Beledweyne: Dadka danyarta ah iyo barakacayaasha oo ka fadaa’iidaystay ceelal soo maaxday

0
333
Qaar kamid ah ceelasha afka banaan/ Sawir/kaydka/Ergo

(ERGO) – Dadka danyarta ah iyo kuwa soo barakacay ee magaalada Beledweyne ayaa saddexdii toddobaad ee u dambeysay ka dhaansanaya ceelal yaryar oo muddo ay biyo-la’aan ahaayeen kaddib dib u soo maaxday.

Biyo-yari ayaa saddexdii sano ee u dambeysay magaalada dhacaysay mar kasta oo uu webigu guro.

Hal ceel oo keliya ayaa biyo lahaa intii uu webigu gurnaa, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Raadiyo Ergo.

Dadka awooda waxay biyo ka iibsan jireen booyado ka soo dhaamiya ceel riig ah oo ku yaalla deegaanka Ceelgaal oo u jira 15 km.

Fuustada biyaha ah ayaa waxay ku iibinayeen lacagta dhan $5.

Fartuun Xasan Maxamed oo barakac ku ah magaalada Beledweyne waxay ka mid tahay dad ay ku adkeyd in ay biyahaas qaaliga ah iibsadaan.

Waxay sheegtay in ay biyaha ka dawarsan jirtay qoysas la deris ah oo booyadaha ka shubanayay.

“Waxaa igu darneeyd in biyaha sugistooda an malin malin shaqadii aan ka daaho oo aan shaqo seego. Hadaan shaqo ukalahana biyahii ayaa i dhaafaya oo aan waynaya. Biyaha 3 liitir ama 4 liiter ayaan heli jiray maalintii kuwaa ayaana u yaryareyn jiray caruurtayda,” ayay tiri Fartuun.

Fartuun oo deggan xerada Buula-Yacquub waxaa nolosha qoyskeedu ku tiirsan yahay dhaqaale aan badneyn oo ay ka hesho dhar-dhaqis ay subax waliba ugu jarmaaddo xaafadaha magaalada.

  Waxay sheegtay in lacagta ay ka hesho shaqadaas aysan ka badneyn nolol maalmeedka qoyskeeda.

Seygeeda oo xamaali ka ahaa baabuurta khudaarta-rarta ee magaalada Beledweyne waxaa ku dhacay shaqo la’aan.

Qoyska Fartuun oo markii horeba la daalaa dhacayay nolol maalmeedka, hase yeeshee waxay saddexdii toddobaad ee u dambeysay dareemeysaa culeys ka haray maaddaama ceelashu ay sidoodii hore ku soo laabteen.

Iyada iyo qoysaska kale ee xerada deggan waxay biyaha ka cabaan tubbo ugu dhex taalla xerada oo laga soo jiido ceelasha shaqsiyaadku leeyihiin.

Qoyskii ba wuxuu baxshaa siddeed doolar bil walbo.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in markii uu webigu biyo-yareeyay ay dhanaan noqdeen biyaha ay tubbada uga keento ceelka.

Fartuun oo horay u ahayd xoolo-dhaqato waxay ka soo barakacday degmada Xudur ee gobolka Bakool markii abaar ay ka dhacday sannadkii 2011.

Prof Muuse Shaaciye waa qabiir dhanka biyaha ah, waxaa uu sheegay in looga baaqsan karo in biyaha ceelasha ay guraan in la qodo ceelal dhaadheer oo marka webigu qallalo sii hayn kara biyaha ay horey u haysteen.

Wuxuu sheegay in biyaha ceelasha ku hara haddii xitaa webigu biyo-yareeyo ay dhanaan noqonayaan dadkuna aanay cabi karin.

“Ceelasha waxay dhanaan noqon karaan haddii dhagaxa ay ku fadhiyaan uu yahay dhagax biyaha ku milmi kara oo dhagaxaasi leeyahay milix, markaasi ayay ceelasha biya dhanaan noqon karaan. Haddaanu laheyna marka biyuhu dhanaan ma noqonayaan. Ceelasha kuwa wabiyada Baledweyne ku agyaala way dhici kartaa sidaas oo kale in maaxdooda iyo tan wabiga ay aad sameyn isugu yeeshaan. Haddii wabiga, inta biyo laga waayo ceelka biyahii soo galayay way yaranayaan, taasina hadba waxay ku xeran tahay muda dheer markan roob la helin,” ayuu yiri.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here