Haween Whatsappka ku baadigooba carruur ka tahriibay

0
277
Sawir: Kayd

(ERGO) – In ka badan laba boqol oo ah haween ah oo carruurtooda iyo dadka ehelkooda ah ay tahriibeen ayaa ku jira Guruub la yiraahdo Khayr oo ah meel ay isku- waydaarsadaan xogta ku saabsan dhallinyarada tahriibay ee ku jira xabsiyada Liibiya.

Haweenkan oo ku nool gobola kala duwaan oo dalka Soomaaliya ah ayaa groupkan u isticmaala in ay isku caawiyaan dhanka dhaqaalaha marka loo baahdo in mid ka mid ah laga bixiyo lacagaha madax furashada ah ee magafayaasha ka dalbadaan qoyska carruurtoodu xiran tahay.

Wuxuu hadda jiraa laba sano iyo bar oo u suurta gasha  lagu caawiyay shan iyo toban qof oo lacago loogu uruuriyay.

Fowsiya Maxamed Maxamuud, oo wiil ay dhashay ka tahriibay 2016-ki ayaa kooxdan ku biirtay sanadki hore.

Waxay sheegtay in waxa kaliya ee ay guurbkan ka faa’iday ay tahay in ay si joogta ah u hesho warka ku saabsan wiilkeeda oo lagu magacaabo, Cabdinaasir Cabdiraxmaan Kulumbe.

Sida ay Fawsiyo sheegtay haweenkan groupka ku jira ayaa fariimo u kala dirro carruurtooda ku xiran xabsiyada kala duwan ee dalka Libya si loo helo xogta shaqsiga la waysan yahay.

“Waxaan ahaa qof meel ku xidhan oo kale inta aanan ku soo biirin guruubkan. Markaan waayo wiilkayga warkiisa, ma aanan heli jirin meel aan kala xidhiidho. Mararka qaar ilaa sedex bil wax war ah kama helin jirin. Laakiin sida aan ugu soo biiray (groupka) waan ka raystay dhibaatadaa. Markaan warkiisa waayo guruubkaan soo dhigayaa. wiil aan dhalay oo hebel hebel la yidhaahdo baan waayay oo aanan war ke heli mudadaasi ayaa dhahaa,” ayay Fowsiya.

Waxay sheegtay in loo raadiyo oo dhallinyarada kale ee xabsiyada Liibya ku jira ayaa la waydiiyaa in u jiro magacaas qof leh oo xabsiga kula jiraa sida ayayna ku heshaa xogtiisa.

Wiilka Fowsiya ayaa ka tahriibay magaalada Burco wuxuuna maray safar dhanka Yemen ahaa.

Waxay sheegtay in intii uu sii socday lagu duqeeyay doon 17-ki bishi March 2017 oo uu dhaawac ka soo gaaray.

Markii uu ka soo kacay dhaawacii ayay sheegtay in ay isku dayday in ay ku qanciso in uu soo noqdo laakiin wuu ka dhaga adkaystay.

Wuxuuna sii watay safarkii tahriibka waxayna ku bixiyeen qoyskeedu lacag ka badan 14 kun oo dollar.

Lix kun oo lacagtaas ka mid ah ayaa weli lagu leeyahay.

Waxaana jira dad lagu caawiyay guruubkaasi mudadii uu jiray kuwaas oo tiradoodu gaarayso ilaa 15 qof kuwaas oo lacago loogu uruuriyay.

Dadka la caawiyay ee ku jira guruubka waxaa kamid ah Farxiya Jaamac Xirsi oo wiil ay dhashalay ka tahriibay saddex sano muddo hadda laga joogo kaa oo ka tegay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Cabdinaasir  waxaa uu ka mid yahay dadka ku xiran xabsiyada dalka Liibiya kuna jiray muddo ka badan laba sano.

Farxiya waxay, sheegtay in ay markii hore ka bixisay lacag gaaraysa 8 kun oo dollar oo ay ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin oo jooga qurbaha.

Wiilkeeda muddo sanad ka hor ah uu ku war geliyay in uu doonayo in uu raaco doon ka tegaysa Liibiya oo aadaysa Talyaaniga una baahan yahay lacag 1500.

Farxiya 500 oo doolar oo ka mid ah lacagtaasi waxaa looga aruuriyay guruubka halka inta kale ay ka heshay qaraabadeeda.

Waxay leeyihiin qof khasnaji ah oo u qaabilsan uruurinta lacagta.

Wiilka Farxiyo oo 23 jir ah ayaa marki uu tahriibayay dhigan jiray dugsi sare.

Waxay ku ogaatay in uu xiran yahay isagaa lasoo xiriiray oo u sheegay in lasoo qabtay .

Qofkii ugu badnaa waxaa laga bixiyay kun iyo shan boqol oo dollar waxaa bixiyay hooyooyinka ku jira groupkan.

Nuura Awil Aadan waxay ka mid tahay hooyooyinka ku jira guruubkan waxayna Ergo u sheegtay in ay walaalkeed oo lagu magacaabo Axmed Cawil Aadan oo kamid ah dhalinyaradda tahriibtay ay weli ka war ka hayn geeri iyo nolol.

Axmed ayaa dooni u raacay Taliyaaniga bishii Disambar ee 2018 isaga iyo 11 Dhallinyaro Soomaali ah balse ilaa hadda aanan war laga hayn, sida ay sheegtay, Nuuro.

Nuuro ayaa ku soo biirtay kooxdan bishii lixaad ee 2018 kadib markii loo sheegay in ay jiraan haween ku kala warqaato group ka samaysan alaadda Whatsappka.

“Xogo badan aayanu ka helnay bartan aanu ku kulano ilaa 12 xabsi hooyooyin ubadkoodii ku xidhan yihiin ayaa ku jira. Xabsi walba inta ku jirta, sida xaal koodu yahay aroortii ayaad ugu imaanaysaa guruubka. Xabsiyadaasi waxaa kamid ah, Qaryaan, Dariiqul-Madaar, Daquuqu-Sita, Gobca, Santaana, Daruuqul Sahar, Cansaar, Faajuura iyo kuwa kale,” ayay tiri Nuuro.

Nuura walaalkeed ayaa ka tahriibay magaalada Hargaysa sanadkii 2016 waxayna sheegtay in ay kaga baxday lacag ka badan 18,500 oo dollar oo aysan ku jirin biilkiisii.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here