Somaliland: Beeralay loo tababaray kobcinta wax-soo-saarka beerahooda

0
276

(ERGO) – Arday kuliyada beeraha ka barata Jaamacaha Somaliland ayaa ka caawinaayo beeralayda ku nool gobolada Somaliland in ay kor u qaadaan wax-soosaarkooda.

Beeralayda deegaanada Gabiley, Arabasiyo, Abaarso, Cadaadley iyo Dacadar-budhuq ayaa ka faa’ideystay wacyigelin iyo tababar la xidhiidhka habka beero falashada.

Qorshahan oo muddo afar bilood ah dhallinyaradu wadday waxaa ka faa’ideystay ilaa shan boqol oo beeralay ah. Waxaa ay barayaan beeralayda xilliyada ay haboon tahay in la beero abuurka, qaabka beeraha loo sumeeyo, la dagaalanka cayayaanka ee dawo dhaqameedka iyo sida abuurka loo kala fogeeyo oo horay aysan u sameyn jirin.

Mubaarik Maxamuud Iimaan oo deegaanka Cadaadley ku leh beer ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan bishii Maarso markii uu tababarkan helay uu ka raystay dhibaatada ka haysata dalagyada uu beero xilliyada roobku u da’o.

Wuxuu xusay in aqoon fiican uga korodhay habkii uu beeraha u falan jiray oo dhibaato ka haysatay maadaama aanu aqoon u laheyn faa’idada ay leedahay kala fogeynta dhirta iyo in hadba dalag la beero.

Dhibaatooyinka ka haysan waxaa ay ahaayeen in geedku aanu korin iyo in xanuunnada ay kala qaadaan marka ay cidhiidhi ku jiraan.

“Wax qaldan oo aan wadnay ayay naga leexiyeen, si fiican ayay noogu wacyigaliyeen xagga beeraha, haddii ay tahay qodaalka, wax-soo-saarkaba, dawooyinka, waxaa ay inoo sheegeen cayayaano aanaan aqoon u laheyn iyo xilliyada ay dhashaan, sida loola dagaalamo iyo sida loo buufiyo, wax-badan ayay nooga kordhiyeen, waxyaabaha ugu badan ee aan ka faa’iiday waa cayayaanada ku dhasha xabxabka iyo tamaandhada, marka aan gu’gii beero oo ay disho,” ayuu yiri Mubaarik.

Mubaarik waxaa uu xusay in markasta oo beertiisa cuduro ku arko dhirta uu la xidhiidho dhallinyarada oo ka caawiya in uu la dagaalamo cayayaanka. 

“Imika cayayaanadii aad bay uga fiican tahay beertu, waayo, daawadii ay ii tilmaameen ayaan ku isticmaalay, markaa imika aad ayaan uga wanaagsan nahay xaggii cayayaanada, dalagyadii iyaga waan kala bedelay oo waan kala saarsaarnay, digirtii,” ayuu yiri Mubarak oo u mahadcelinaayo dhallinyadii ka caawisay in uu wax-ka-beddelo habka beerista beertiisa.

Dhallinyaradan oo cilmiga beeraha ka dhigta jaamacada Hargeysa, Golis iyo Beder ayaa bishii saddex goor u taga beeralayda, waxaa ay iskugu keenaan goob fagaare ah oo ay ugu sheegayaan waxyaabaha ay ka wacyi galinayaan. Beeraha oo aanay soo wada mari karin ayay goobtan iskugu keenaan mulkiilayaasha beeraha. 

Saacid Daahir Muuse oo ka mid ah dhallinyarada waxaa uu Raadiyaha Ergo u sheegay in ay kormeero ku tageen deegaannada beeralayda iyagoo qaadanayo casharo toos ah oo cilmiga beeraha ah kaddibna ay arkeen in dhibaato ka haysato beeralayda habka ay wax u beertaan iyo sida ay ula dagaalamaan cayayaan. Dhibaatada ay arkeen ayuu xusay in ay ku dhalisay in ay u sameeyaan wacyigalinta ayna ku booqanayaan beeraha si cilmiga ay barteen u gaadhsiiyaan beeralayda.

“Waxaanu aragnay aqoon yaraan aragnay dadkeenii beeralayda markaan indho indho badan ku sameynay, baahi ayaa jirtay ah in dadka beeralayda wax la baro taas Ayaan ugu tagnay, waxaanu baranaynaa in habkii hore ee wax loo beeran laga guuray oo si casriya u beeraan beerahooda, waligood waxba ma baran taas ayaa keentay inaanu cilmiga aanu baranayn gaadhsiino,” ayuu yiri Saacid.

