Dhadhaab: Dhallinyaro nolashooda ku maareeya xirfadda sawir-qaadista

0
138
Qaar ka mid ah dhalinyada ku shaqaysto xirfada sawir-qaadista/Axmed Abdulaahi/Ergo

(ERGO) – Lix iyo toban dhallinyaro ah ayaa xirfado ay dhaqaale ku heli karaan ka dhigtay shaqada sawir-qaadista xeryamidha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dhallinyaradan oo isugu jira qaar ka tegay waxbarashada iyo kuwa ku jira dugsiyada sare ayaa intooda badan shaqadan bilaabay bilhii Oktobar iyo Nofembar ee sannadkii hore, markii ay ka war heleen in dad badani ay danaynayaan sawir-qaadista.

Suuqa ugu weyn ee haystaan xirfadlaydani waa dhallinyarada oo iyagu u daneeya in ay helaan sawirro qurxoon oo ay saaxiibadood kula wadaagaan baraha bulshada.

Sidoo kale qoysaska iyo dadka munasabadaha gaarka ah qaba ayaa daneeya in dhallinyaradani ay sawirro qurxoon ka qaadaan, deedna ay ugu diraan cajaladaha kambuutarada ku xirma (Flash) iyo baraha bulsahda sida WhatsApp, facebook iyo email.

Ibraahim Maxamed Mukhtaar oo 28 jir ah kuna nool xeryaha waa qofkii ugu horeeyay ee hawshan sawir-qaadista ka bilaaba xeryaha laba sano ka hor.

Wuxuu shaqadan ka maareeyaa qoyskiisa oo ka kooban saddex qof iyo hooyadii.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in fikradani ay ku dhalatay 2015, balse uu waayay qalabkii uu ku shaqayn lahaa, sidaas darteedna uu xoogga saaray in uu rag kale kala shaqeeyo duubista aroosyada ka dhaca xeryaha.

“Dadka waxaa haysay baahi ay u qabeen sawiro, sawirada waxaanu ku qaadi jirnay halkii xabo 10-shilliing, waxaan ahaa keligay cid ila socotay ma lahayn,” ayuu yiri Ibrahim.

Balse waqtiga iyo macaamiishiisa oo batay ayaa keentay in uu qiimaha lacagta sawirka uu kordhiyo.

“Aniga oo aan waxba wadanin gaariga xataa dayn ayaan kusii raaci jiray waxaan dhihi jiray markaa meesha tago ayaan ku siin doonaa, markaa kadib ayaan bedelay carafadii ayaan bedelay hadda maalintii 500-Shililing ayaan meel ka dhigtaa oo aan biilkaygu ku jirin, Waxayna igu soo gashaa dee sawirro ayaa la helaa. Maalin walba sawiro ayaa la helaa markaa dee lacagtii aan ku qaadi-jirnay waa ku darnay,” ayuu yiri.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in ay shaqada uu ku bilaabay Kaamiro uu $300 dayn ku qaatay, hadase wuxuu adeegsadaa afar Kaamiro iyo laba computer oo ugu kacaya $2,800. Wuxuuna ku iibsaday lacag uu ka aruuriyay shaqada maalin-laha ah ee sawir-qaadista isagoo qalabkiisan muhiimka u ah marba mid iibsaday.

“Nolshayda sida ay ahaan jirtey iyo sida ay tahay hadda 100% maanta waa dhamaystiran tahay, Alxamdilillaah, Maanta dibad baan u baahnayn, shaqo qof loo shaqeeyo baan u baahnayn,” ayuu yiri Ibraahim oo dhoolacadaynaya.

Ibraahim wuxuu ku soo koray nolol agoonnimo, waxay qoyskiisu xeryaha tageen 1992dii isagoo hal sano jir ah oo xilliyadaas uu geeryooday aabihii.

