Qaxootiga qaba albiinada oo lagu takooro Dhadhaab

0
398
Cabdulaahi iyo Maxamed oo ka mid ah dadka qaba Albinisimka/ Axmed Cabdulaahi/ Raadiyo Ergo.

(ERGO) – Dadka qaba xanuunka jirka wada-caddeeya (ee afka-qalaad loogu yiraahdo Albino) ee deggan Xeryaha Dhadhaab ayaa midab takoor kala kulma dadka qaar ee xeyaha la deggan.

Dadkan oo tiradoodu gaarayso toban qof, waxay da’doodu u dhaxeysaa afar jiriyo ilaa 32 jir. Waxaa lagu dhibaa helista adeegyada bulshada sida meelaha biyaha laga cabo, xarumaha laga qaato raashinka, iskuullada, isbitaallada iyo suuqyada, sida uu Raadiyo Ergo Cabdullaahi Cali Xasan oo ah guddoomiyaha dadka la nool xanuunka ee Xeryaha Dhadhaab.

Cabdullaahi ayaa sheegay in saddex arday oo dhiganayay dugsiga dhexe iyo hoose ay waxbarashada ka hareen kadib markii ardayda iskuulka la dhiganaysay ay ku takooreen midabka maqaarkooda oo ka duwan kan dadka caadiga ah.

Maxamed Cabdullaahi Cali oo ah 19 jir qaba xanuunka Albiinada waxaa uu ku nool yahay deggan xerada qaxootiga Xagardheer.

Maxamed waa ardaygii u dambeeyay ee iskuulka iska daayay.

Waxaa isaga iyo dadka kale ee cilladan qaba ee xerada deggan ay ka siman yihiin takoor ay kala kulmaan dadka xerada la deggan.

Maxamed wuxuu bishan billowgeedii ka haray iskuulka Amaani oo uu wax ka baranayay muddo sannad ah.

Fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe ayuu dhiganayay, isagoo sheegay in ay ku adkaatay in ardaydii uu wax la baranayay ay aqbalaan in uu galaaska la fariisto.

Wuxuu xusay in uu si maalinle ah dhibaatooyin uga la kulmo bulshada uu ku dhex nool yahay.

Maxamed waxaa uu tilmaamay in caqabado badan uu kala kulmay intii uu iskuulka dhiganayay.

“Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo Iskuulka ka soo baxay. Bareeg bay ahayd baahi-bay i haysey, xaafadda ayaan quraac u soo doontey. Aniga oo jidka maraya ayaa waxaa iga hor yimi nin aan u kala garan wayay in uu waalan yahay iyo in uu fiyow yahay, toorey iyo budbuu igu bursadey, Waan cararey gori meesha ka dhowaa ayaan galey, dad baa iga celiyay, markii la yiri ninkan maxaa ka rabtaana wuxuu yiri ‘ Gaalkii Cadaanka ahaa ee halka cararayay ayaan rabaa ee soo saara,” ayuu yiri Maxamed.

Waxa uu sheegay in sanadkii hore laga soo beddelay Biidii oo xeryaha ku yaalla si uu uga wanaagsanaado kii hore dhinaca dhaqanka.

Waxaa marka laga tago dhibka uu ku qabay dadka jidka ku waxyeeleeya, uu sheegay in carruurta la dhigan jirtay iskuulka ay iyaguna caay iyo dagaal ku sameyn jireen.

“Maalin maalmaha ka mid ah xataa mid iskuulka dhigta ayaa intuu taraq shidey jeebka ii geliyay, waan iska saaray lama dagaallamin. Macalinbaa iga reebay. Markaa hal sano anoo dhibkaa qabay ninkaana i bursaday, sidaa ayaan iskuulkii uga haray,” ayuu Maxamed.

Maxamed oo xeryaha Dhadhaab yimid sanadkii 2015-kii, wuxuu markii hore ku noolaa magaalada Muqdsho.

Wuxuu sheegay in xeryaha uu u soo aaday si uu u helo amaan iyo waxbarasho hase ahaatee riyadiisii aanay rumoobin.

Wuxuu tilmaamay in markii uu Muqdisho degganaa ay dadku ku dhihi jireen hadallo uu dhibsaday oo ku qasbay in uu ka soo tago.

Markii ugu horeysay ee uu iskuulka ka billaabay xeryaha, ayuu sheegay in dartii uga tageen 20 ka tirsanaa ardaydii iskuulka taas oo sababtay in isaga laftiisa iskuulkii laga saaro.

