(ERGO) – Go’aanka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku joojisay isla markaasna ay ku doonayso in lagu noqdo imtixaanka dugsiyada sare ayaa sababay walaac weyn ku abuuray dugsiyada iyo dowlad goboleedyada.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa baabi’isay maadooyinka imtixaanka dugsiga sare ee horey loo galay kadib markii warqadaha imtixaanka lagu faafiyay baraha bulshada.
Wasiirka waxbarashada Cabdullahi Goodax Bare ayaa sheegay imtixaan cuusb oo 5 maalin soconaya la qaadi doono 27 bishan. Waxaa maalmaha imtixaanka la xanibi doonaa qadka Internetka, si gaar ah Facebook.
Madaxa Waaxda Imtixaanaadka ee dowlad-goboleedka Puntland Axmed Sahid ayaa sheegay in waqtiga yar ee la doonayo in lagu qabto imtixaanka cusub aysan suurtogal ahayn.
“Waan ka naxay marka aan maqlay in wasiirku sheegay in imtixaamada cusub la qaban doonaa 27 Maajo. Waa saddex iyo toban cisho. Waxaan ku fiican tahay in la yiraahdo 27 Juun,” ayuu yiri Ahmed Saahid.
Saahid wuxuu walaac ka muujiyay in imtixaanka cusub ay maamulaan isla dadkii maamulay kii hore. Wuxuu sheegay inay taas noqon doonto guuldarro kale.
“Tayadda imtixaanka cusub wuxuu noqon karaa mid liita waqtiga yar ee la qabtay awgeed,” ayuu yiri Saahid.
Qaar kale waxay su’aal geliyeen sababaha loo cuskaday joojinta imtixaanka oo dhan. Xasan Aadan oo madax ka ah Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Baydhabo ee dowlad-goboleedka Koonfur-gableed ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in ay ahayd in dowladda federaalka ah ay baabi’iso keliya warqadaha imtixaanka ee su’aashu saaran tahay in ay baxeen.
“Ma horeba waxaan dhamaynay lix warqadood ilaa saddex maalmood,” ayuu yiri Aadan. “Dowladda waxaa fiican in ay bedel ku samayso warqadaha dhiman ee imtixaanka. Annaga cabashadayadu waa taas. Dowladdu waxay dooneysaa in ardaydu dib u galaan maaddo kasta oo ay hore u galeenba”
Aadan ayaa sheegay in dowladdu ay xaq u leedahay joojinta imtixaanka laakiin buu yiri waa in tahay mid tixgelin leh. Kuwa ku lugta leh dusinta iyo iibinta warqadaha imtixaanka ayay tahay in la baaro isla markaasna la ciqaabo.
“Waan samaynay doorkayagii diyaarinta carruurtan iyadoo loo marayo 12 sano oo iskuul ah. Sidaas darteed, waxaan xaq u leenahay in aan u cabano dowladda,” ayuu yiri Aadan.
Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa caddaysay in aysan sii socon doonin in ardaydeeda ay ka qaybgalaan imtixaanka guud ee qaranka.
Agaasimaha wasaaradda waxbarashada ee Hirshabeelle Mohamed Macalin Kulmiye ayaa ku baaqay in mustaqbalka la daadejiyo imtixaanaadka. Wuxuu sheegay in ay aqbalayaan wax ka bedelka ay jadwalka imtixaanka ku samaysay dowladda federaalku sannadkan, laakiin arrintaas ayaa noqonaysa markii ugu dambaysay dhinacooda. “Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu sheegay in aysan dowladda federaalka kala sii qayb ahaan doonin marka ay timaaddo
imtixaanaadka sannadka dambe. Imtixaan gaar u ah ayaan qabanaynaa,” ayuu yiri Maxamed Macalin.