Biyo dhaamin laga sameeyay gobolka Gedo

0

(ERGO) – Ganacsatada deegaanka Buurdhoobo oo dhexdooda iska aruuriyay dhaqaale iyo dad qurbajoog ah ayaa iyaga  oo kaashanaya maamulka magaalada Buurdhuubo bilaabay biyo dhaamin ay u samaynayaan dadka xoola dhaqatada ah oo wali ku danbeeya todobo tuulo oo bariga iyo konfur ka xiga magaaladda Buurdhuubo, kana fog webiga Jubba oo u jira ilaa 50km.

Gudoomiyaha magaalada Buurdhuubo Xassan Maxamud Cali ayaa Radio Ergo u sheegay in ilaa 1500 qoys oo xoola-dhaqata ah ay ka faa’iidaysteen biyo dhaaminta oo hadda socotay muddo labba todobaad ah.

Deegaannada laga sameeyay biyo dhaaminta ayaa waxaa ka mid Qaydo, Ceelwaran, Bay-Guduud, Washaqa-daar, Dhidid, Weeldheel, iyo Caro-dhuubo.

“Guddi ayaan samaynay ,gudiga abaaraha ayaa shaqeeya ,maalin walba inta u suura gasho oo lacag ah oo gacantooda ku soo dhacda ayey booyadaha biyo ku saaran ,” ayuu yiri gudoomiyaha Degmada Buurdhubo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in biyo dhaaminta ay socon doonto inta laga hellaayo roobka dayrta oo la filayo in uu da’o bishaan dhamaadkeeda ama bisha soo socota.

Xassan Xareed Cumar waxaa uu ka mid yahay dadka xoola-dhaqatada ee loo sameeyay biyo dhaaminta ee ku nool badiyaha Buurdhoobo oo ujira ilaa 40km  oo kaga beegan dhinaca konfurta.

Waxaa uu Radiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa oo ka kooban sideed qof, sidoo kalena haysta lixdan neef oo  adhiya oo aroori-waayey  uu u hellay shan foosto oo biyo ah. Biyahaas ayuu sheegay in qaarna xoolahii aroori waayay la siiyay, halka qaybta kalena uu reerka ugu tala galayn in ay cabaan.

Wuxuu u mahadceliyay maamulka iyo dadka kale eek a qaybqaatay biyo dhaaminta, isagoo ka codsaday in ay siiwadaan.

Xassan ayaa Idaacadda Raadiyow Ergo u sheegay in xoolaha iyo dadkaba xaga biyaha ay ku tiirsanayeen Ceelasha iyo waraha balse dhamaan ilihii biyaha ay qalajisay  abaarta  mudada dheer ee labada sano ah  ka jirtay deegaanka.

Wuxuu sheegay in ay xoolunhu uu u aroorin jiray wejiba oo u jira 32km  welina ay inta badan ku tiirsan yihiin. Wuxuu walaac ka muujiyay in hadda wixii ka dambeeya ay ku adkaan doonto in ay xooluhu u arooraan wejiga.

“Xolaha markii hore waa la xarbinaayey, waa laga gacmo daystay,  isbuucan ilaahay haduusan soo gaadhin ama faraj kale nookeenin, khatar ayay ku  jiraan” ayuu yiri Xasan oo ka mid ah dadka deegaanka Dhidid .

Xassan ayaa sheegay in bishaan gudaheeda ay ka dhinteen shan neef oo adhiya iyo labba dameer ilaa 100 neef oo kalena ay hadda halis u yihiin in ay u dhintaan biyo la’aanta jirta awgeed.

Maxamed Dhoore Xassan waxaa uu ka mid yahay ganacsatada degmada Buurdhuubo, waxaa uu Raadiyow Ergo u sheegay in dadka xooladhaqatada ah ee ku nool dhulka baadiyaha ee hoos imaada Buurdhuubo ay haysato xaalad adag oo abaar ah.

Isagoo xusay in dadka iyo duunyaduba ay halis ugu jiraan in ay u geeriyoodan biyo la’aan haysata deegaannadaas.

Waxaa uu sheegay in arintaas ay iyagu ku qasabtay in ay biyo dhaamin sameeyaan si ay dadka biyo u la gaaraan.

Maxamed ayaa sheegay in ay soo kireeyeen ilaa 15 booyadood iyo matooro biyaha webiga ka dalaca oo booyadaha ku shuba, waxaa uu sheegay in calaa booyad ay ku soo kireeyeen lacag 50 doolar.

“Dadka hadde isku mid ma ahan, nin baad arkaysaa baabuur foostooyin saaro, dariiqa isaga la mara la ordaa ayaad arkaysaa, dad wax (dhaqaale) isku dardara ayaad arkaysaa, oo yidhaahda war niyow dadkaan masaakiinta ee durka ku dhimanaaya, hadaan wax haysano aan wax isku gaygayno,” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed Nuur Cabdi oo ka mida xooladhaqatada Buurdhuubo kuna nool deegaanka Washaqa-daar, waxaa uu sheegay in ilaa 15 neef oo adhiya oo awoodi wayay in webiga u arooraan ay haraad uga  dhinteen.

“Adhiga mar dhow ayuu bilaabay in uu aroorka awoodi waayo, marki hore waxaan bilaabay in aan u iibsho laba foosto oo biyo ah, waad dareemi kartaa adhina kuma filno, cidana ma waraabiso,adhiga waxii soo hadha maba la raadiyaba, ma ba loo noqdoba, danta ayaa dadka ku qasabtay, haddii la raadiyo maxaa lagu soo qaaadi, maxaa lagu waraabini waaye,” ayuu yiri Maxamed oo ah abbe 11 carruur ah haysto.

 

 

 

 

 

 

 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here