“Dadka labo qeyb waaye, qeyb waa fahamsan yihiin waa garanayaan, qeyb waxaa jirta aan kala garanaynin oo markaan agtooda maraayo iga cawdu-bilasanaaya, carruurta iyagaa ka daran, carruurta waa i caayaan waana i tuuryeeyaan,” ayuu ku cataabay.

Maxamed ayaa sheegay in helista biyaha ay dhib ku qabaan oo dadka qaar ee la deggan xerada ay u diidaan in ay safka galaan taas oo ah caqabadda uga daran ee hadda haysata.

Guddoomiyaha dadka la nool xanuunka ee Xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay in isaga laftiisa bishii koowaad ee sannadkan loo gaystay dhaawacyo iyo daqarro ay qaarkood weli kasii muuqdaan jirkiisa.

Waxaana sida uu sheegay dhibkaa u gaystay carruur ku heshay xaafad uu booqasho u aaday.

Guddoomiyaha ayaa xusay in aysan jirin sabab carruurtu u tuuryeeyaan oo uu sameeyay hase ahaatee ay tahay dhib ay dadku wada qabaan.

“Dhacdooyinkaas waa iska jeeddo, waa iska socota oo xilliyada dugsiyada iyo iskuullada laga soo daynayo carruurta waxaan isku reebaa oo aan ku dhuuntaa suuqa dhexdiisa iyo xaafadaha iyo meesha aan anigu ku jiro ee aan ku noolahay. Haddii kale oo ay caruurta soo baxaan dhagaxtuurku waa joogto. Cid kaa reebaysana malaha, adiga waa ey jimce jooga. Soomaaliya markii la joogo, carruurta dugsi iyo iskuul midna ma laha eyga sidii ay u eryayayaan oo mid ba mid ugu dhiibayo ayay nafta ka jaraan waa sidaa oo kale,” ayuu yiri Cabdulaahi.

Farxiyo Xasan Maxamed waa hooyada dhashay Xaawo Aadan Mursal oo ah gabar 16-jir ah oo la nool cillAAlbiinada oo deggan xerada qaxootiga ee Dhagaxley.

Waxaa ay sheegtay in gabadheeda ay dhibaatooyin joogto ah kala kulanto bulshada ay la nooshahay.

Farxiyo ayaa tilmaantay in Xaawo oo dhiganaysey iskuulka hoose/dhexe ee Central  ee xarada Dhagaxlay ay iskaga hartay afar sano ka hor xilligaas oo ay ahayd fasalka 3-aad sababo la xiriiro midib-takoor lagu sameeyay.

“Tuubada haddii ay aaddo naaska ay ka dhaansato waa la iska dhaqaa, waxaa la dhahayaa xanuunka aad qabto hanagu daaranin, baras baad qabtaa. Waa soo fiijinayaan, Gaal-cadiin, Gaala-cadiin, Barasaalay. Iyada oo markii ay waddada martaba midab-takoorka daraaddii isha lala soo raacaayo,” ayay tiri Farxiyo.

Farxiyo ayaa intaas ku dartay in iyada iyo Xaawo aabbaheed ay kala tageen Xaawo oo jirta 6-bilood oo keliya, kadib markii uu u sheegay in uu ka baqayo in ay dhasho carruur dhamaantood la nool Albiinada.

Waxay hadda haysataa toddobo carruur ah oo kale oo ay u dhashay nin kale kuwaas oo maqaarkooda uu caadi yahay.

Cilladdan Albiino ma aha xanuun isu gudbin karo, waa xaalad rabaani ah oo qofku dhasho, mana laha wax daawo ah oo lagu tacaalo, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay dhaqtar Maxamed Cabdi Ibraahim oo ah agaasimaha xarunta caafimaadka ee Al-Baqra Nursing Home ee xerada qaxootiga ee Xagardheer.

Dhaqtar Maxamed ayaa sheegay in sababta uu qofka xanuunka qaba midabka jirkiisa iyo timihiisuba u cadaanayaan ay tahay in ay maqan yihiin urugyo difaac ah oo uu banii’aadamku leeyahay.

“Waxbaa lala cuni karaa, dharkaa lala Xiran karaa, Waxbaa lala wadaagi karaa, laakiin ma aha dadka qaba Al-biino in la dhoho waa jiran yihiin. Waxaan qabaa in dadka Al-biino aan lagu samayn midab-takoor. Badanaa dadkaa waxaa carqalad ku ah jirkoodu. Waa jir nugul maadaama jirkoodu u nugul yahay, haddii ay boog yari ku dhacdo, boogtooda badanaa sidii lagu daaweeyo waa adkaanaysaa,” ayuu yiri Dhaqtar Maxamed.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here