jadeecada ayaa xaruuntani ka kaalmanaysaa carruurta deegaanka in laga daweeyo. Basra Xasan Maxamed oo ka mid ah hooyooyinka deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in markii ilmuhu si daran uga xanuunsado ay wakhti badan ku bixin jirtay helida baabuurka caanaha ka qaada deegaanka oo ah gaadiidka keliya ee isku xira gebilay iyo tuulada marka la reebo awrta iyo dameeraha.

Bishii May ee sannadkan ayaa ilmo wiil ah ka xanuunsaday Basra uu guriga cisbitaal la’aan u jiifay toban maalmood kaas oo markii dambe iska bogsaday waxaa ay ka waramaysaa waxyaabaha ay u geyn wayday xarun lagu daweeyo.

“Xumad ayaa seexisay, anigu kolba biyo yar iyo cuno ayaan la dul taagnaa, ma aan awoodin inaan gaadhi soo kireysto odeygiina wuu iska bogsan ayuun buu lahaa, siddii ayuu ku bogsaday mar dambe oo ilaahay xanuunkii kaga kaxeeyay inankii yaraa,” ayay tiri Basra.

Xaruntan oo ku taalla duleedka guriga Faadumo waxaa ay sheegtay in ay booqatay afar jeer muddo siddeed maalmood ah oo ay hadda furantahay.

Wakhti kasta oo ay dareento xanuun waxaa ay si fudud ku tagtaa lugaheeda si ay howlwadeenada caafimaadku u eegaan waxaa kusoo kordhay. Markii hore waxaa xarun ay tagi jirtay marka ay dareento xanuun badan oo ay ka maarmi weydo cisbitaal.

Haddii Faadumo ma dareemayso werwer ay adeeg caafimaad iyo mid dhalmo, in kastoo ay xasuusato dhib badan oo ay ka martay labadii ilme ee u dambeeyay.

“Hadda xarunta ayaan ku umulayaa oo markaan wax dareemo waan tagaa, anigoo howlaha guriga haya oo aan is ogeyn ayay fooshu i qaban jirtay, inta gaadhi ama gabadh iga umulisa la raadinayo ayaan is odhan jiray miyaad dhiman, ilaahay ayaa naga soo furtay dhibtaas,” ayay tidhi.

Xaruuntan hooyada iyo dhalaanku waxay ka kooban tahay lix qol oo kala ah midkii hooyada iyo dhalaanka, qolkii dawooyinka, waadhka caruurta, midka dadka waaweyn iyo qol ay jiifsadaan shan qof oo shaqaale oo ka howl gala. Hay’adda Camuud Foundation oo ah mid maxaliya oo ka shaqeysa gobolada Galbeedka Somaliland ayaa xaruntan waxay ku kharash gareeyeen dhismahadeeda, qalabkeeda, iyo daawooyinkaba Boqol kun oo dollar, sida uu sheegay Axmed Cabdi Ismaaciil madaxa haayada ee Somaliland.

Ilaa afar kun oo qoys baa lagu qiyaasayaa dadka xaruunta ka heli doona adeegyada. Farxaan Cismaan Carab Madaxa rugtan caafimaadku wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in dadku ay xaruunta ku yaaceen markiiba oo ay aad ugu baahi qabeen adeeg caafimaad.

“Waxaanu u adeegaynaa dhamaan dadkii deegaanka, markiiba way la qabsadeen inay noo yimaadaan, adeegyadii ay u baahneyd hooyada uurka leh oo in xaaladeeda lala socdo waan wadnaa, waxyaabaha ugu badan ee aan qabanaynaa waa in baadhitaano aanu ku sameyno bukaanada iyo dawooyin aan u qorno, xarunta markaad eegto dhamaan qalabkii caafimaadku waa yaalaa oo si fiican ayaan adeega u bixinaynaa,” ayuu yiri Farxaan.

Ibraahim Aadan Qaalib guddoomiyaha tuullada Gob-daarimo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in markasta oo qof xanuunsado ay dhib gaar ah u ahayd isaga, wuxuu xusay in qof kasta la soo hadli jiray haddii uu u baahdo dhakhtar balse aanu waxba ka qaban kareyn baahida dadka ee ah in uu u gargaaro.

“Markasta waxaa naloogu soo dhawaaqi jiray haweenka xanuunsanaya, muddo bil ka hor anigaa gaadhigayga la iigu soo qeyliyay gabadh umulisay, markii ay dhiig baxday ayaa la iisoo sheegay intaan la orday ayaan geeyay cisbitaalka Gabiley gabadhii oo xaaladeedu culustahay, ninka wax haysta qoyskiisa ayaa gaadhi Ingeydh ah u soo diri, ninka kalena waxaa uu ku geynayay dhabarka isagoo ku sita bukaankiisa ama dameer saaray, xaallado qalafsan oo dhinaca caafimaadka ah ayaa ka jiray meesha oo aad moodaysay in la ilaabay,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Ibraahim.

Xarunta maamulkeeda waxaa la wareegtay wasaarada caafimaadka Somaliland oo mushaharka shaqaalaha iyo dawooyinka bixinaysa waana markii u horeysay ee dadka tuulladani ay ka raysan doonaan dhibkii ay ka mari jireen helida adeeg caafimaad.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here