Saynab Axmed Cabdiraxmaan oo ka mida beeralayda tuulada Arabsiyo oo wacyigelinta heshay labadii bishii june waxaa ay Raadiyo Ergo u sheegtay in wacyigalinta ay ka korodhsatay qaabka ay iska ilaalin laheyd sunta, sida wax loo beero iyo habka caro gadiska loo sameeyo. Waxay xustay in aanay qaabka hadda ay wax u beerato aanay hore waxba ugu tabcan jirin. Habkan cusub waxaa ay kusoo kordhisay in abuurku u helo dhul uu si fiican ugu baxo geedku marka uu biqlo.

Marka ay abuurka beerayso waxaa siidhka ku daadinta jirtay dhulka balse hadda waxaa ay u sameysaa inay kala fogeyso, sidoo kale xiliyada kuleylaha oo ay beerta cayayaanka sumeyn jirtay waxaa ay u bedeshay waqti qabowga. Sunta wax dhar ah kama xidhan jirin haseyeeshee hadda waxaa ay tilmaamtay inay xidhato dhar ka celiya dawada.

Dalagyadii u dambeeyay ee ay beertay waxa ay isugu dhex beertay digir, yaanyo iyo basbaas oo ay sheegtay inaanay markii hore sameyn jirin ee ay mid kaliya ku beeri jirtay dhulka.

“Waxaanu ka faa’ideysanaa dawada, carada macnaha sida wax la iskugu haghagaajiyo, wax beeris tayo sidii loo soo saari lahaa, siidhka la isku dhex beeraa faa’idada uu leeyahay Ayaan sidoo kale ka baranay, qaaabka sunta loo isticmaalo oo aan dadku xirfad badan u laheyn oo wakhtiga oo kulul ay dadku isticmaalayaan, qaabka dharka loo xidho ayaanu ka baranay, siidhka waxaanu u isticmaalnaa waanu ku wada shubi jirnay intaanu cantoobno, markaa waxay na bareen inay ka tayo badan tahay in siidhka marka la beerayo space loo yeelo ayay noo sheegeen, waxaa kale oo ay noo sheegeen marka siidhka lagu shubayo khudrada la isku dhex beeri karo,” Saynab ayaa sidaas u sheegtay Raadiyow Ergo.

Ka hor wacyigalinta Saynab waxaa ay sheegtay in caruurteedu ay sunta si caadiya iskaga ciyaari jireen oo aanay u haysan in dhib ay ku keenayso. Hadda waxaa ay sheegtay in looga waramay dhibaatada caafimaad ee ay leedahay oo meelo qarsoon ay dhigto. Waxaa loo sheegay in sunta uu beerku kaydiyo marka ay ku ciyaaraan carruurtu kaddibna ay kusoo baxdo xilli kale oo aan hadda ahayn.

Bishii u dambeysay oo ay hab cusub u beertay abuurka usoo baxay waxay xustay inuu ka tayo fiican yahay midkii ay beeri jirtay laba bilood ka hor. Dalagyada ay beerto waxaa ka mid ah salaadka, barbarooniga,yaanyada, basbaaska, basasha iyo bartiiqa. Sanadkii u dambeeyay waxaa ay sheegtay inay ku khasaari jirtay oo cayayaan ka baabiin jiray. Si fudud ayay hadda ula tacaashaa iyadoo adeegsanaysa dhir dhaqameed ku taala deegaankeeda iyo sunta.

“Waxaa hadda igu soo kordhay halka salaadka oo kale uu ka yaryaraan jiray inuu hadda waaweynaaday oo mid tayo leh soo baxay markii aan kala durkiyay, qofkii wuxuu qaadanayaa salad tayo leh, waxaan cunayaa hadda salad tayo leh, waxaa ay iisoo kordhisay in sunta oo aanaan waxba ka xidhan jirin hadda dhar adag laga xidho oo ay caafimaadka u daran, hadda wakhtigii la buufinayay ee xiliga qabowga ah waan garanayaa, shaqaalihii wakhtigaasi buufiya beerta Ayaan ku leeyahay,” ayay tiri Saynab.

Beerta ay tacbato oo ah kuwa waraabka waxay ku rajo weyn tahay in wax soo saarkeedu kor u kacayo muddo yar gudaheed. Qaabka hore ee ay ka guurtay waxaa ay kala kulmi jirtay in cuno yaraan ay ku habsato iyadoo beertay abuur badan.

Dhalinyarada oo sanadkii saddexaad ee jaamacadda ku jira ayaa si iskood ah ugu taga beeralayda waxaana ay ku maqnaadaan maalmaha ay ka nasanayaan jaamacadaha. Beeralayda waxaa ay la xidhiidhaan ka hor intaanay u tagin si ay iskugu soo baxaan iyadoo marka wacyigalinta ay u sameeyaan tusaale ugu bixiya beero ay koox koox dadka u geeyaan.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here