Qoysas soo barakacay oo ku tiirsan eheladooda oo ku nool Gaalkacyo

0
146

(ERGO) – Xerada Dooxa-Mudug oo ay deggan yihiin boqollaal qoys oo ay abaar soo barakicisay waxa ay ku taallaa duleedka galbeed ee magaalada Gaalkacyo. Dadkan intooda badan waxaa ay ku tiirsan yihiin kaalmo ay ka helaan eheladooda oo deggan magaalada.

Waxaa dadkaasi ka mid ah Cabbaas Cabdi Maxamed oo ah 34 jir uu qoyskiisu ka kooban yahay shan qof ah. Wuxuu Radio Ergo u sheegay in ay Gaalkacyo deggan tahay gabar walaashiis ah oo qoyskiisa caawisa.

“Wax i caawiya oo aan wax ka helaa gabar walaashay ah oo meeshaan deggan oo marka aan is iraahdo caawa waa dib jiraysa, aan nolol maalmeedka udoonta, shaqo aan hayana ma jirto. hooyada qoyska ayaan u diraa ama aniga ayaa taga, mararka qaarna gabadha walaashayda ah ayaa noo keenta. Cunnada aan ka helno halkii marba waa 3 cisho wixii aan karsan lahayn, 3 sano iyo sadex bilood ayaan ku tiirsanay gabadha, nolol kale oo aan iyada ahayn ma hayo, Wax badan ayay noloshayda ka badashay waa qofka kaliya ee aan shinsanayo, waxa ay iga cawisaa cunada iyo caanaha ilmaha ,” ayuu yiri Cabbaas oo gacantiisa midig ku waayay bambo ku qaraxday 16 sano muddo laga joogo.

Cabbaas iyo qoyskiisa waxaa ay ku noolaayeen deegaanka Dowgaab oo 90 km Gaalkacyo u jira oo ay ku dhaqanayeen 30 neef balse marki dambe ay abaartu ka laysay.

Yaasmiin Cabdi oo ah Cabbaas walaashiis waxaa ay Gaalkacyo ku leedahay kabar yar oo khudaarta ay ku iibiso. Labadeeda waalid iyo walaalkeed oo abaarta ku cayrtoobay ayay ku caawisaa dhaqaalaha uga soo baxa ganacsigeeda yar.

“Wiil walaalkay ah baa baadiyaha ka soo barakacay, aniga laftay ma ahi qof ganacsi fiican leh oo qudaar ayaan iibiya, sidaas oo ay tahay wiilkaas walaalkay ah ayaa marka uu ii yimaado caawiya. Caanaha carruurta iyo cunnada ayaan ka dabaray, shan berri wax ku filan ayaan siiyaa, inta uu iga sii maqanyahay ayaan wixii aan siin lahaa marka uu soo laabto u aruuriya,” ayay tiri Yaasmiin

Labo ka tirsan carruurta Cabbaas ayaa gaaray da’ada wax-barashada, waana 7 jir iyo 9 jir, balse waa guri-joog aan haysan fursad ay wax-ku-baran karaan, maaddaama aysan xeradu lahayn xarun waxbarasho oo loogu talagalay dadka barakacay.

Dhulka ay ku taal xerada Dooxo-Mudug waxaa qoysaskan ugu deeqay nin ka mid ah dadka deegaanka sida uu sheegay Cabbaas oo ka mid ahaa dadkii ugu soo horreeyay ee xeradan lagu aasaasay horraantii sanadkii 2017.

Farxiyo Siciid Colaad oo iyaduna ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee xeradan soo dega waxaa muddo labo sano ku dhow, cunna iyo caanaha ku caawiya qoysas ehelkeeda ah oo deggan Gaalkacyo. Waxay keligeed korisaa carruurta oo ay aabbahood kala tageen.

“Way badan yihiin eheladayda. Waa kudhawaad 10 qoys oo kuwa aan qaraabo nahay ay ku jiraan, sida walaashay, gabar aan ilma abti nahay iyo kuwa la mid ah ayaan u tagaa oo waxa aan ka soo helo ka soo qaata. Haddii aan heli karo wax aan uga fursado dulsaar kuma ahaadeen waad dareemi karta qof baryo tagaya baahida u gaysay,” ayay ku cataabtay Farxiyo

Dhibaatada ugu daran ee qoyska Farxiyo haysata ayaa ah biyaha oo laga iibiyo, isla markaana 20 litir laga siiyo 2,000 oo shilin Soomaali ah.

Farxiyo waxay abaartii ugu dambeysay ee gobolka Mudug ku waysay 150 neef oo ari ah iyo 2 awr. Waxay ka soo barakacday deegaanka Dagaari ee gobolka Mudug oo Gaalkacyo u jira qiyaastii 32 km.

Xerada kuma yaallaan xarumo caafimaad, waxaana qoysaska ay tagaan isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo oo bixiya adeegyo iyo dawo lacag-la’aan ah.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here