Somaliland: Xarumo caafimaad oo laga furay deegaanno miyi ah

0
165
Sawir kayd

(ERGO) – Afar iyo toban kun iyo lix boqol oo qof oo isugu jira haween iyo carruur ayaa shantii bilood ee u dambeeyay ka faa’ideystay adeegyo ay bixiyaan xarumo caafimaad oo laga hirgeliyay deegaanno ka tirsan Somaliland.

Haweenka ayaa adeegyo isugu jira daaweyn, dhalmo iyo xannaanayn tallaal loogu sameeyay 65 xarumood oo la furay dhammaadkii sannadkii hore.

Xarumaha ayaa wasaaradda caafimaadka Somaliland waxay u dhistay si loo yareeyo baahiyaha hooyooyinka iyo carruurtu u qabaan goobo caafimaad oo lagu daryeelo waqtiga dhalmada, sida uu Raadiyaha Ergo u sheegay Maxamed Cabdi Xergeeye oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.

Wuxuu xusay in haweenka deggan miyiga ay dhib badan ku qabeen helitaanka adeegyada caafimaadka ee yaalla magaalooyinka ku waa oo ay waddooyin qarjajeex u soo mari jiray.

“Adeegga ay wasaaradda caafimaadku bulshada u hayso ayay ku jirtay in xarumahan la dhiso, sidoo kale in kor loo qaado xarumaha caafimaadka ayaan wadnaa hadba meesha looga baahan yahay, dadku in ay ka faa’ideystaan oo deegaankooda ka helaan ayaa muhiim oo mashruuca horumarinta Somaliland ku xusan, taas ayaan ka duulaynaa”ayuu yidhi Xergeeye.

Xaliimo Daahir Cige, lixdii bishii afaraad ee sannadkan ayay ku umushay xarun caafimaad oo laga sameeyay bishii December ee sanadkii hore deegaanka Gargaara-beri oo magaalada Lughaya ee gobolka Awdal u jirta 35km.

Waa hooyada shan carruur ah oo markii u horreysay ku umushay xarun caafimaad.

Intii ay uurka lahayd waxaa xaaladdeeda la socday kalkaaliyeyaasha xarunta iyadoo adeegyada ku helaysay si bilaash ah.

Hase yeeshee hadda waxaa ay ka bogsatay xanuunkaasi hore u soo maray.

“Dhib badan ayaa nagu haysatay marka aan foolanayo, waddo la’aan iyo baabuur la’aan ayaa jirtay, mararka qaar awr ayaa la igu qaadi jiray, dhexda ayay fooshu igu qabanaysay, waan iska dhaafi jirnay marka cidna naga umulisa aan waayo, alxamdulilaah weeyi haddaanan midkii u dambeeyay dhibtaasi marin oo deegaankaygii la iiga furay cisbitaal,” ayay tiri Xaliimo.

Tan iyo markii xarunta looga furay deegaankeeda kama cabsi qabto in ay dhibaato u marto daryeel la’aan caafimaad.

Xarunta deegaankeeda iyo kuwa kalaba waxaa yaala dhammaan qalabka dhalmada iyo mashiinadii lagu cabbiro haweenka uurka leh.

“Mar dawo lana siiyo iyo mar lanala tacaalo waan iska fiicanahay imika, dhibtii nasoo mareysay waan ka kaaftoonay, adeeg caafimaad oo aanan haysan ayaanu haysanaa, wixii aan meel ka doonan jirnay ayaa deegaankayagii noogu yimiday,” ayay tiri Xaliimo.

Markii ugu horreysay ayay ilmaheeda ka tallaashay cudurka dabeysha oo 28-kii Abriil ee sannadkan mar uu tallaalku ka billowday deegaankeeda.

Xarumaha waxaa intooda badan laga hirgaliyay deegaanada miyiga ah ee aan u dhaweyn magaalooyinka, waqti badan ayay ku qaadan jirtay hooyooyinka inay helaan adeegyadan ay hadda helayaan.

Ayaan Maxamed Cabdilaahi oo ah hooyada lix carruur ah, markii u horreysay waxay 22-kii bishii labaad ee sannadkan carruurteeda daweyn iyo talaal uga heshay xarunta laga furay Ugaas Madow oo 90 km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Berbera.

Jadeeco ayaa kaga dhacday labo ka tirsan carruurteeda, waxaana dawayn loo seexiyay xarunta caafimaad ee laga furay deegaanka oo muddo toddobo maalmood ah ay ku jiraan.

Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in labo maalmood ama ka badan ay ku qaadan jirtay in inay hesho gaari ay carruurta ku qaaddo marka ay ka xanuunsadaan.

Gaadhiga deegaanka caanaha ka qaada ayay ku geyn jirtay isbitaalka Berbera ama Hargeysa.

“Carruurteydu tallaal may helin, qarfadaan ayaan ku noolaa, shantii bilood ayaan mar ka xaysan jiray haddii mid xanuunsado, labo habeen ayaan lasii dhaxayay, waxaan xooga saari uun inaan jadeecada ka tallaalo. Waxaan ku qabnay dhib, laakiin haddaba waan ka nasanayna baahidaasi jirta oo carruurtii uma baqayo, annigii ma cabsanayo oo dawadii waa bilaash, markii aan dhalaayay shanta carruur ah, dhiig joojin in la ii helo waxay igu qaadatay saddex maalmood, hadda aayar ayaan wareegaya oo aan ka soo qaadanayaa waxaan u baahdo,” ayay tiri Ayaan.

Xarumaha caafimaadka ee ay sameysay wasaaradda caafimaadka Somaliland waxaa ka howlgalaya siddeed boqol iyo afar soddon qof oo mihnadlayaal caafimaad ah ku waa oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo umulisooyin.

Xarunta ugu weyn ee hooyada iyo dhalaanka ayaa hadda dhismaheedu wuxuu ka socdaa isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa kaasi oo ay ku baxayso lacag gaadhayso saddex boqol oo kun oo doolar.

Dhismahan waxaa wasaaradda ka caawinaysa ha’adda qaramada midoobay ee UNFPA sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda caafimaadka.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here