Xaalad biyo yari oo ka taagan deegaanka Seemare

0

(ERGO) – Xaalad biyo yari ah ayaa muddo seddex toddobad ah ka taagan deegaanka Seemare oo qiyaastii 37 km Galbeedka uga beegan Degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib markii ceelka riig ah oo ku yaalla deegaanka ay cillad dhankan bamka ah ay ku timid, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay guddoomiyaha deegaankaas Warsame Cimi Cumar.

“Ceelku waa ceel kalyaale oo mid lamaane ah ma leh, mida kale waxaa ku go’an birihii iyo bambkii oo ku furtay oo biyaha ku dhex dhacay, wax biyo ah oo ka imaanaya ma jiraan, Labaatan maalmood ayuu dansan yahay,” ayuu yiri Warsame.

Wuxuu sheegay Warsame in ceelka ay ku tiisanaayeen dad farabadan iyo xoolo.

“Waxaa dulsaarnaana waa nafle dad iyo xoolo leh, fuustada biyaha ah, waxaa dadka laga siiya $15, shilin Soomaali ah, booyaduna $300 oo doolar bay biyaha kaga keenta Jariiban, sababtoo ah gadiidka waa ku dhib in ay isticmaalan wadooyinka bacaadka ah ee deegaanka soo gala,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

1,300 oo qoys oo isugu jira xoolo-dhaqato iyo dad ku tiirsan ganacsiyo yar yar, isla markaana ku nool lix tuulo oo Seemare hoostaga ayaa si bilaash ah biyaha uga heli jiray ceelka. Baraagaha iyo waraha roobku uu biyo galiyo ayaa iyaguna qalalan.

Nadiifo Muxyidiin Xasan oo qoyskeedu ka kooban yahay 5 qof, muddada ka badan labaatanka maalmood ee ceelku cilladaysan yahay waxa ay ku tiirsanayd 24tii saacba 5 litar ama wax ka yar oo biyo ah oo ay ka hesho qoysaska deegaanka ee biyaha iibsankara.

Waxay xustay in qoysaska dagan Seemare badankood aysan iibsan karin biyaha laga keeno Degamada Jariiban, maadaama ay qaali yihiin. Waxaa ay sheegtay in dad isku tagay oo iskugu jira ganacsato iyo dad lacag helikara ay booyad biyo ah dalbadaan todobaadkiiba mar, kuwaas oo ay ka soo barido biyo ay cuno ku karsadaan

“Iguma filna biyahaas aan soo baryo waayo qof caagad la wareegaya oo biyo baryo ah raadinaya filnaansho ma heli karo. Waxaa ay ku hayn karto ayaa iska yar todoba-qaad biyo ah. Haddii aad wax ku karsatid, waxba ka soo hari maayaan, Waxaa igu daran mararka aan waayo biyo aan shaaxa ku karsado oo ilmaha oo ooynaya intaan ka tago iyaga oynaya aan ku soo laabto aniga oo caagadii aan biyaha ku doontay ku soo waayay,” ayay tiri Nadiifo.

Shan neef oo ari ah oo uga bad-baaday 100 neef oo abaarta ay ka dishay ayay ka soo saarata nolol maalmeedk carruurteeda, iyada oo caanaha ay ka listo oo dhan ku iibsa 40 kun oo shilin Soomaali ah.

Balse walwalka haya ayaa ah haraadka haya neefafka yar ee u haray oo aysan u awoodin in ay biyo u iibiso.

“Waxaa jira dad badan oo biyaha aan heli karin oo noloshooda ay cariiri ku jirto, biyahana ay ku adag yihiin, Waxaan nahay reer danyar ah oo aan heli karin wax biyo ay ku iibsadaan, Ganacsi ma lihin,” ayay tiri Nadiifo.

Gudoomiyaha Deegaanka Seemare Warsame Cilmi ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah qoysaska xoolo dhaqatada ah ee miyiga tuulada ku noola ay u barakaceen dhanka Jariiban. Balse waxa uu xusay in maamulkiisu uusan hayn tiro sax ah oo dadka barakacay ah.

Warsame ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda biyaha Puntland ee Baaso-wayn uu kala hadlay arrinta cilladda ceelka islamarkana 18 maalin ka hor ay balan qaadeen in bamka la iibin doono, Ceelkana la hagaajin doono balse wali balan qaadkaasi uusan fulin, Xaaladda bini’aadannimo ee deegaankuna ay kasii darayso.

Deegaanka Bacaadwayne oo 200 km Gaalkacyo u jira roobkii gu’ga iyo dayrtii ee ka horayay uusan si wanaagsan u helin taasi waxay horseeday in ceel gacmeedyadii ay biyo yareeyaan oo ay adkaatay in biyo dadka iyo xoolo deeqa laga helo.

Cali Xasan Farax waa aabbaha qoys 9 qof ah, duleedka Bacadwayne ayuu ku dhaqdaa 100 neef oo ari ah.

Waxa uu Raadiyow Ergo u sheegay in xaaladda biyo yari ay ka sii dartay markii roobkii u danbeeyay uu seegay halka dayrtiina aysan si wanaagsan u helin.

Marka qoyska iyo xoolaha uu ceelka keeno ayuu sheegay in maalin iyo habeen ay ku qaadato in uu biyo u helo, mararka qaarna uu dib u laabto isaga oo aan biyo u helin sababta oo ah ciriiriga dadka biyo doonka ah iyo biyaha oo yar.

“Boqolka neef waxaa dhacda in ceelasho oo dhan aad biyo uga waydo oo waqti badan ay kugu qaadato raadintooda, kalka danbe waxaa ku qasban tahay in aad ceelka aad qodo si aad biyo u hesho, maxaa yeelay waxaa ceelasha xabaala bacaad, ceelashu ma aha kuwa si fiican u qodan, bacaadna uu ugu darsamay, sadex ceel baad qodaysa si aad biyo u hesho, adiga oo gareetooyin iyo qalabka kale ee wax lagu qodo isticmaalaya, marka qoddid kadib waxaa ku qasban tahay in aad dhurtid taasi saacado badan kugu qaadanaysa,” ayuu yiri Cali

Gudoomiyaha Bacadwayne Axmed Daahir Cabdullahi ayaa sheegay in barakac uu ka dhashay xaaladan biyo yari ee taagan, xoolo dhaqatadana ay u guureen deegaannada ay biyo ka heli karaan, halka dadka deegaanka iyo xoolo dhaqatada safarka dheer galiwaayay ay deegaanka ku hareen.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here