Jigjiga: Haween shaqo abuur loo sameeyey

0
114
Sawir/Keyd/Ergo

(ERGO) – Foosiya Jaamac Haybe oo haysataa 6 carruur  waxay ku nooshahay magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Waxay iibisaa kabaha ragga oo ay ka keento magaalada Addis Ababa. 

Waxay ganacsigan bilowday bishii Febaraayo 2018, markii ay 12500 birr (450 doolar) ah ay ka daynsatay Shirkad maalgelineed oo ay ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin 

Foosiyo ayaa sheegtay in nolosheedu ahayd mid hoosaysa, oo aan u heli karin quutal yoonka qoyskeeda si dhammaystiran, haatanse fursadda ganacsi ee Shirkadda RAYS u sameeyey ayaa nolosheeda wax badan ka baddalay. 

 “Annigoo wax cunno aan haysan, meel aan wax ka doono garan la’ ayaan lacagtan helay, waxay ahayd lacag yar, laakiin aniga iigama duwanayn deeq la i siiyey,ayey tiri foosiyo jaamac. 

Shirkadda ayaa waxay Foosiya deynta ku siisay dulsaar dhan 18%.

Foosiya hadda waxay haysataa dhaqaale ay ku sheegtay 100 kun oo bir, ( 3,671 doolar), oo aan wax dayn ah lagu lahayn, waxay kiraysatay guri laba qol ah oo ay ka bixiso kiro dhan 1,500 oo birr bishii. Sidoo kale waxay ka heshaa ganacsiga biilka qoyskeeda. 

 “Lacagta muddo sanad ah ayaa la ii qabtay in aan isaga celiyo, waxaanse ku bixiyey lix bilood, ganacsigaygiina wuu ii fiican yahay,Foosiya ayaa sidaas u sheegtay Raadiyow Ergo.

Inta aysan ganacsigan billaabin, waxay ku lahayd guri magaalad kaa oo marki dambe ay u iibisay labo ka mid ah wiilasheeda oo uu  magafena ku qabsaday Liibiya.

Wiilashan oo tahriibay 2017 ayaa weli ku sugan Libya

Saygii Foosiya wuxuu ku dhintay shil gaari sanadkii 2015. Waxayna ka mid noqotay 45 qof oo dan yar ah oo shirkadda Rays oo ah shirkad si gaar ah loo leeyahay, oo daymo siiya dadka dan yarta ah. 

Rajadaydu waa in aan ganacsigayga ballaadhiyo, oo aan dukaan kale furto, haddii dayn kale aan u baahdana hadda waa la i amaahinayaa, in aan guri dhisto ayaan iyadana qorshaynayaa,” Foosiya ayaa sidaas ku haminaysa. 

Fardowso Cabdi oo ahayd hooyo guri joog ah  waxay dayngaaraysa 20 kun oo bir (714  doolar) ka qaadatay Shirkadda bishii Abriil ee sanadkaan, hadda waxay iibisaa dhar ay ka keento magaalada Togwajaale ee ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. 

Laba bil ayaan hadda iska bixiyey wixii deyn la ii qoondeeyey, lacag hadda ka badan 50 kun ayaan haystaa, carruurtaydiina waan biishaa, waxay ii tahay nolol cusub, waan ku faraxsanahay inaan shaqaystoayey tiri Fardowso. 

Fardowso waxay haysataa todoba carruur ah, odaygeedu wax shaqo ah ma hayo, wuxuuna hadda kala shaqeeyaa goobta ay furteen, waxay sheegtay in ay daynta hal mar wada bixin karto, laakiin sida loo qorsheeyey ay doonayso in ay bil kasta u bixiso. 

Maamulka Baanka ayaa sheegay in labada qof ee daymaha bixin waayey ay xaliyeen arrintooda dadkii damiintay, haddana aysan dhib ku qabin, taasina ay dhiiri gelinayso in ay sii wadaan, ayna rabaan sanadka soo socda in ay 50 qof oo kale daymo siiyaan, haddana ay wadaan qabashada araajida, ayna quud daraynayaan inay gobollada kale ee maamulkana gaarsiiyaan. 

Maxamed Amin Sharif Axmed waa gudoomiyaha Baanka Rays qaybtiisa dawlad degaanka Soomaalida, wuxuu sheegay in bishii Janaayo ee sanadkii 2015 shirkadaan faraciisa Jigjiga la furay, isla markaasna ay bilaabeen inay daymo siiyaan dadka dan yarta ah. 

Qorshaheenna waa in aan gacansiinno dadka saboolka ah, dadka hanaanka bangiyada wax looga qaato ma garanayaan, iyagaana na soo raadiya, markaas kadib ayaan xaaladiisa derisnaa, waxaan aan qofka ku xirnaa in uu keeno qof damiinta, sidaas ayaan lacagta ku siinnaa,ayuu yiri Maxamed.  

Dadka ay deymaha siyeen sanadkaas oo 35 ka mid ahi haween yihiin.

Dadkaan gacanta siinay hadda iyagaa ganacsiyo iskood u taagan yeeshay, dhaqaale madax banaanna way haystaan, ciddii wax kale oo ka sii badan u baahatana waan dayminaa, waanan sii wadaynaa, waayo waa qorshe aan wax la’aanta dadka haysata gacan ka siinaynoayuu yiri Maxamed. 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here