Dad naafo ah oo daruufo ay ku haystaan xeryaha Beledweyne

0
113
Axmed Faarax Geedi iyo qoyskiisa oo ku nool xerada Kulmiye Beledweyne/Cabdi Axmed/Ergo

(ERGO) – Axmed Faarax Geeddi oo 55 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku jira xerada lagu barakacay ee Kulmiye ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wuxuu ahaa nin lacag uu soo shaqeeyo ku maareeya nolosha qoyskiisa, laakiin hadda muddo sanad ah oo lug iyo gacan ayuu naafo ka yahay, waxay qoyskiisu ku tiirsan yihiin kaalmo ay siiyaan dadka kale ee soo barakacay.

“Hadda waxaan qabsan jiray waan gabay, buush baan ku soo uruuray. Waxaa ka mid ah waxaan ku soo shaqeysan jiray lixaadyadeyda, hadda waan ka fadhiistay, lixda-lixaad baa lagu shaqeystaa, indhaha bes baan qabaa ma ogiye, lugaha waan ka fadhiistay, meesha aan rabo ayaan ka soo adeegan jiray marki hore,” ayuu yiri Axmed.

Axmed, habeen uu seexday isagoo caafimaad qaba ayaa mar ay saqdii dhexe ahayd waxaa ku soo booday xanuun. Koomo ayuu galay, waxayna xaaskiisa iyo dad la deggen xerada geeyeen isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, halkaas oo muddo dhowr bil ah uu kuu jiray. Dhiig-kar iyo neerfo ayaa xanuunkiisa loo sababeeyay, dhaqaatiirtuna uma sheegin in naafonnimadiisa ay tahay mid dawo leh iyo in kale.

Waa aabbaha lix carruur ah oo kan ugu weyn uu yahay sagaal jir. Waxaa daryeesha oo marna aan dhinaciisa ka dhaqaaqin xaaskiisa, taas oo adkeysay in qoyskiisa uu helo qof u dhaqdhaqaaqa sidii ay u heli lahaayeen wax ay cunaan.

Markii uu caafikaadka qabay wuxuu rooti ku wareejin jiray magaalada, xaaskiisana waxay miis yar oo bagaash ah ay ku iibin jirtay magaalada, wayna isku filnaayeen nolol ahaan. Dameer iyo labo neef oo ari ah oo xoolahiisa ugu dambeeyay ayay iibsadeen, kuna maalgashadeen ganacsiyadaas yaryar.

“Dhibba ha noqoto laakiin nolol fiican ayaan haystay, muslim iyo hay’ad waxba ma baryi jirin, xooggeyga ayaan ku noolaa, xoolaheyga ayaan iska qalan jiray, tacab aan fasho, sidaas xooggaas ayaan ku noolaa,” ayuu yiri Axmed oo  isbabar-dhigaya noloshiisii ka hor barakaca iyo tan hadda ay ku jiraan ee xerada.

Qoyska Axmed waxaa hoy u ah buush ay ku xiran yihiin maryo dhamaad ah, kaas oo uu sheegay in aanu ka celin karin roobka, laakiin wuxuu u yahay meel ay qorraxda ka harsadaan, dhaxantana ay ka galaan.

Abaar ka dhameysay xoolaha ayaa saddex sano ka hor qoyska Axmed ku khasabtay in ay ka soo barakacaan deegaan lagu magacaabo Nuur-Fanax oo qiyaastii 55 km u jira Beledweyne.

Wuxuu sheegay ka hor abaarta in uu intifaacsan jiray xoolihiisa oo riyo u badnaa, xilliyada roobkana uu tacban jiray beeraha, marar uu dadka deegaanka ka helo dhul uu tacbado.

Dad badan oo baahiyo gaar ah qaba ayaa ku jira xeryaha lagu barakacay ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xeradan Barwaaqo ma laha xarun caafimaad oo adeegyada ay u baahan yihiin ay ka helaan dadka halkan deggan.

