Puntland oo dhul loo seereynayo xoolo-dhaqatada si ay jiilaalka ugu baxsadaan

0
325

(ERGO) – Deegaanno ka tirsan Puntland ayaa dadka iyo maamulka oo iska kaashanayan in ay seeraynayaan dhul daaqsimeed, si loo maareeyo dhulka xooluhu daaqayaan xilligaan gu’ga.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland, waxaana tallaabooyin xirmaynta ah laga bilaabay gu’agan dhul-daaqsimeedyo hoostaga degmada Buuhoodlesida.

Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Puntland ee gobolka Cayn, Cabdillaahi Jaamac Ismaaciil ayaa sheegay in qorshuhu yahay marka dooxadda la furo ay xooluhu daaq dhereg leh ka helaan saddexda bilood ee xiga furitaanka.

Waxaa sidoo kale hadda iyana la xiray dooxada Dharoor ee gobolka Bari markii labaad.

Dooxadaan oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn dhul daaqsimeedka ku yaal Puntland.

Waa hab lagu tashiilayo daaqsinka looguna adkaysanayo abaaraha soo noq noqday oo ay bulshada iyo maamulka deegaankaas go’aansadeen soona bilaamay 2017 isla markaasna ay sannadkaasta fuliyeen.

Xiritaanka dooxooyinkaani wuxuu ahaa go’aan ka dhashay dhibaatadii adkayd ee abaartii 2016 ilaa 2017 oo deegaankaas si ba’an u saamaysay xoolaha.

Dowladda ayaa muhiimad weyn u aragta dhaqdhaqaaqa bulshada Dharoor.

“Hadda tijaabadii koowaad baan qaadanay anagoo ka tusaale qaadanayna dooxadii Dharoor. Dadku hadda gobol ahaan iyo degmo ahaanba waa ku baraarugsan yihiin. Laba goobood oo midiiba 5km oo dherer iyo balac ah ayaana la silig lagu xiray bartamihii May,” ayuu yiri.

Cabdilaahi wuxuu sheegay in ay goobahay xireen ay ka soo baxeen dhir.

Dooxada Dharoor oo ahayd tii seerayntu ka soo bilaabatay waxaa iyana markii labaad la xiray horraantii 15kii May. Waxaana qorshuhu yahay in la furo 21ka Luulyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Dharoor oo dhererkeedu 70 km halka ballaceeduna yahay 30 km xilligaan gu’ga si wanaagsan ayey u roobsatay.

In ay hir gasho xirnaanshaha dooxada Dharooreed waxaa suuro geliyey ciidamada booliska degmada Isku-shuban ee ay dooxaddu hoostagto iyo kuwa madani ah oo xoola-dhaqatada deegaanku leeyihiin.

Duqa degmada Isku-shuban Maxamuud Ismaaciil Ciise oo jooga Dharoor, wuxuu u sheegay Raadiyow Ergo in ay khibrad wanaagsan ka heleen xiritaankii dooxadda ee xaggaagii 2017.

“Odayaasha iyo waxgaradka ayay arrintani ka timid, iyagaan gelinsiinnay. Waxayna ogaadeen sida ay ugu badbaadeen sanadkii hore halkaas casharkaas ka barteen ka bacdina iyagii baan ku celinay. waan isku raacnay qoraalanna waan kala qoronnay,” ayuu yiri Maxamuud.

Maxamuud wuxuu sheegay in arrintaas sahlayso in dooxaddu samayso daaqsin lagu sugi karo gu’ga, xataa hadii roobka dayrtu uu soo daaho aan xoola-dhaqatada ku khasbaanaanayn in ay meel kale u hayaamaan.

“Waxaa ka mid ah badbaadinta deegaanka in deegaankii la badbaadiyo oo uu nasto. Ujeedka kale wuxuu yahay dadku in ay ku daydaan in dooxooyinka qayb la xirmeeyo oo xooluhu markay dhulka kale soo daaqaan iyada ay ku soo nastaan oo daaqaan,” ayuu yiri Maxamuud.

Dhinaca muuhimadda dooxaddan, marka laga yimaado dooxadda Nugaal, Dharoor waa dooxada labaad ee ay ka baxaan dhir-daaqsimeedka kala duwan oo xoolaha ku ciyilaan haddii ay cunnaan.

Xoolo-dhaqato isaga yimi buuralayda gobolka Bari, dhinaca dooxooyinka Karkaar ee degamada Qardho ayaana xilliyada barwaaqada usoo doonta dhirtaas dooxooyinkaasi caanka ku yihiin.

Dhirtaas waxaa ka mid ah geedka Daranta oo ah geed dhanaan oo xooluhu daaqiisa aad u jecel yihiin.

Maamulka degmada Isku-shuban waxay 10 kun oo qoys ku qiyaaseen dadka dooxadda isugu soo hayaamay jiilaalkii 2018, si ay daaqsin uga helaan harraadiga xirmadii hore, kagana soo samata baxay jiilka.

Axmed Cabdullahi Cali oo ka mid ah xoola-dhaqatada Dharoor, wuxuu ka faa’iidaystay seerayntii dooxada Dharoor ee sanadkii hore.

Haatan waxaa u jooga tiro adhi ah oo jir ahaan aad kabtay, waxay daaqayaan meel 30 km u jira dooxadda, isagoo quud daraynaya in uu dib dooxada Dharoor ugu noqdo marka la furo.

“Haddeer baa roobkii da’ay, xooluhu waa qurux badan yihin, quruxduna waa sii siyaadaysaa. Cayilka iyo caanuhuba haddii Alle idmo waa la heli,” ayuu yiri Axmed.

Axmed sidoo kale waa aabaha qoys ka kooban saggaal qof.

Afar ka mid ah carruurtiisa ayaa wax ka barta tuullada Dharoor kuwaa oo uu lacagta waxbarashadooda uu ka debero xoolaha uu miyiga ku dhaqdo oo uu marba mid u iibiyo.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here