Ku dhawaad 2000 oo qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku soo barakay magaalada Buurdhuubo

0
Sawir kayd/Ergo

(ERGO) – Boqollaal xoolo-dhaqato ah oo ay saamaysay abaar ka jirta dhuldaaqsimeedyada gobolka Gedo ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyay ku qulqulaya deegaanno ka tirsan degmada Buurdhuubo.

Maamulka degmada ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay diiwaangeliyeen 1,983 qoys oo ah dad xoolo-dhaqato u badan carruur, dumar iyo dad waayeel ah kuwaa oo soo xeryaha galay, markii ay xoolohoodii anfac ka waayeen isla markaasna loo hayaamiyay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose oo roobsaday.

Xoolo-dhaqatadan ayaa biyaha ka heli jiray ceelal-qodaal ah iyo waro biyoodyo hadda qallalay.

Buurdhuubo ayaa ah meesha ugu dhow ee ay tagi karayaan dadkan oo ka soo barakacaya ilaa 40 tuulo oo hoostaga degmadaas, sida uu noo sheegay guddoomiyaha maamulka Buurdhuubo Xasan Maxamuud Cali.

Tuulooyinkaas waxaa ka mid ah Buufu, Bakalay, Saanwayn, Surriyo, Malkaahidda iyo Buufil.

“Goobo ayaa jira marka hore aan ku qaabilno, iyada oo markaas ka dib loo sii gudbiyo xerada tiro ahaan qaadi karta, in dadkaas lagu kordhiyo, dad isla degana oo iyaga oo group ah soo guuraya waa jiraan, lakiin sida ay ugu badan yihiin dadka qoys qoys bay u imaadan,“ ayuu yiri  Xasan.

Dayrtii hore ayaa tuulooyinka ay dadka ka soo barakacayaan ugu dambeysay roob sida ay xoolo-dhaqatadu Raadiyow Ergo u sheegeen.

Khayro Muxumed Cabdullahi oo ah hooyada 10 carruur ah waxaa ay labo iyo toban cisho ka hor ka soo barakacaday deegaanka Qanbalooshe oo qiyaastii  55 km u jirta Buurdhuubo. Waxaa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in ay iyada iyo carruurteeda u soo lugeeyeen xerada ku taala magaalada. Waxaa ay dameer ay leeyihiin ku soo qaateen raashin u yaallay oo dhan 12 kiilo iyo bar iyo qaar ka tirsan alaabtii guriga.

Xoolo gaaraya soddon neef oo ari ah iyo toddobo geel ah ayay u dhiibatay aabbaheed oo u hayaamay Jubbada Hoose. Waxay tilmaantay in biyo-la’aanta jirtay iyo abaarta ay naftooda uga la soo carareen deegaankoodii, si ay u helaan meel ay ku noolaadaan.

Khayro waxaa ay ka mid tahay haween xaabo ay soo guraan sii iibiya si ay noloshooda ugu maareeyaan. Dhibaatada ugu weyn ee xeryaha ku haysata Khayro waa in lacagta ka soo gasha xaabada aysan u goyn wax ka badan hal waqti wax ay cunaan.

“Xaabada waxaa iga soo gala labaatan ama soddon baa la iga siin, hadba sida qoryaha u kala nool yihiin, lacagtaasi suus masago ah way iigooysaa iyo maxay ahayd tuminkoo saliid ah, habeenkaas waan ugu daadsan dabka,” ayay tiri khayro.

Qoysaskan oo barakaca soo billaabay bartamihii bishii May ayaa degay bannaanka magaalada ah, wuxuuna maamulka Buurdhuubo uuu go’aamiyay in ay ku kala biiraan xeryaha dadka barakacay ee kala ah Bislay, Farhareeri, Camp Biirra iyo xerada Moori.

Maxamed Xasan Maxamed oo guddoomiye u ah dadka ku barakacay Buurdhuubo ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadkani aysan helin gargaar dhibaatooyin saboolnimana ay haysato. Wuxuu sheegay in ay siiyeen meelo ay degaan.

Maamulka Buurdhuubo ayaa guddi Afar qof ka kooban u xilsaaray dejinta baragkacayaasha cusub. Waa guddi qaabilsan diiwaangelinta dadka iyo qorshaynta iyo bixinta dhulka ay degayaan.

“Aniga marka dadkaa noo imaadan dee Soomaali waa Soomaali, dadku ma ahan dad kala duduwan, waxaan u tarikarno waad garan kartaa labba sababood ayaa aniga nagu wayn, waa qodobe in uu qofku dejin helo, meel uu ka soo tooso in uu helo, waa magaalo meeshuye in dhul loo helo, tan labaadna qofku in uu helo meel amaan ah, annaga tamartayadii waxaa ay noqotay in aan dhulkiina u helno, amaanna u helno, wax la cuno Ilaahay baa loo qabaa,” Maxamed ayuu yiri.

Xaliimo Maxamuud Xaashi oo ka mid ah xoolo-dhaqatada miyiga Shabbeeley oo Buurdhuubo u jira 35 km ayaa bil iyo 20 cisho ka hor ku soo biirtay xero ku taalla duleedka magaalada. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in ay hadda ku shaqayso dhar-dhiqid ay maalintii ka hesho 30,000 shilin Soomaali ah.

“Caruurtaydda waa yaryar, gabadh 12 sano jirta ayaa u wayn, iyadda caruurta ayaan uga tagga, aniga dharka ayaan u soo  dhaqaa dadka, waxaas ayaan nolal maalmeedka aan ka raadiya. Casho uun baan u helli karaa ama kilo bariis ah ha ahaado ama kilo masaga ah oo aan tunto,” ayay tiri Xaliimo.

Intii aysan soo barakicin, 25 adhi ah iyo labo awr oo ay lahayd ayay ku darsatay qoys ay ehel yihiin kuwaa oo ula hayaamay deegaanka Jannaay-Cabdalla oo 60 km u jira Kismaayo.

Waxay sheegtay in qoyskeeda oo  ka koban carruurteeda , ninkeeda oo aragga naafo ka ah iyo hooyadeed oo waayeel ah ay ku tiirsana nacfiga xoolahaas, caanaha xoolaha laga liso iyo mararka qaarkood oo neefaf la iib-geeyo ayuu qoyskeeda ka heli jiray raashinka, daawada, dharka iyo wixii kale ee ay u baahdaan..

Xaliimo waxay xilligan deggan tahay aqal gabbaad ah oo ay ka samaysteen qoryo, kartoomo iyo boco ay iyada iyo carruurteedu ka dhisteen meel bannaan oo ka mid ah xerada Farhareeri ee Buurdhuubo.

Gudoomiyaha Buurdhuubo sheegay in 20kiish hore ay ganacsatada magaalada Buurdhuubo aruuriyeen raashin loo qaybiyay shanta boqol ee qoys kuwaa ee ugu nugul, waxaana qoyskiiba la siiyay raashin dhan 5kg oo isugu jira bariis, sonkor iyo bur.

 

 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here