Beeralay ku hungoobay dalaggii la abuuray guga

0

(ERGO) – Ismaaciil Maxamed Shangolow oo ka mid ah beeralayda degmada Afmadow, wuxuu bishii hore suuqa xoolaha ee degmada ka bilaabay inuu kala iibiyo xoolaha, gaar ahaan kuwa ay sayladda keenayaan dadka ay qaraabada yihiin ee xoola-dhaqatada ah.

Ismaaciil ayaa maalintii helo $5 ilaa $6 oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa oo ka kooban 11 qof, kuwaa oo wajahaya duruufo nololeed.

Aabbahaan ayaa waxaa uu ka mid yahay in ka badan 600 oo ah beeralayda yaryar ee degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Beeralayda waxaa saamayn ku yeeshay roob la’aan taa oo sababtay in ay beeran waayaan dalagyadii.

“Wixii qaraabo ah oo wax keenaya yaan iska hoos orodnaa oo niraahdaa wax nasiiya, waxaas baan shaxaadna oo iska daba soconaa. Wax hadda nolol ah oo weyn oo nin uu reer ku masruufan karo ma aha,” ayuu yiri Ismaaciil.

Shan ka mid ah carruurta Shangalow oo uu mid ka mid ahi dhigto dugsiga sare ayaa bishii hore ku sigtay in ay waxbarashada ka haraan, maaddaama uu awoodi waayay $57 oo uu wadartooda ka bixin jiray bil walba.

Maamulka Iskuulada ay dhigtaan ayuu ka codsaday in ay ka sugaan lacagtaas oo uusan weli hayn.

Qoyskiisa oo ay u badan tahay in ay hal wakhti wax cunnaan ayuu la daalaa-dhacayaa noloshooda.

Wuxuna Raadiyo Ergo u sheegay in bishii toddobaad ay ka dhamaadeen kaydka 20 kiish oo isugu jira gigir iyo gallay oo uu ka dhigtay dallagyadii u soo go’ay dayrtii sannadkii hore.

“Lo’ ma lihi, dibadna la iimo jiro, intaas beerta uun ayaan ka shaqaysanaayay, wax-allaale waxii iga soo gallo, yaraa iyo badanaa iyada ayuun ban masruufanayay, sanadkiiba waxaa iska noqotay, sana yarow bay iska noqotay, Beeraha aad ayaa lagu rafaadsan yahay, aad ayaana looga gaajaysan yahay, wax ka baxayna dhawaanahan ma leh, suqaas ayaan ku ororadnaa oo nolasha ka radian,” ayuu yiri Ismaaciil oo ka sheekaynaayo dhibbaatada hadda haysato.

Ismaaciil oo beertiisu ahayd 20 darab, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in uu jabsan jiray 10 darab oo keliya inta kalena uu waayay dhaqaale uu ku geed-qaado.

Wuxuu sheegay in marka ay ugu yar tahay uu ka goosan jiray beertiisa ilaa 60 kiish oo raashin ah oo uu ka dhigto qayb uu iibsado, kayd cunto iyo wax markaasba ay reerku isticmaalaan.

Beeraha degmada Afmadow oo ka badan lix boqol ayaa iskaashatada beeralaydu sheegeen in ilaa Afar boqol oo ka mid ah xilliga roobka lagu abuuro cuntada isugu jirta messagadda, galayada, digirta iyo sisinta.

Beeralayda sida Cadar Xuseen Axmed oo haysata lix carruur ah oo agoon ah oo aysan waxba uga soo go’in dalagyadii khudaarta iyo cuntada ee beer shan hiktar ah oo ay Afmadow ku lahayd.

Cadar waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in shan iyo toban cisho ka hor ay gabadh ganacsato ah oo deegaanka ku nooli ay qoyskeeda ku caawiday raashin isugu jira Bur, Bariis iyo sonkor min 25 kg ah iyo caagad saliid ah.

“Qayb waxaan ku beeran jiray yaanyo, barbarooniga, basbaaska, qayb digirta ayaan ku beeranayey, qayb galaydda, qayb kale-na bataati bahal la dhaho ayaan ku beeranaayay, khudaartu waxaa ay ku timaadaba waa lagu beeraayay marka raxmad hesho, intaas marka ay ku soo baxdana nolol maalmeedkayagu  kafaayo ayuu noqonaayay, raashinka qayb kayd ayaan ka dhigan jirnay, qayb wan gadan jirnay, “ ayay tiri Cadar.

Khaliif Cali Saaxiil oo isagu xoolo-dhaqato beeralay ahaa wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qoyskiisu ay iminka biilanayaan 40 adhi ah oo uu lahaa, kuwaas oo uu ka iibsaday lacago uu hore uga helay beertiisa.

Waxayse u eg yihiin in ay si xawli ah isu dhimayaan maaddaama aysan daaq wanaagsan haysan isla markaasna qiimahooda oo liito lagu khasban yahay in dhawr neef markiiba loo iibiyo si reerku u biisho.

Tan iyo bishii hore shan neef oo mid kiiba uu ku helay qiimo u dhexeeya 700 oo kun ilaa hal milyan oo shilling ayuu iibiyay, laakiin qoyskiisu laba wakhti uun ayay dab shitaan, sababtoo ah waxaa bil walba laga rabaa $74 oo ah waxbarashada lix carruur ah oo labo ka mid ah ay dugsi sare u dhigtaan.

“Marka beerta ii baxdo. ilmahay mar walbaba, mar ay canbuullo saartan, mar ay galay saartan iyo mar ay digir iska cunaan ayay ahayd, saddex waqtiba sida doonaan ayay yeelayeen, hadda lakiin waa quraac iyo casho sidaas ayay wax u helaan hadda qado ma laha, ama bariis ayay karsanaayiin ama digir iyo galay” ayuu yiri Khaliif.

Beeralaydani oo ku tiirsanaa biyaha roobka iyo kuwa ka timaada bohosha Lag-dhera oo ku taalla dhinaca gobolka Woqooyi-Bari we dalka Kenya ayaa waxay ku khasaareen dallagyadii ay abuureen oo waayay roobkii ay filaayeen bilihii Abriil ilaa Juun, maaddaama uu seejiyay roobkii gu’ga, sida uu sheegayo Raage Mohamed Xassan u qaybsanaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ee degmada Afmadow, kana mid ah beeralayda.

“Beerihii dadkii way beereen waa ku daaleen, marka ay meel dhexe marayaan oo hunguri ka sugaayaan iyo in raashin laga helo, beerihii kulayl bay u buubeen, waxay noqdeen caws, dhibaatada meeshaas bay ka timi. Beeraha markay u bixi waayeen oo raashin la’aan ku dhacday, waxay u kala bexeen wax suuqa ka shaqaysta oo xamaali gala, wax geed goosta wax dhimse guri ku biira iyo qaar weli iska taag taagan,” ayuu yiri Raage.

Raage ayaa sheegay in wasaaraddu ay hay’adaha la shaqeeya u gudbisay in dadka loo raadiyo gargaar deg deg ah oo dhinaca raashinka ah, isla markaasna lagu tala-galo sidii looga caawin lahaa abuurka iyo beerashada dayrta dhow, hadii roob la helo.

“Wasaaradda beeraha waxaa ay rabtaa, in dadka beralayda ah gacanta laga caawiyo, taas oo ah in lacag la siin karro, raashin la siin karro, beeraha wax looga qaban karro oo qalab beero loo keeni karro ,sida Abuurka laga caawin karro “ ayuu yiri Raage.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here