Waddo la’aanta oo ka hortaagan beeralayda bunka ee Calmadow in ay gaaraan suuqyo badan

0
226
Kayd sawir/Ergo

(ERGO) – Beeralayda yaryar ee deeganada hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa wajahaa

xilligan xagaaga ah waxay macaash badan ka samaynayaan qaxwaha (bunka) oo si wanaagsan ugu miro-dhalay, markii uu deegaanku helay roobab lixaad leh bilihii Abriil iyo May ee sannadkan.

Beeralaydan oo ku sugan tulooyinka Markad, Daadan, Maayeer iyo Dan ee ku teedsan dhulka buuralayda ah ee loo yaqaano Calmadow ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ay abaartu ragaadisay tacabkooda.

Mukhtaar Cabdullaahi Ciise wuxuu leeyahay labo beerood oo lagu qiyaaso 2.5 hectar oo ay ugu beeran yihiin ilaa shan kun oo geed oo bun ah kuwaas oo la abuuray 18kii sano ee u dambeeyay.

Mukhtaar oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in sannadkan oo keliya (2,500 kiilo) ayaa u baxay.

“Sanadkan rajo fiican ayaan qabnaa madaama oo ay de’een roobab laxaad leh, aad iyo aad baannu u rajo weynnahay, sababtoo ah berigii hore abaaro ayaa iska jiray, marka sanadkan sifiicanna wuu u soo go’ay, rajo fiican baan qabnaa, waxaan rajeynaynaa in aan dhaqaale fiican helno ilaa 5-6kun beerkasta,” ayuu yiri Mukhtaar.

Mukhtaar wuxuu intaa ku daray in uu Boosaso u iibgeeyay kun kiilo, inta kalena waxay weli ugu yaaliin sabab la xiriirta gaadiid la’aan.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in nolosha qoyskiisa iyo waxbarashada siddeed ka tirsan tobankiisa carruurta ah ay ku tiirsan tahay wax-soo-saarka beertiisa.

Beeralaydan ayaa bunka ku qaada dameero aan la saari karin midkiiba rar ka badan 60 kiilo oo si isu dheeli-tiran labada doc (dhinac) looga kala ridayo maadama laga cabsi qabo in ay ka dhacaan qararka halista badan ee ay marayaan.

Qaarkood ilaa 50 km ayay dhulkaas halista ah ku lugeeyaan si rarku u gaaro meesha ugu dhow ee ay ka heli karaan gaari, sida Ismaaciil Muuse oo mar kasta oo uu wax-soo-saarkiisa iib-geynayo adeegsada laba dameer oo uu leeyahay, kuwaas oo uu ku geeyo tuulada Markad, kadibna gaari halkii kiintaal ugu qaada $8 uu ugu sii gudbiyo magaalada Boosaso.

“Horta anigu reer baadiye ayaan ahay oo bunkaas uun haysta, waddana noomaba timaaddo waan iska oodan nahay, labadaa dameer baan iska rartaa markii ay ii soo go’aan bunka oo Boosaaso u diraa oo maba xisaabiyo lakin Bun fara badan ayaa soo go’ay gugan, Calmadowna aad buu uga buuxaa, xaafadaha kalena waa ila  mid waaba iga bun badan yihiin, beertaydu waa ugu danbaysay, sannadka aad buu u fiicnaa bunku oo sanadihii hore uga duwanaa, kama warwarno nolosha asaasiga ah sida bariiska iyo anfaacda kale, lakin waxbarasho ma haysanno caafimaad ma haysanno, waddana ma haysanno,” ayuu yiri Ismaaciil

Boosaaso waa suuqa ugu weyn ee ay beeralaydani u iibgeeyaan wax-soo-saarkooda gaar ahaan bunka, maadama bulshada xeebaha gobolka Bari ay aad u cabbaan qaxwada.

Ganacasatada suuqyada Boosaso waxay beeralayda halkii kiilo oo bun ah uga iibiyaan $3, iyagoo macaamiishooda uga sii iibiya $5. Waa qiimo aad uga sarreeya bunka laga keeno dalka Itoobiya oo ay kiiladiisu suuqa ku taal $1.

