Adeeg Online taksi ah oo shaqo u abuuray dhallinyarada Hargeysa

0
57

(ERGO) – Cabdullaahi Axmed Xasan oo 32 sano jir ah wuxuu ka mid yahay labo kun iyo siddeetan dhalliyaro ah oo ku nool Hargeysa, kuwaas oo lixdii bil ee u dambeysay shaqo ka helay shirkad Dhaweeye la yiraahdo oo isku xirta gaadiidka yar yar ee kirada iyo macaamiisha.

Wuxuu ku shaqeystaa gaari ay leedahay shirkadda, kana diiwaangashan oo maalin kasta uu ka bixiyo toban doollar.

Cabdulaahi ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in shaqadan ay ka dabbartay nolosha qoyskooda oo ka kooban toddobo qof. Waxaa maalinkii kasoo gala gaarigan yar soddon ilaa afartan doolar inta u dhaxeysa.

Kirada gaariga marka uu iska bixiyo waxaa u soo hara dhaqaale ku filan waxbarashada afar carruur ah oo ay walaalo yihiin oo uu bil kasta ka dhiibo $55. Maalin kastana wuxuu biil ahaan qoyska u siiyaa $8.

Wuxuu xusay in habkan cusub uu u sahlay in ay si fudud isu helaan isaga iyo macmiilka u baahan in la qaado. Waxay dadku inta badan ka soo dalbadaan qaab online ah waxaana lacagta internetka maalintii uga baxda nus doolar. Wuxuu aaminsan yahay in adeegani yahay mid loo baahnaa maaddaama maalin kasta ay is baranayaan dad cusub oo kireysta.

“Suuq badan ayaan haystaa, application ayaa la iga soo codsanayaa, xafiiskii ayaa la iiga soo sheegayaa qofkii u baahnaa ee soo wacay waan u tagayaa, moobilkayga gacantana waa la iga helayaa mar kasta.”

Dadka aan haysan telefoonnada casriga ah ee internetka ku xiran waxay toos ula xiriiraan telefoonnada shirkadda oo boorar magaalada ku dheggan iyo idaacadaha laga xayeysiiyay, waxaana sidaas loogu xiraa taksiilaha ugu dhow.

Adeegga ay ku shaqeyso shirkaddani wuu ka lacag hooseysaa marka loo eego gaadiidka yar yar ee kale ee ka shaqeeya magaalada. Halkii km waxaa ay ku qaadaan 5,000 shilinka Somaliland ah una dhiganta $0.5, halka kuwa kale ay ku dhaqaaqaan ugu yaraan $2.

Shirkadda waxaa wadajir u sameeyay dhallinyaro gudaha jooga iyo qurbajoog, gaadiidka yaryar hadda lagama qaado wax khidmad ah, hase yeeshee qorshuhu waa in sanad kaddib wax laga qaado. Waxaa xafiisyada shirkadda ka shaqeeya 116 qof oo qaabbilsan la-socodka gaadiidka, qabashada telefoonnada macaamiisha, hagista wadeyaasha iyo maamulka.

Farax Ayaanle Dayax-weerar oo ah madaxa xafiiska warbaahinta iyo horumarinta ganacsiga ee shirkadda Dhaweeye ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay inay maalin kasta adeeggooda isticmaalaan macaamiil gaaraya celcelis ahaan toban kun oo qof.

Waxay ka warrameysaa caqabadaha ay arkeen ee ku dhaliyay hirgelinta adeeggan.

“Waxaan aragnay alaabihii oo aad gaadhigi kaga dhex tagto oo aan tixraac lahayn oo lala baxsado, hablihii ayaan isku aamini jirin gaadiidka yaryar maaddaama ay cid walba wadato, dumarkii habeenkii iskuma aaminayn. Gaadiidkii ayaan shaqo fiican haysan oo qofkii u baahnaa wuu u soo lugeyn jiray isagoo lacag haysta, markaa habkani ayaa isku xidhaya waxaas oo dhib oo jiray, hadda way diwaangashan yihiin wixii kasta ee dhaca shirkadda ayaa lagala xisaabtamayaa.”

Gawaarida adeeggan u diiwaangashan oo 2080 ah waxay shirkaddu leedahay konton ay u dhiibtay dhallinyaro aan haysan gawaari ay ku shaqeystaan, waxaana marka laga tago khidmadda laga qaato inta kale ee ay maalintii helaan ay u tahay faa’ido aan lagu faragelin.

Wadeyaasha la diiwaangelinayo waxaa khasab ah in ay xeer-ilaalinta Somaliland kala yimaadaan warqad caddeynaysa in ay dambi-la’aan yihiin, inay haystaan ruqsadda gaadiidka lagu wado iyo in ay yihiin wadeyaal shaqada yaqaanna.

Guuleed Ibraahim Ismaaciil oo ah 26 sano jir ka qalinjebiyay jaamacadda Hargeysa sanadkii 2017 ayaa ka mid ah dhallinyarada adeeggan cusub iska diiwaangeliyay. Sanadkii u dambeeyay ayuu taksiile ahaan ugu shaqeysanayay markii uu waayay shaqo kale.

Ka hor inta aanu billaabin shaqadan waxaa uu sheegay in marka uu ugu badan yahay heli jiray 5$ ilaa $8 maalinkii, fursad uu qof ku qaado waxay ahayd mar ama labo marka ay ugu badato. Wuxuu taagnaan jiray saacado badan, maalmaha qaarna shaqo ma heli jirin. Waxaa uu ka waramayaa hadda markii uu adeegan helay waxaa iska beddelay kharashkii soo gali jiray iyo shaqadii uu qaban jiray.

“Shaqadan intii aan kusoo maray nolosheyda waxbaa iska beddelay, lacag aad u fiican ayaa i soo gasha, maalinta ay ugu yar tahay soddon doolar ayaa isoo gasha. Markii hore dhaqaalahaygu wax badan muu ahayn haddase waan awoodaa oo nolosha qoyskayaga anigaa ku filan.”

Habkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo dad badan ay uga dhex shaqeeyaan magaalada Hargeysa ayaa caqabadda ugu weyn ee uu la kulmo ay tahay internetka oo xilliyada qaar go’a.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here