(ERGO) – Seddex todobaad ka hor Webiga Shabeelle fatahaad uu sameeyay ayaa waxaa ku baaba’ay beero ku fadhiya dhul cabirkiisu celcelis ahaan uu dhan yahay 8,350 higtar oo ku yaala toban tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay.
Sida laga soo xigtay maamulka iyo iskaashatada beeralayda ee deegaanadaas, beeraha ku baaba’ay fatahaada webiga ayaa waxaa ku tiirsanaa qoysas gaaraaya 2,470.
Wasiirka ku-xigeenka Wasaarada Beeraha ee Hirshabeele, Maxamed Bashiir Qaasin Daqare ayaa sheegay in khasaaraha daadadka ka soo gaaray beeralayda ay adag in dhawaan laga soo kabsado, isagoo raaciyay in fatahaada ay ku beegantay xilli beeralayda ay ku hanwaynaayeen in la geli doono barwaaqa-sooran.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in inta badan dadkii degenaa tuulada Dhaa’ifo u barakeeen deegaanka Cabdulle todobaad ka hor.
“Tuulada Daa’ifo 1 iyo 2 waxaa ku noolaa 600 qoys. Dadkaas dhamaantood way barakaceen sida la xaqiijiyay,” ayuu yiri Maxamed.
Cali Maxamed waxaa uu ka mid yahay gudiga iskaashatada beeralayda gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wuxuu sheegay in fatahaadan ay ka dhalatay biyo xireen lagu magacaabo Faaw oo gebiyada jabsaday.
Cali wuxuu xaqiijiyay in ay well wadaan tira koobka qasaaraha beeralayda soo gaaray.
Cabduqaadir Muuse Cumar oo ah 63 sano jir, wuxuu ka mid yahay 50 qoys ka soo barakacay deegaanka Mareeray oo ka mid ah tuulooyinka uu wabigu ku fatahay.
Waxaa fatahaada uga baaba’ay tacab ay ka mid yihiin galay, digir iyo bocor oo uu ku abuuray beertiisa oo ah 11-Higtar.
Cabdiqadir oo beertiisa ku maalgaliyay 8 Malyan oo shilinka Somaliga ah, hadda wuxuu dulsaar ku yahay asaga iyo qoyskiisa oo 10 qof ka kooban reer kale oo dagan tuulada Axmed-Ciyow.
“Beerta waxaan galiyay qarash badan balse biyaha soo fakaday ayaa baaba’shay, taasina waa qasaaro weyn. Waxay ahaayeen biyo aad u tan weyn oo aanan awoodin in aan iska celino,” ayuu yiri Cabdiqaadir.
Tuulada Axmed-Ciyow oo ka mid tahay tuulooyinka taaga ah kana durugsan webiga ayaa waxay gabaad siinaysaa dad ka Soo barakacay fatahaada webiga.
Cabdiqaadir oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in hadda ay reerkiisu ku tiirsan yihiin raashin deyn.
Waxaa sidoo kale isna uu Soo gaaray qasaaro Faarax Xassan Xallane oo lahaa beer 11-hirtar oo uu ku maalgaliyay lacag dhan 13-malyan oo shilin soomaali ah.
Beerta Faarax ayaa waxay ku taalaa deegaanka Dhaa’ifo.
Faarax ayaa xusay in hadda ay ku nool yihiin xero barakac oo ku taala duleedka magaalada Jowhar.