“Meeshan, cimiladeeda wey ka duwan tahay dhulka kale, hadda kan ka yimaado Itoobiya waa ka duwan yahay, xagga midhaha wuu ka waa weyn yahay, ka macaan, kana udgoon, aad buuna u baxaa midho badan ayuu leeyahay,  aad buuna u baxaa , Soomaaliya meel kale oo uu ka baxo kuma arag,” ayuu yiri Mukhtaar oo faahfaahinaayay nooca bunka ee ka baxa buuralayda Calmadow.

Abuurkii ugu horreeyay bunka waxay beeralayadu deegaanka keeneen soddon sano ka hor, sida ay inoo sheegeen.

Geedka bunku wuxuu xay sameeyaa xilliga gu’ga marka uu helo roob iyo dugsi, wuxuuna ku miro-dhalaa mudo 45 ilaa 60 cisho ah.

“Marka la beerayo, waxaa la beeraa iniinta oo dhulka la geliyaa, waqti badan ayey qaadataa markuu soo baxo wuxuu ku dhalayaa 5-6 sano oo midho ku yeelanayaa, marka uu weynaado waa ilaa laba mitir, wuxuu dhalaa sannadkii lab jeer labada kaiiladood, kaliisha gu’ ayuu xayaa deyrtana sidoo kale, waa biyo ku nool geedkan, Boosaaso ayaa la keenaa waagii hore aad looma aqoon hadda waa la bartay oo suuq buu leeyahay,” ayuu yiri Mukhtaar

Ma jirto tiro rasmi ah oo si guud looga ogyahay beeraha bunka ee gobolka Sanaag, laakiin iskaashatooyinku waxay noo sheegeen in dhul-beereedka bunka ee ugu badan ay hoostagaan tuulad Markad oo ilaa 40 beerood ay ku yaaliin, halka tuulooyinka kale ay leeyihiin 20 ilaa 25 beerood.

Bunka Soomaaliya ma haysto suuq dibedda ah oo loo dhoofiyo. Waxaana beeralaydan oo sidoo kale tabcada qudaar iyo geed-miroodyo kale ay dhibaato ka haysataa dhinaca jidadka, Mukhtaar ayaa qaba hadii ay dowladdu samayso jidad fududayn kara in baabuurtu tagto dhulka buuralayda ah ay taas balaarin karto suuqyada gudaha ee ay gaari karaan.

“Meeshan waxkasta ka baxa, noockasta bunkoo uun maaha,hadda banbeellada oo kale Boosaaso koonfur ugama timaaddo, oo halkan ayey ka tagtaa,  qudaar taasi oo ku filan gobolada oo dhan, sanadkasta malaayiin khudaara ayaa meesha ku bakhtida waddo la’aan, biyo yaraan, caafimaad la’aan ayaa jira wax rabrab la dhoho ayaa qofka xanuunsada lagu qaadaa oo geed ah, waxbarasho majirto, noloshii intii muhiimka ahayd baa naga maqan,” ayuu yiri Mukhtaar.

Hase yeeshee, Wasiiru-dowlaha deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada ee dowladda Puntland Cabdirashiid Cali Geelle oo aan wax ka weydiinay dhibaatada beeralayda haysata iyo waxa uga qorshaysan ayaa sheegay in og yihiin caqabadaas ayna ka baaraan degayaan xala u helideeda.

“Annaga ka wasaarad ahaan iyo ka dowlad ahaan qorshe ayaan ka leenahay sida horrumarin jidadkaas iyo dhiiri gelin beeraleyda iyo shacabka in ay sii horrumariyaan oo ka shaqeystaan, wan wadnaa barnaamijkaas waana barnaamij runtii halku-dhigga xukuumaddan cusub, wixii caqabado ahna waxbaan ka qabaneynaa si loosii kordhiyo kan debeddana uu u yaraado” ayuu yiri wasiir Geelle.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here