Hooyooyinka qaar xanuunka raggooda bukaan-jiifka ka dhigay ayaa ku khasbay in ay magaalada u dawarsi-tagaan si ay carruurtooda ugu helaan wax ay cunaan.

Waxaa ka mid ah Saciido Buraale Guuleed oo ninkeeda jug ku dhacday saddex sano ka hor ay ka naafeysay laf-dhabarta.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay si ay u gudato mas’uuliyadda ka saaran carruurteeda oo toban ah in ay maalin kasta dadka u dhex gasho oo hadba wixii ay soo hesho ay dabka ugu shiddo.

“Haddaan baxo oo telefoonka qaato qof toban senti, qof labaatan senti, qof walba wuxuu awoodo, dad qaarkiis waaba yaqyaqsoonaa war orod oo iga tag ayuu ku dhahaa. Dadkaan haddii aad aaddid qof wax leh qofka aan wax lahayn maba rabo, waaba lagu soo burinaabo, haddii aad cunug meel caafimaad u wadatid lacag miyaad wadataa ayaa lagu leeyahay,” ayay yiri Saciido oo subax walbo u kalahdo dawarsi.

Saciido waxay intaa ku dartay in aan marnaba isbitaal la geynin ninkeeda, isla markaana eheladiisa oo ah beeraley magaalada Beledweyne dhinac ka deggan aysan awoodin in ay caawiyaan oo daryeelka caafimaad ee uu u baahan yahay ay u raadiyaan, maaddaama biyo-yarida webiga iyo fatahaadaha soo noqnoqday ay curyaamiyeen wax-soo-saarkooda.

“Waxba lama haayo, wax marka la haayo ayaa meel la geeyaa, kun lama haayo walaalihiisna waxba ma haayaan, dhulkaas beeraha waxna lama haayo, dabeyl ayaa kacday, gaajo ayaa kacday wax lama haayo, wax lama abuurin, ilmihi ayaa mararka qaar wax dabka loogu shubo la waynaa,” Saciido ayaa intaas ku dartay in ay jeclaan lahayd in ninkeeda lagu la garab galo in uu dib u helo caafimaadka.

Qoyska Saciido tan iyo markii ay ka soo barakaceen dagaallo Muqdisho ku qabsaday dhowr sano ka hor waxaa gaari-gacan ugu xamaali jiray ninkeeda.

Carruurteeda dugsi Qur’aan iyo iskuul midna ma dhigtaan maaddaama xerada aanay ka furneyn xarumo carruurta lacag la’aan wax ku bara, iyaduna aysan awoodin in ay geyso dugsiyada lacagta lagu dhigto.

Xerada Kulmiye oo ay deggan yihiin qoysas ka badan 200, kuma yaallaan ceelal ama tubbooyin ay dadku si bilaash ah uga dhaansadaan. Dadku waxay biyaha ka soo dhaansadaan webiga. Hase yeeshee, waxaa jira qaar qoysaska la deriska ah ay biyaha ku caawiyaan sida qoyska Saciido.

“Biyaha waa soo tuugsanaa, xaafadaha ayaan ka soo tuugsanaa, qof noo soo diida iridda sida aad u garaaceysid waad ku daaleysaa, toban irrid, shan irrid marka aad garaacdid ayaa hal irrid lagaa furaa, labo jiirigaan hal jiirigaan ayaa lagu soo siinaa adigoo lagu dhibsanaayo, waxaa lagu leeyahay orod jiirigaankaas qaado. Jiirigaankii ma ilmaha ayaa

cabo, ma wax ayaad ugu karisaa, ma dhar ayaad ugu dhaqdaa, ma saxarada ayaad uga dhaqdaa, marka biyahaas tuugsiga ayaa la iska aadaa.”

Xeradan waxaa sanadkii 2015 xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne ka aasaasay qoysas ka soo barakacay abaaro iyo colaado ka jiray qaar ka tirsan gobollada koonfurta dalka, gargaar lagama bixiyo, mana ka jiraan adeegyada aasaasiga ah, sida; caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here