Gabar da’ yar oo loo doortay ku-xigeenka duqa magaalda Badhan

0
105

(ERGO) – Xaawo Maxamuud Faarax oo 26jir ah ayaa toddobaadki hore loo doortay ku xigeenka duqa degmada Badhan ee gobolka Sanaag ee Puntland. 

Xaawo iyo siddeed kale oo haween ah ayaa kamid ah golaha deegaanka cusub ee Badhan kuwaas oo gaadhaya ilaa 28 ruux. 

Guddi ay xukuumaddu u saartay dhismaha golaha deegaanka degmada Badhan ayaa shaaciyay liiska xubnahan. 

Xaawo waxay dugsiga hoose dhexe iyo sareba ku qaadatay degmada Badhan, waxayna heerka koowaad ee jaamacadda ka dhigatay jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaos iyada oo diyaarisay maamulka iyo maareynta. 

Xaawo oo tartan adag kala kulantay ilaa afar rag ah oo kula loolamay kuxigeenka degmada ayaa sidan u cabbirtay dareenkeeda. 

Waxay ii tahay farxad weyn waxayna ahayd wax aan juhdi weyn geliyey ahayd in 9 haween ah aan golaha kujirno inta kalena ay tahay rag, isla markaasna ay guddoomiye kuxigeenka ay shan qof igula tartameen, waxaan ku faraxsanahay iyadoo afar rag ay ila tartameen aan booskaas ku soo baxo”. 

Waxay kasoo shaqaysay arrimaha bulshada iyadoo la soo shaqaysay ururo maxalli ah iyo hay’ado ay kamid yihiin Acting Aid, WFP, iyo Adeso. 

Waxay Raadiyaha Ergo u sheegtay in ay muddo ku hamminaysay in ay mar uun noqoto duqa ama kuxigeenka degmada . 

Muddo ayey maxkasdeyda ku jirtay in aan helo awood aan deegaankayga gobolkeyga iyo dalkeyga  wax ugu qabto, waxyaalaha aan ugu hamminayeyna waxaa kamid ah in aan kor u qaado u qareemidda Haweenka si ay u helaan tababarro dhiirigelinaya, helista adeegyo caafimaad oo hooyada iyo dhallaan oo leh agab dhameystiran”. 

Xaawo waa gabadh oo weli ma noqon xaas balse waxay Ergo u sheegtay in xataa haddii ay reer yeelato ay isku wadayso hammigeeda siyaasadeed iyo kan qoyskeeda waxay tilmaantay in hablaha u noqoneyso dhiirrigelin iyadoo kulana dardaartay iskuday joogta ah. 

Hablaha waxaan leeyahay waxaa idinku jirta awood weyn oo tan igu jirta ka balaadhan waxaad leedihiin khibrad iyo aqoon dhiirrada geesinnadu waa inayr oo cagaha dhulka lagu haayo, cadaadis badan ayaa igaga yimi booskan markaan u socday lkn dhiirranaan iyo ad adeyg ayaan ku imi halkan, idinkana waxaan idin leeyahay waa iga karti badan tihiin waana iga aqoon badan tihiin ee isku daya, ayay tiri Xaawo.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa wada dhismaha golayaasha deegaanka ee toddobo degmo oo ay ka mid ahayd Badhan, kuwaas oo ay tahay in maamulkooda lagu dhiso ka hor dhamaadka Oktobar. 

Xubnaha ka mid noqonaya golaha deegaanka ayaa lagu soo xulaa awood-qaybsiga beelaha degmada, waxaana ansixiya guddi ay wasaaradda arrimaha guduhu u saarto in ay odoyaasha kala shaqeeyaan dhamaystirka golaha deegaanka ee degmooyinka. 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here