Saddex boqol iyo sideetan qoys oo hor leh kana soo barakacay colaaddo iyo duqaymo ka jira gobollada Shabellaha Hoose iyo Jubadda Hoose iyo Dhexe ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay soo gaaray waaxda Koowaad ee xeryaha barakaca ee ku yaal degaanka Kaxda ee magalada Muqdisho.
Qoysaskan badankooda ayaa waxa ay u soo lugeeyeen xeryaha halka kuwa kalena ay soo heleen gaadiid si bilaash ah ku soo qaaday oo keenay magaalada Muqdisho.
Qoysaskaan waxaa ay u badan yihiin waayeel iyo carruur iyadoo ay ku jiraan kuwo naafo ah.
Fadlan halkan hoose ka dhagayso warbixinta oo dhamaystiran.