In kadan kun qoys oo ka faa’iidaystay biyo dhaamin laga sameeyay tuulooyin hoostagta degmada Cadaado

0
127

(ERGO) – Kun afar boqol iyo siddeetan qoys oo ku nool siddeed tuulo oo hoostagta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka degay culays biyo-yari ah oo ay wajahayeen labadii bilood ee la soo dhaafay kaddib markii ay ka faa’iideysteen biyo-dhaamin socotay saddex toddobaad oo uu sameeyay guddiga qaxootiga Norway ee NRC.

Deegaanadaan oo aan lahayn ceelal biyoodyo ayaa dadka iyo duunyada ku nool waxa ay biyaha ka cabi jireen baraagaha iyo haraha, hayeeshee roobka oo ku yaraa xilli roobaadkii u dambeeyay ayaa sababay in aysan helin kayd biyo.

Madaxa NRC ee deegaanada Galmudug iyo gobolka Hiiraan Ilyaas Sheekh Ibraahim ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 200 oo booyadood oo middiiba ay qaaddo konton fuusto ay gaarsiiyeen deegaanadaas iyaga oo ka jawaabayay codsi ay u gudbiyeen bulshada tuulooyinkaas.

Ilyaas ayaa sheegay in biyo-dhaaminta ka hor ay sameeyeen qiimayn la xariirta sida ay biyaha ku helaan dadkaas islamarkaana ay gar-waaqsadeen in deegaannadan u baahan yihiin gurmad biyo oo deg deg ah.

“Meelo dadkoodii in badan ay barakaceen qaar kelana barakac ay ku dhawaayeen ayay ahaayeen oo biyo la’aanta darteed u barakacayeen, Waxaan siinay qaar 27, halka qaar ay heleen 9 booyadood kuwa kalena ay heleen 61 booyadood, (taa oo lagu saleeyay) sida bulshada ku nool ay u kala badan yihiin ayaannu xisaabaadkaasi u maaraynay, waxaan ugu talogalnay 30 berri laakiin biyo-dhaaminta waxaan ku samaynay 3 todobaad,”ayuu yiri Madaxa NRC.

Deegaannada biyo-dhaaminta loo sameeyay waxaa ka kamid ah Shilin-wayne, Burdhiir, Meygaag, Laan-caduurey, Quraar, iyo Habaasley oo dhammaantooda ay deggan yihiin xoolo-dhaqato.

Cabdullaahi Ibraahim Axmed oo ka mid ah odayaasha deegaanka Quraar oo 75 Km u jirta magaalada Cadaado waxa uu kamid yahay 200 qoys oo ku haray deegaankiisa oo 60 qoys ay biyo yarida uga barakceen afartii todobaad ee la soo dhafay.

Deegaanka Quraar ayuu sheegay in qayb ahaan uu u helay 13 booyadood oo middiiba ay tahay 100 qaad tahay. Biyahaas ayuu sheegay in lagu shubay kaydadka biyaha ee ku yaalla deegaanka islamarkaana qoysaska si iskumid ah ay u cabaan.

Cabdullaahi oo ah aabbaha qoys ka kooban siddeed qof, waxa uu qorshihiisu ahaa ka hor inta biyaha gargaarka loogu keenay tuulada in uu u hayaamo Cadaado ama Cada-kibir oo ah halka biyo aan lacag ahayn uu ka heli karay.

“Biyaha waxay ahaayeen 1,350 fuusto, waxaan ku shubanay barkado badan oo aanu meesha kuleennahay oo laqoday mar hore xiligii xooluha ay dhaqnaayeen. Waxaan isku qaybinay dhowr qaybood. Halkii baraagba qayb dadka ka mid ah baan saarnay, ilaa dhowr iyo toban barkadood ayaan u qaybinay, sidaas ayaa nidaamka iyo qoondada biyaha dadka u hagaagsan tahay,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Dadka deegaanka ayuu xusay in ay rajaynaayaan ilaa dhamaadka bisha August in ay sii haystaan gargaarkan biyaha ah. Qoyskiiba waxaa maalintii la siiyaan 45 liitar oo biyo ah waxaana dadka deegaanku ay ku dedaalayaan beeqaaminta biyaha loogu deeqay.

“Markan dhanka biyaha waan karoonahay fikirkoodii badnaa iyo dhibaatadii ay nagu hayeen. Waxaan dhihi kara waa boqolkiiba sagaashan walbahaarkoodii wuu idaayay, waxaan helay biyo ay cabaan xoolaha iyo dadka,” ayuu yiri Cabdulaahi.

Biyaha ganacsi ahaan deegaanka loo keeni jiray markii hore ayuu sheegay Cabdulaahi in fuustadii ay gaartay 120 kun oo shilin Soomaali ah. Qoysaska tuulada ayaa iibsan waayay biyahaas maaddaama xoolihii ay dhaqanayeen intii abaaraha uga bedbaadday aysan nacfi badan lahayn.

Cabdulahi ayaa lagu leeyahay lacag dayn ah oo gaaraysa $467 oo uu ka qaatay ganacsatada biyaha keenayay deegaanka labadii sano ee la soodhafay oo aad roobabku ugu yaraayeen tuulada Quraar.

80 neef oo ari ah oo uga haray 300 oo neef oo uu lahaa ayuu Cabdullaahi ku dhaqanayaa deegaankiisa.

“Xoolaha waan iskaqalana wax kale ma hayno, qiimo ma joogaan xoolaha waa ay iska abaraysan yihiin, suuqaas Cadaado ayaan geeya haaf bariis ah ah ayaan siista halkii neef,” ayuu yiri.

Shukri Maxammed Cali oo ah hooyada qoys 9 qof ka kooban waxaa iyada iyo saddex boqol oo qoys ay deggan yihiin deegaanka Habaasley oo Cadaado u jirta 70 Km. Waxaa ay in qorsheynaysay markii ugu horreysay in ay hayaanto kaddib markii ay adkaatay qaabkii ay biyaha ku heli jirtay. Hadda tuuladeeda waxaa ay heshay 27 booyadood oo middiiba ay tahay 50 qaad oo hay’addu u shubtay.

“Biyaha marka aan xilli roobaad ahayn oo aan xareedda lahelayn markasta waa dhib oo lama helo xiligaas oo kale, marka booyado ayaa la shubta, maxaa yeelay ah ceelal kuma yaalaan mid gacan qod ah iyo mid riig ah toona,” ayay tiri Shukri oo hadda haysata 20 neef oo ari ah oo uga soo hartay 200 oo ay lahayd abaartii 2017 ka hor.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here