Tirada gabdhaha dhamaynaya dugsiyada sare ee Puntland oo korortay

0
339
Keydka Ergo

(ERGO) – Hiigsi iyo howlqabad badan kadib ayaa waxaa markii ugu horaysay korortay tirada ardayda hablaha ah ee ka qalinjibinaya dugsiyada sare ee ku yaala Puntland, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada ee maamulkaasi.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in 1,888 gabdhood ay u fadhiisteen imtixaanka dugsiga sare taa oo u dhiganta 38% wardarta guud ee ardayda imtixaanka gashay oo ah 5,005.

Sanadkii hore tirada hablaha u fadhiistay imtixaanka ayaa waxay ahayd 1,600, sida laga soo xigtay waaxda horumarinta waxbarashada gabadha ee wasaaradda.

Saraakiil ka tirsan waaxda ayaa u sheegtay Raadiyow Ergo in ay weli jiraan caqabado ay gabdhuhu wajahayaan oo ay ka mid yihiin guurka oo gabdho badani iskuulada uga haraan.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in qoysaska gabdhaha oo aan awoodin in ay ka bixiyaan lacagaha iskuulada dhawr carruur ah hal mar, ay sababtay in reeraha ay doorbidaan in wiilasha uun waxbarashada sii wadaan.

Macalimiinta gabdhaha ah oo weli ku yar dugsiyada sare ayaa sidoo kale waxay kaalin mug leh ka qaateen dib u dhaca ku yimid waxbarashada gabdhaha.

Wasaaradda ayaa tilmaantay in ay jiraan dadaalo ay sameeyeen oo ay kula tacaalayaan in la helo tiro siman oo ah gabdhaha iyo wiilasha ka baxaya dugsiyada sare.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Maxamed Cali Faarax ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay macalimiinta u tababaraan in ay jaanisyo badan siiyaan gabdhaha isla markaasna ay gacan ka geystaan in kor loo qaado waxbarashadooda.

“Macalimiin gabdho ah baan shaqaalaysiinay. Gabdho badan baan ka bixinaa fee-ga oo danyar ah. Waxaan dhiirigelinaa meelaha ay wax ku baranayaan oo aan ka samaynay rug gabdhaha oo ay ka helaan agabka ay u baahan yihiin marka ay qaan-gaaraan. Waxaan kale oo aan samaynay la talin badan. Waxaan furnay xafiisyo dhiirigeliya arrimaha gabdha la xiriira oo aan gobolada ka furnay,” ayuu yiri Maxamed.

Faadumo Shukri Cabdi oo ah agaasimaha waaxda horumarinta gabdhaha ee wasaaradda ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in siddeedii sano ee u dambaysay ay gabdhaha iskuulada ka baxaya kor u keceen 13%.

Si loo gaaro ujeedada ay wasaaraddu leedahay oo ah in la gaarsiiyo 50% tirada guud ee gabadha iskuulada tegaya sanad 2020, waxay doonaysaa in ay iskuulada hoose qoraan macalimiin badan oo gabdho ah.

Faadumo waxay Radio Ergo u sheegtay in iskuulo badan oo ay ku yar yihiin gabdhaha macalimiinta ah ay u qoreen gabdho qaabilsan in ay xaliyaan arrimaha gabdhaha oo keliya si meesha looga saaro dhibaatada gabdhaha haysta ee ah in aysan macalimiinta iyo maamulayaasha ragga ah ee iskuulada u sheegan karin arrimahooda shaqsiga ah.

“Hawshoodu waa socotaa weli, meesha ay ka yimaadeen iyo meesha ay maanta joogaan waxaa u dhexeeya wax weyn. Insha Allahu waxaan rabnaa inta aanu ka gaarayno in ay kontonka gaaraan ama sii dhaafaan wax badan in aan hawshaas wadno,” ayay tiri Shukri.

Kawsar Cali Yusuf waxay dugsiga sare ee Cumar Samatar dhamaysay 2011, xilligaas oo ay tiro yaraayeen gabdhaha dhameeya dugsiyada sare ee Puntland.

Waxay derejada labaad ee heerka masterka ee kuliyadda injineeriyadda ka soo diyaarisay dibedda.

Marka ay dib ugu soo laabatay dalka, waxay bilaawday in ay u ololaysa waxabrashada gabdhaha.

Kowsar oo la hadashay Raadiyow Ergo ayaa sheegtay in ay jiraan fursado badan oo gabdhuhu ka faa’iidaysan karaan balse caqabadaha ku gadaaman ardayda hablaha ah ay qasbaan in gabdhuhu ka haraan waxbarashada.

Faa’iso Cabdirisaaq Jamac iyo Shan hablood oo kale waxay bare ka yihiin dugsiyaga sare ee Gambool ee ku yaala magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Faa’iso oo dhigta maadooyinka sayniska ah waxay ku talinaysaa in wasaaraddu samayso wacyi-gelin ku wajahan in gabdhaha guursaday ay dib ugu soo laabtaan iskuulada.

Waxaa jira mashaariic waxbarasho oo ay hagto wasaaraddu isla markaasna taageera ardayda danyarta ah ee iskuulada dhigta.

In ka badan 12 kun oo arday oo ka fa’iidaysta waxbarashadaas bilaashka ah waxay 60% yihiin  gabdho, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cali Faarax.

Samsam Axmed Cabdullahi oo 19 jir ah waxay dhamaysay iskuulka sare ee Xaaji Cali Biixi ee Gaalkacyo, waxay ka mid ahayd gabdhihii sannadkan ka qayb-galay imtixaanka shahaadiga ah.

Samsam waxay ahayd umul xilligii uu bilaabanaayay imtixaanka.

Wasaaradda ayaa waxay Samsam u fududaysay in imtixaanka ay ku gasho gurigeeda.

“Waa ilmahaygii u horeeyay. Dareenkaygu hadda ma la soo koobi karo, imtixaankiina waa dhameeyay. Saygaygu isagaa igu dhiirigelin jiray waxbarashada,” ayay tiri Samsam oo la hadashay Raadiyow Ergo.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here