Galgaduud: Hoos-u-dhac ku yimid qiimaha lagu iibsado ariga

0
230
kaydka Ergo

(ERGO) – Hoos-u-dhac ku yimid qiimaha lagu iibsanayo ariga qaliinka, dhaqaalka iyo kan yaryar ee jaqiiqda(dhalylada ah) ee degmada Guriceel iyo deegaannada hoostaga ayaa saameeyn ku yeeshay dadka ariga u soo safarsada suuqa oo ah kan xoolaha ugu badan la keeno deegaannada gobolka Galgaduud.

Ariga qalliinka ah oo afar toddbaad ka hor lagu iibinayay heerka kowaad $50 ayaa hadda jooga $30 iyadoo kan jaqiiqda ahna uu marayo $18 halka uu markii hore ahaa $30 inkasta oo xoolaha dhoofka uusan saameyn ku yeelan qiima-dhacan sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xuseen Daahir Diiriye oo ka mid ah dallaaliinta Suuqa Guriceel.

Wuxuu xusay in sababta qiima-dhaca keentay ay tahay in xoolo ka badan kuwii horay u imaan jiray suuqa la keeno markii ay soo noqdeeen qoysas waqtigii jilaalka ka hayaamay  gobolka Galgaduud. Sidoo kalena waqtigan ay jiraan qoysas iska bixinaya deyntii ay qaateen waqtigii jilaalka kuwaas oo xoolo badan u soo safrinaya suuqa si ay lacagta deynta iskaga bixiyaan.

Cabdulaahi Dirir Xasan oo ku nool tuulada Beenya-cad oo Guriceel 25 km koonfur uga beeegan wuxuu saddex maalin ka hor suuqa u soo safriyay afar neef oo ari yaryar ah oo labo laga siiyo $50 halka labadi kalena uu ku iibshay 40 doolar, lacagtaas oo uu ku iibsaday raashin, dhar iyo dawada xoolaha balse qeyb ka mid ah adeegga uu qaatay ayuu deynsaday markii lacagtu ugu filnaan weysay.

Wuxuu iibsaday min saddex haaf oo bur, bariis iyo sonkor ah, waxana laga siiyay 50 doollar halka dharkana ay uga baxday 35 dollar isagoo xusay in uu u baahday daawo dhan 15 doolar oo uu ka deynsaday qof uu macamiil u ahay oo tukaan daawo ku leh Guriceel.

Raadiyaha Ergo ayuu u sheegay in inta aanay hoos u dhicin qiimaha uu suuqa keeni jiray labo neef ari ah oo uu biili jiray labo reer oo ka kooban 14 qof.

Cabdullaahi oo ka mid ahaa xoolaha dhaqatada u roob raacay deegaannada Yibirsuga iyo Galcadaad ayaa xusay in uu hadda ku qasban yahay in uu keeno 4 neef oo ari ah si ay ugu filnaato nolosha reeraha.

Cabdullaahi bishii April ee sannadkan haystay110 neef ari ah balse hadda waxaa u jooga 65 neef waxaana inta kale ay uga baxday biilka reerka oo si joogta ah ugu masaruufta ariga ay dhaqdaan qoyskiisu.

Wuxuu xusay in haddii qiima dhacu uu sidaan sii ahaado ay xeridiisu marnaan doonto.

“Markii hore waxaas oo dhan labo neef oo fiicfiican ayaa ku filnaan jirtay balse hadda dadkii wuxuu noqday dad weel la iskula shubay meel kasta colaad ayaa ka jirta waa la isku soo guuray iyo roobkii oo ka babax noqday, daafihina waxaa ka yimid colaado ba’an,” ayuu yiri Cabdullahi.

Guriceel oo keliya kuma koobna qiima-dhaca ariga waxaa sidoo kale uu ka jiraa magaalooyinka Caabudwaaq, Balanbal, iyo deegaanno kale, waxaana hoos-u-dhaca u sii dheer in xoolaha aysan suuq lahayn oo aan laga gadan sida ay Raadiyo Ergo u sheegeen dhageysteyaal soo wacay.

Xuseen Daahir oo suuqa goob-joog u ah ayaa sheegay in ariga lagu iibiyo sayladda Guriceel laga kala keeno deegaanno ka tirsan Hiiraan, Galgaduud iyo dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Wuxuu intaa ku daray in ariga suuqa ugu qiimaha badan uu yahay ariga jarka ee sida fiican u daaqay naqa roobkii guga halka ariga kale uusan qiimo fiican ka joogin suuqa.

“Ariga cad ama ido midku doono ha ahaade ariga jarka ayaa ugu qaalisan oo la dhoofiyo, mar walba kas ayaa ugu faa’iido badan, marka ay suuqa (reer miyi) warsadan meeshii ugu dhaq-dhaqaq badan ayay soo safarsadaan, hadda waxaa la iibsadaa marka ay ugu yar tahay suuqa waxaa la kena 700 neef marka ay ugu badan tahayna 2,000 oo neef. Dadku isku mid ma ahan, waddan abaaro soo maray wuu jiraa, meel roobkedu fiican yahayna waa ay jirtaa xoolaha la keeno suuqa xitaa isku mid ma ahan,” Xuseen ayaa sidaas u sheegay.

Ariga jarka ayaa heerka koowaad waxaa suuqa la kala siistaa $85 halka kan ugu hooseyana uu ka marayo 65 doolar.

Ariga nuucan ah faa’iido ahaan qofka heysta wuxuu ka marmarayaa in uu xoolo badan oo yaryar oo raqiis ah suuqa keeno waxaana xilligan oo ariga dhoofka aad loo iibsado maalintii suuqa laga gataa ilaa 400 oo neef oo nuuca jarka ah sida uu sheegay Xuseen.

Gadiidka xoolaha ka keena degaanada fog fog waxay neefkiiba ku soo qaadan $2 waxaana mararka qaar qofka soo safriya 10 neef ee doonaya in uu deyn iskaga bixiyo ama masaruufto gaariga uga baxda lacagta hal neef oo jaqiiq ah oo dhan 20 doolar.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here