Mudug: Arday dadka reer miyiga ah baraya qorista iyo akhrinta farta-Soomaaliga

0

(ERGO) – Ardayda iskuulka oo wax-ka-barata  deegaanka Camaara oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa mudaddan labada bilood ah ee uu iskuulada xiran yahay waxaa ay si mutadawacnimo wax u baraan dadka miyiga ah.

150 qof  oo isugu jira dad waaweyn iyo carruur ku kala nool deegaanada Qoraley, Koradi, Silgo, Meygag, Qonjar iyo Dhagaxley oo dhamman hoostaga degaanka Camaara ayaa ilaa hadda la baray qorista farta-Soomaaliga iyo Xisaabta.

Xasan Cali Axmed oo ka mid ah macalimiinta soo fulinaya hawshaan ayaa sheegay in ay arrintaan ku dhalisay in wakhtigooda ay fasaxa yihiin ay uga faaiideeyaan in dadka aan iyagu helin goobo waxbarasho ay wax baraan. 

Aad ayay u danaynayaan, qoraalka ayaa noo muhiim ah in aan barno, Waa dad waa weyn kuwa ugu badani, wax waxbarasho gaarsiiya ayay waayeen sidaan ka arkay,ayuu yiri Xasan oo hadda kormeer ku soo maray dhowr tuulo oo ay howshaan ka wadaan.

Ardaydan iyo macallimiinta waxaa ay sidoo kale xoolodhaqatada ka caawiyeen in ay helaan buugaagta iyo qaliimaanta ay wax ku baran lahaayeen.

Xasan Daahir Xuseen oo ku nool deegaanka Qoriley oo 15km dhinaca bariga ka xigta Camara wuxuu ka mid yahay dadka la baraayay qoris farta-Soomaaliga muddadan labada bilood ah ee la soo dhaafay. Xasan oo ah 40 jir iyo wiilkiisa oo 12 jir ah ayaa subax kasta ka soo kalaha gurigooda si ay u kororsadaan cilmi. 

 “Horay wax u ma arkhin karin, waxna ma aanan qori karin, labadeenuba hadda waa akhrin karnaa afsoomaaliga, xisaabtana inta isku darista iyo tiradeeda iyo isku dhufashada waan naqaanayuu yiri 

Xasan wuxuu leyahay 10 neef oo geel ah iyo 100 ari ah, isaga iyo wiilkiisa waxaa ay uga soo tagaan hooyada iyo lixdiisa carruurta. 

Yuusuf Salaad Maxamed oo ah gudoomiyaha Caamara wuxuu sheegay in maamulka uu macallimiintan caawiyay gaadiidka ay ku tagaan deegaanada.

Dadka in ay xisaabta iyo akhriska bartaan noloshooday muhiim u tahay, lacag kaash ah cidi ma isticmaasho, waxaa la isticmaalaa teleefoonno xisaabta la isugu daro, qofkaan wax akhrin dhib ayay ku tahay,ayuu yiri Yuusuf. 

Yuusuf ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in hadda ay qorshaynayaan sidii xilliga iskuulada la furo ay ugu raadin lahaayeen fursadaha waxbarashada in ay u sii wadaan 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here