Markii uu dugsiga hoose/dhexe ka baxay 2007, wuxuu qoyskiisu awoodi waayay in ay bixiyaan buugaagta iyo agabka kale ee waxbarashada si uu u dhigto dugsiga sare.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in ay hawshan kala shaqeeyaan afar dhallinyaro ah oo shaqooyinka culus la fududeeya kuwaas oo uu siiyo lacago gunno ah oo aan cayimnayn marka bishu dhamaato.

Wuxuu sheegay in uu bil walba shaqadan ka sameeyo 40,000 oo shilin Kenya ah, oo ah $400, taas oo aysan ku jirin kharashaadka iyo gunnooyinku.

Xeryaha kuma badna fursadaha shaqo ee ay dhallinyarada heli karaan marka ay dhameeyaan waxbarshada dugsiga sare.

Hay’adaha samafalka oo ahaa isha keliya ee ay shaqo u raadsan jireen dhallinyarada qaxootiga ah ma bixin wax fursado shaqo ah tan iyo 2018-kii, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay dallada dhallinyarada ee xerada Xagardheer oo u ololaysa in fursado shaqo loo helo dhallinyarada.

Cali Cabdi Maxamed waa 23-jir ku nool Xeryaha Dhadhaab, wuxuu sida Ibraahim oo kale ku shaqaystaa xirfadan sawir-qaadista, wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in shaqadani tahay isha keliya ee dhaqaale ee uu ka taageero qoyskiisa. Waxaa la shaqeeya labo qof oo kale oo dhallinyaro ah.

Cali haatan waa arday ku jira fasalka afaraad ee dugsiga sare ee Waberi, saaxiibadiis mid ka mid ah ayaa iskuulka dhameeyay sannadkii hore, midka kalena isaga ayay isku fasal yihiin.

Ma jiro heshiis shaqaalaysiin oo ay dhallinyaradani leeyihiin, laakiin wax soo saarka shaqo ee Cali ayay wax ku leeyihiin labada wiil ee kale ee la shaqeeya.

Cali iyo wiilasha la hawlagala waxay si adag u shaqeeyaan maalmaha sabtida iyo axadda ee ay iskuuladu xiran yihiin, markaas oo ah wakhti uu furan yahay suuqa sawir-qaadistu. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu halkaas bishii ka helo $70,000 shilin.

Waa arrin dhiiri-gelinaysa hadafkiisa ah in uu jaamacad tago marka uu dugsiga sare dhameeyo, sannadka dambe.

Shaqadan Cali waxaa ku bilaabay sawiro isaga ah oo uu soo dhigi jirey bartiisa Facebook, muddo kadib waxaa uu si haddiyad ah ku helay kaamiro taasi oo uu ku kusii Isticmaalay sawiradiisii.

Dhallinyaro badan oo ay jaal ku yihiin bartiisa Facebook isla markaasna ku nool xeryahan iyo magaalada Dhadhaab ayaa codsiyo la xiriira in uu sawirro ka qaado u soo diray, waxaana uu in muddo ah sawirrada ku qaadayay si bilaash ah.

“Aniga ahaan markii aan Photographer noqday wax-badan baa iska bedelay. Waxaa is bedelay nolol maal-meedkaygii oo dhan,” ayuu yiri Cali.

Xasan Cismaan, gudoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Xerada Xagardheer waxaa uu u arkaa in fursadaha noocan ah ee ay dhallinyaradu noloshooda ku maareeyaan ka sokow ay dhanka kale ka weecisay in ay maraan jidad qaldan oo u keeni kara in uu mustaqbalkoodu xumaado.

“Noloshooda waxay ka beddeshay in dhallinyaradaasi aanay ku dhicin waxyaabaha khatarta ah, sida mukhaadaraadka, dembiyada iyo falalka xun-xun dadka in aanay dhicin oo habeenkii aanay socon oo toorreeyo iyo waxaas aanay qaadan, Waxay keentay in uu qofkii mashquulo oo wakhti uu helo uu shaqeysto isagana uu isku anfaco, reerkii guriga joogay oo uu masuulka ka ahaana uu u anfaco,” ayuu yiri.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here