Xoolo-dhaqatada oo loo dabajoogo dayntii ay abaartii galeen

0
158
Sawir kayd

(ERGO) – Xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ayaa weli waxay la tabaalaysan yihiin duruufihii ka soo gaaray abaarihii is xigxigay ee soo maray afartii sano ee la soo dhaafay.

Waxayna ku qaadanaysaa wakhti dheer inay ka soo kabtaan wax la’aanta haysa.

Waxay galeen daymo badan oo aysan iska bixin karin, xoolaha u haray waa wax yar, waxay ka iibsadaan ma haystaan, caano iyo nacfi kale oo qoysaskooda ay ku quudiyaanna kama helaan, sida qaar ka mid dadkaas ay u sheegeen Raadiyow Ergo.

Xasan Caabi waa aabbe 48 jir ah oo ku nool miyiga tuulada Beenyocad oo koonfur ka xigta 25km degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay in lacagihii daynta ee uu galay oo dhan 1,300 oo doolar bartamihii bishaan loogu xirtay saldhiga magaalada Guraceel.

“Dad ehel ah ayaa i soo damiintay, waxaana la ii qabtay saddex bilood in aan ku bixiyo (lacagtaas), mana jirto si aan ku bixin karo. Haddaan dadka xoolo dhaqatada ahna aan dhex mari lahaa oo neef neef weydiisan lahaa qof aan dayn lagu lahayn ma arkaysid,” ayuu yiri Xasan.

Xasan hadda wuxuu xoolo ka haystaa 23 neef oo ariya ah.

Wuxuuna sidoo kale leeyahay saddex xaas iyo 21 carruur ah oo uu la deganyahay miyiga.

Jiilaalkii la soo dhaafay, waxaana uga dhintay saddex boqol oo neef oo adhiya.

Xasan ayaa sheegay in dad qaraabo ahi ay labadii bilood ee la soo dhaafay raashin siiyeen qoysaskiisa.

Xoolo dhaqatadu dhaqan ahaan ma ahan kuwo ku tiirsan raashin gargaar oo ay helaan, noloshooda waa geedi iyo galab carow ay xoolaha ugu raadinayaan daaq iyo biyo. Waana tan ku khasabta in ay ka fogaadaan goobaha magaalooyinka.

Xasan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in uu muddo isku dayay in wax taakulayn ah uu ka helo reeraha degan geyiga uu ku nool yahay.

“Xarig ayaan sitaa, bal wixii neef iyo ka badanba i siin kara, mase aqaan siday iigu hir geli karto in aan dadka wax ka helo,” ayuu yiri Xasan.

Inkasta oo ay roobabkii gu’ga da’een haddana xoolaha u haray xoolo dhaqatada ma u irmaana, taas oo ay u sababaynayaan in aan xooluhu rimin xilligii ku haboonaa abaarihii jiray dartood.

Cumar Jaamac Faarax waa madaxa hay’adda Taakulo Somaliland Communities oo ah hay’ad ka tirsan shebakadda ay ku midoobeen 11 hay’adood oo gargaarka Soomaaliya ka shaqeeya, loona soo gaabiyo NEXUS.

Wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in xoolo dhaqatada reerka ugu wanaagsan ay u hareen 40 neef iyo wax ka yar.

“Dadka xoolaha yar haystaa waxba kama helaan, wax kama iibsan karaan, badina ma irmaana, si ay ugu tarmaanna waxay u baahan yihiin in sanadaha soo socda laga taageero dhinaca helista cunnada,” ayuu yiri Cumar.

Abaartii ina dhaaftay waxaa ka horeeyey abaaro daran oo 2016 ilaa 2017 naafeeyey xoolo dhaqatada.

Waxaana ay si isku mid ah u saameeyeen xoolo kasta oo dadku dhaqadaan.

Faadumo Axmed Nuur waa hooyo dhaqata Lo’da, waxayna ku nooshahay miyiga degmada Balcad, waxay hadda ula guurtay lo’dii miyiga fog.

