Bari: Magaalada Bareeda oo laga hirgaliyay biyo-galin

0
157

(Ergo) – Ilaa 600 oo qoys ayaa ka faa’iideysatay mashruucan biyo-galinta oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay deegaanka Bereeda oo 476 km u jira magaalada Boosaso ee xarunta gobolka bari.

Bareedo oo la qiyaaso inay ku nool yihiin 1,000 qoys ayaa dadku badankood nolashoodu ku tiirsantahay ka ganacsiga kalluunka, xoolaha nool iyo xijjiga.

Dadka magaalada iyo kuwa xooladhaqatada ah deegaanada u dhaw ayaa markii hore biyaha ku heli jiray si adag.

Ceelka kaliya ee ku yala magaala ayaa waxaana la isticmaalayay muddo ku dhow 50 sano balse marar badan ay cillad ku timid ayaa oo sababtay in dadka magaalada ay biyo u raadsadaan meelo fogfog.

Ganacsatada ka soo jeeda deeganka iyo qurbajoogta ka soo jeeda bereeda ayaa ku guuleystay hirgalinta ceelbiyood matoor ah oo awoodi kara in uu biyaha siiyo ilaa 10,000 oo qoys, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta shirkadda gacanta ku heysa ceelkan.

Waana mashruucii ugu horreeyay ee guryaha lagu galinayo tuubooyinka biyaha la soo gaba-gabeeyay 25-kii bishii April ee sanadkan.

Qeybta labaad ee mashruuca xaafadaha lagu galinayo biyaha ayaa la bilaabi doono bisha September ee soo socota.

Siciid Yusuf Diiriye oo ka mid ah dadka guryahooda loo galiyay biyaha ayaa waxaa uu raadiyo ergo u sheegay in hadda ugu yaraan bishii $15 ay kaga baxdo biyaha u xiran ee tuubada.

Balse inta aanan la hirgelinin mashruucan, ayaa waxaa uu ku bixin lacag dhan ilaa $100 dollar in qoyskiisa biyaha helaan bil walba,

Siciid oo ah aabbaha qoys ka oo ka kooban 14 qof ayaa sheegay in ay tani wax ka badashay nolasha qoyskiisa iyo dadka kale ee deegaanka.

“Markii hore biyuhu aad bay qaali u ahaayeen hadda  haddii wixii qabyada ah loo dhameystiro ceelkan, waxaan qiyaasaynaa in aan ku cabno nus dollar. Nolasha biniaadamkana waa biyo, hadduu qofku intaas heystana, wixii ka badan waa siyaado,” ayuu yiri Saciid.

Dadka ku nool deegaanada miyiga ah ayaa xiliyadii hore fuustada biyaha ah ku heli jiray lacag dhan $10, halka hadda ay ku helaan halkii fuusto 1 dollar, marka loogu geynayo deeganadooda, sida uu noo sheegay Cabdicasiis Xuseen Xaaji cali oo ah maamulaha shirkadda Bereedo Group oo gacanta ku heysa ceelkan.

Cali Saalax Maxamed oo qoyskiisa oo ka kooban yahay 14 qof, kuna nool deegaanka goodiya oo bereeda u jira 17 km ayaa sheegay in biyaha oo yara awgood ay dadkaqarka u u guuraan magaalada, ayna markii hore u doonaan jireen deegaano masaafo ahaan u jira 25 km.

Cali oo haysta xoolo ka kooban 120 neef oo isugu jira ari iyo geel ayaa sheegay in ay hadda dhaqaale yar ku cabaan biyaha, qoyska iyo xoolahaba.

Wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan mustaqbalka in deegaanadooda la soo gaarsiiyo biyaha ceelkaasi.

“Awal biyuhu aad bay ciriiri u ahaayeen, magaaladana waxey qarka u saarneyd in laga guuro, laakiin hadda biyuhu aad bay u fiican yihiin, waana la helaa, waxaad na moodaa dadku in ay soo badanayaan, markii hore tuulooyin fog fog ayaan u doonan jirnay, xiliyadan xagaaga oo kalana waaba ka tagi jirnay deegaanadeena,” ayuu yiri cali.

Maalin kasta ilaa 15 gaari ayaa biyo dhaamin u sameeyo dadka iyo duunyada ku nool miyiga Bereeda, waxaana halkii booyad ay deegaannadaas biyaha ku geysaa fuustadii $1 halkii markii hore ay fuustadii u xisaabin jireen $10 ilaa $15.

Qiimahaas oo ah mid ka sareeya kan gudaha degmada, oo markii hore loo xisaabin jiray $5 ilaa $7 sababta sidaas loo yeelanayna, waxay mas’uuliyiinta ku sheegeen in ay tahay saacadaha ay booyaddu safarka tahay iyo shidaalka ku baxa.

Cumar Axmed Saalax oo kamid ah dadka degen Bereeda ahna aabaha qoys ka kooban 10 qof ayaa sheegay in markii hore ay biyo yaraantu sabab u ahaan jirtay masaafada ay gaadiidku u soo marayaan iyo wadooyinka oo aad u xun, islamarkaana burbursan.

Wuxuusa sheegay in haddii hadda la helay biyo ku filan deegaanka ay yaraan doonaan caqabadihii hore.

“Biyuhu awal meel laga soo dhaamiyo ma ba laheyn, baabuur soo dhaamin karana ma jirin laakiin hadda haddii ceel la heley wey ka sahlantay,” ayuu yiri Cumar.

Hay’addda Biyaha iyo Tamarta Puntland ee Passaweyn ayaa ka caawinaya dhismaha dhuumo qaada biyaha oo laga hirgalin doono deegaanka, si ay biyaha ceelka u gaarsiiyaan magaalada.

Ganacsade Cabdicasiis ayaa ku bixiyay dhisida ceelkaas  lacag dhan $25,000 taa oo lagu bilaabay qodista ceelka.

Waxaa sidoo kale gacan ka gaystay qodista iyo dhamaystirka ceelka labo hay’adood. Bareedo iyo magaalooyinka kale ee hoostaga ayaa wali aysan si wanaagsan oga de’in roobabka guga.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here