Guurka degdegga ah oo dhibaato ku haayo waxbarasha gabdhaha ku nool gobolka Shabeelada Dhexe

0

(ERGO) – Guurka degdeg ah ee gabdhaha ayaa caqabad ku ah waxbarashada gabdhahaku nool magaalada Ceel-cirfiid.

In ka badan 20 gabdhood oo da’doodu ka yar tahay 16 sano ayaa sannad dugsiyeedkii ku ekaa bishii May ee sannadkan oo kaliya waxbarashada uga haray guurka deg deg ah, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Axmed Xasan Shakuur, maamulaha iskuulka Hoose Dhexe ee Yaasmiin oo yaalla tuulada Ceel-cirfiid.

Iskuulkan oo ay dhigtaan 150 arday oo 80 ka mid ah gabdho yihiin ayaa ardaydu siiya waxbarasho bilaash ah. Maamulka Iskuulku waxay Raadiyo Ergo u sheegeen in guurka gabdhuhu uu saamayn ku yeeshay hab socodka waxbarashada iskuulka.

“Maaddaama lambarkii ardayda is dhimeen, macalimiinta qudhooda waa niyad jabeen. Ardayda cusub ee aan dib u qori lahayn oo aan wax bari lahayn, waalidiintu waxay u arkeen gabadhiiba beriba haddii la guursanayo in aysan daalin, waxbarashada iska dhaafto oo guriga ha ka shaqayso,” ayuu yiri Axmed.

Tuulada Ceel-cirfiid waxay 25 km dhinaca koonfur galbeed ka xigtaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe. Carruurta qoysaska deggan tuulooyinka Macalin Mataan, Aqableey, Dirmooley, Muuri iyo Guda-yareey ayaa wax ka barta iskuulkan.

Wiilasha dhalinyarada ah ee tuulada oo ay habeenkii gabdhaha kula haasaawa ciyaaro-dhaqameedyo deegaaanka caan ka ah ayaa samayn ku yeesha gabdhahan iskuulayda ah.

“Gabdhihii oo iskuulka dhiganaayo oo 13-14 sano jir waxbarshadiina meel fiican u marayso ayaa lagu leeyahay xalay ayaa lala baxay. Waxaa kale oo jira caado dhaqameed iyo maseyr ku jira gabdhaha oo la leeyahay hebla waa la guursaday, Sidoo kale, waxbarashada oo aysan fahamsaneyn qiimaha ay leedahay, wiilal gabdhaha tashkiiliyo oo lacag la siiyo oo soo qalqaaliyo ayaa igayana jiro,” ayuu yiri maamule Axmed.

Xasan Toxob oo ka mid odoyaasha tuulada ee Iskuulka kala shaqaynaya in la dhimo gabdhaha guurka uga tegaya waxbarashada ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in uu jirto lacago yarad iyo sooryo ah oo guurka lagu kala qaato, kuwaa oo fududaynaya in gabdhaha la bixiyo.

Wuxuu sheegay in ay ku jiraan wacyi-gelin bulshada loogu sheegayo muhiimada in ilmuhu iskuulka ku neegado.

“Waxaa meesha ka jirta dhaqaale yar oo guurka lagu kaal qaato tasoo soo jii daneyso gadha iyo waalidkaba iyadoo aysan fahamsaneyn caqabadaha ay keeni karaan maadaama  labada isguursatay aysan masuul qaadi karin kadibna fashil ka dhaco,” ayuu yiri Xasan.

Xaliimo Xasan Maxamed, waa xoola-dhaqato ku nool tuulada Caliyaale oo 2km u jirta Ceel-cirfiid, mid ka mid ah saddex gabdhood oo iskuulka u dhiganayay ayaa bishii hore la guursaday.

“Cawadii sidii gableey, caweys  iyo bintoow wax la dhaho oo dhalinyarada dheesho lagu maqan yahay. Gabartii iigu waynayd 15 sano ayay jirtay bishii hore ayaa la watay, laba dhidhinax ayaa hadda ku hartay iskoolkii,” ayay tiri Xaliimo.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo mar ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa shan sano ka hor dhisay Iskuulkan, markii odoyaasha deegaanku ay ka codsadeen in wax laga qabto waxbarasho la’aanta ka jirtay deegaanka.

Maamulka Iskuulkan ayaa qaadaya tallaabooyin cusub oo ay wax kaga qabanayaan gabdhaha waxbarashada uga tegaya guurka, waxayna qorshaynayaan in ay gabdhaha ay baraan xifado ay ka mid yihiin cilaan saarka.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here