Mudadii jiilaalka dheer waxay siinaysay galay iyo mesego ay uga daymanaysay bakhaarada raashinka gudaha magaalada. Xilligaas wuxuu qorshaheeda ahaa ina y iska bixiso marka roobka da’o.

“Hadda waxaa lagu leeyahay 35 milyan oo shilin Soomaali ah, meel aan ka bixiyo ma aqaan. Dadkii faraqay I hayastaan, lo’dii weli ma cayilla oo waxba ma gooyaan, hadda intii roobka da’ay ilaa saddex goor ayaa saldhig la I geeyey lacagta la igu leeyahay darteed,” ayey tiri Faadumo.

Faadumo waxay sheegtay in jiilaalkii la soo maray uu iyada u ahaa kii ugu xumaa ee soo mara, taasoo ay u sababaysay webigii oo guray, meelihii lo’da daaqa ka heli jirtay sida balkii beeraha oo la waayey.

“Hadda saddex sac ayaa ii irmaan, waxaa maalintii iga soo gala caanahooda 60 kun oo shilin, iyana raashin aan carruurta u kariyo ayaan ugu soo iibiyaa, wax kale oo aan ka iibsan karo ma laahan,” ayey tiri Faadumo.

Waxay Faadumo hadda haysataa 37 neef oo lo’ah, waxaana abaarta kaga bakhtiyey 25 neef oo lo’a ah.

Cabdi Xuseen Rooble oo ah madaa hay’adda haqab beelka cunnada ee FSNAU ayaa isagu qaba in ay wakhti dheer qaadanayso in xoolo dhaqatadu ka soo kabtaan dhibaatada ka soo gaartay abaaraha.

Cabdi Xuseen ayaa sheegay in gobollada ugu daran ee abaartu naafaysay yihiin, Soomaaliland, Puntland, Gobollada Dhexe, Bay iyo Bakool iyo dadka xoolo dhaqato beeralayda ah ee dhulalka webiyada maraan ku teedsan.

“Jillaalkii hadda ina dhaafay wuxuu ahaa mid wadanka dhan saamayey, biyo la’aanta ayaa ugu darayd. Xitaa dhulalkii webiyada mareyeen, biyo la’aan aan weligeed horay uga dhicin ayaa ku dhacday,” ayuu yiri Cabdi Xuseen.

Daynta lagu leeyahay xoolo dhaqatada waxaa kale oo ay culays dhaqaale ku noqotay dadkii daynta lahaa ee ganacsiyada ku haystay tuulooyinka xoolo dhaqatadu wax ka iibsadaan ku noolaa.

Aamina Xuseen Saleebaan waa hooyo 5 carruur ah oo agoon ah dhashay, waxay ku nooshahay tuulada Gorofley oo 40km dhinaca bari ka xigta degmada Xudun ee gobolka Sool.

Degaankaasi waa meelaha ay abaaraha sida daran u saameeyeen.

Afartii sano ee la soo dhaafay wax roob ahi kama da’in deegaanadaas.

Aamina lacag hadda waxaa dayn uga maqan 5,000 oo doolar taa oo ay siisay dadka xoolo-dhaqatada ah.

“Dadka xilliyadii ay xoolaha haysteen marka ay jiilaalka ka doogaan daynta way bixin jireen, haddase waxay ku bixiyaan ma lahan, waxba isma dhaanno oo wixii aan haysannay labadeeniiba waa na dhaafeen, anniga hadda carruurta waxaan u kariyo qoysaska wax haysta ee tuuladaan maalinba qolo wax uga soo qaadaa,” ayey tiri Aamina.

Hay’addaha ku bahoobay ururka Nexus ayaa sheegay in hay’addaha gudaha iyo kuwa caalamiga ahba looga baahan yahay in ay keenaan xal ay ku wajahayaan dhibaatada haysata xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here