(ERGO) – Inkasto oo ay jiraan rag injineero ah oo ku taqasusay xiriirinta korontada, cilad bixinta iyo weliba isu dheelitirka tamarta, ayaa haddana waxaa aad u yar kaalinta dumarka ay kaga jiraan shaqooyinka ku tacaluqa dhalinta tamarta guud ahaan Soomaaliya.
Siciido Xasan Aadan oo 26 jir ah waa gabadha keliya oo ah injineer koronto ee ka shaqaysa mid ka mid ah shirkadaha tamarta ee maamul goboleedka Puntland.
Waxay ka hawlgashaa qaybta dab dhalinta oo ku tiirsan ilayska cadceeda, tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo tan matoorada ee loo isticmaalo shidaalka ee shirkadda korontada NECSOM ee Garowe.
Shaqooyinka ay qabato waxaay u badan yihiin naqshadayn, qorshayn, hagid shaqadda farsamada iyo kormeerid.
Saciido ayaa xustay in xilligeedii waxbarashada dugsiga sare aysan marnaba ku jirin niyadeeda in ay u weecato dhinaca injineeriyada balse fursadda ah in ay noqoto injineer ay ku timid kadib marka ay aragtay in loo bahan yahay dad ka shaqeeyo qaybtaas.
“Shaqooyinka abuuran ee wadanka (ka jira) way yar yihiin. Sectorkan tamarta iyo korontadu waa qayb aad u koraysa (ee ka jirta wadanka). Markaa waxaa ii muuqatay in ay xoogaa dhici karto jaaniska ah in aan shaqo ku helaa kuliyadan,” ayay tiri Siciido oo ka qalinjebisay kuliyadda cilmiga injineeriyada korontada (electrical engineering).
Siciido waxay Raadioyow Ergo u sheegtay in ay caqabado kala kulanto bulshada xilliyada ay ku guda jirto qabashada howlaheeda injineernimo.
“Waxaa hadda ka hor igu dhacday inta aan meel soo galay, ayaa la igu yiri maxaa tahay, oo aan (aniguna ku) iri injineer baan ahay, korontaan ka shaqeeyaa. Waxay igu yiraahdeen ‘maxaa adna fursadda isaga luminaysay, waalidkaana lacagta uga luminaysay. Gabar baad tahay’,” ayay tiri xilli ay wariyaha Raadioyow Ergo ugu sheekaynaysay caqabadaha ay la kunlantay.
Ka sokow shaqada ay hayso, Siciido waxay sidoo kale ku dadaashaa in ay ka miro dhaliso helitaanka injineero kale oo iyada mustaqbalka badelo.
Tan iyo horraantii sannadkan, Siciido waxay u ol’olaynaysay in la dhaqan-geliyo manhajka la yiraahdo STEM oo ah hannaan waxbarasho oo cusub oo sannadkii 2001 laga hirgeliyay Maraykanka.
Hanaankaan ayaa ah mid loogu talagalay in ardaydayda dugsiyada lagu ogaado sida ay ugu kala fiican yihiin sayniska, tiknoolajiyada, injineerinka iyo xisaabaadka, si loo helo dad hammi u haayo qaybahaas.
Ololehaan oo ay Siciido ku wehliyana saddex gabdhood ayaa lagu tagaa iskuulada, waxwayna halkaas ardayda ugu sharaxaan waxyaabo la xiriira maadooyinkooda hab ay u fahmi karaan.
“Sawiro baan qaadanaa, waxaanu tusnaa (ardaydayda) sawirrada xirfadaha dadku bartaan. Ilmihii qaar baa injineerinka u leexday, qaar baa Kombuterka u leexday, qaarna mkacalinnimada ayaa doortaan,” ayay tiri iyada oo sharxaysa sida ay ardayda ugu dhiirageliyaan kala doorashada xirfadaha.