Kulan lagu dhiirigelinaayo wax-soosaarka beeraha oo lagu qabtay Muqdisho

0
184

Kulan lagu soo bandhigayo dalagyada, khudaarta iyo miraha ka soo go’a beeraha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa soo qabanqaabiyay waaxda caafimaadka ee dowladda hoose ee Xamar.

Muna Cabdullaahi Maxamed oo la shaqeysta waaxdaas ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in madasha ay keeneen waxyaabo badan oo beeraha ka soo go’ay, iyagoo guddi ka socday baarlamaanka federaalka ah iyo qaar ka tirsan hay’adaha gargaarka oo goobjoog ahaa u soo bandhigay kheyraadka dalka iyo faa’iidada caafimaad ee uu bulshada u leeyahay.

Cabdiraxmaan Taysiir oo khadka telefoonka kula xiriiray iyadoo joogta Muqdisho ayaa la yeeshay wareysigan.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here