Isbitaalka deegaanka Bursaalax ee gobolka Mudug oo dhaqaalo la’aan u xirmay

0
Sawir kayd/Ergo

Isbitaalka deegaanka Bursaalax ayaa waxaa uu xiran muddo lix bilood ah, kadib markii loo waay dhaqaale lagu fuliyo howlihii isbitaalka.

Dhaqaalaha isbitaalka ayaa waxaa uu ka iman jiray qurba joogta deegaanka ka soo jeeda ee ku kala nool wadamada Yurub iyo Maraykanka.

Isbitaalka oo ka kooban qeybaha bukaan-jiifka iyo hooyada iyo dhalaanka ayay istaagtay dhammaan shaqadii ka socotay. Isbitaalka ayaa bixin jiray adeegyo iyo daawo lacag la’aan ah kuwaa oo ay ka faa’iidaysan jireen dadka deegaanka. Waxaana ka shaqeenayay shaqaale gaarayay 18 qof oo iskugu jiray dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal iyo kuwa nadaafada.

Fadlan halkan hoose ka dhagayso warbixinta oo dhamaystiran.

 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here