Xeerka qoondada ee Somaliland oo shaqo abuur u sameeyay haween

0
46

Lix boqol iyo lix hablood ayaa markii u horreysay ka faa’ideystay shaqooyinka dowladda oo haweenka kooto loogu xidhay lixdii bilood ee u dambeysay. Qorshahan ayaa kor loogu qaadayaa saamiga dumarku ku leeyihiin jiraan shaqaalaha dowladda oo yar.

Ha’yadda Shaqaalaha Dowladda Somaliland ayaa waxaa ay sheegaysaa in barnaamijkan kor loogu qaadayo haweenka soo codsada shaqooyinka ay baahiso dowladdu.

Shaqo kasta oo dowladdu ay soo xayisiiso waxaa qoondada haweenka loogu xidhay in ay ku yeeshaan 30%.

Shaqaalaha dowladda oo ah lix iyo toban kun shan boqol iyo toddoba iyo afartan (16,547) qof ah waxaa ay dumarku ka yihiin 4135.

Fadlan halkan hoose ka dhagayso warbixinta oo dhamaystiran.

 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here