Dowladda Puntland oo 62,127 maro-kaneeco u qaybisay dadka deegaankaas

0
199
Mid ka mid shaqaalaha caafimaadka oo u sharxaysa haweenay sida loo isticnmaalo marokaneecada/ sawir: Cabdiraxmaan Maxamed/ Raadiyo Ergo.

(ERGO) – Xannuunka duumadda ayaa ku sii kordhayay deegaanadda Puntland teer iyo sannadkii 2012, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka oo xilligan ay roobabka bilaawdeen wadda dadaalo lagula tacaalayo arrintaas sida qaybinta mara-kaneecooyin  daawaysan.

Dadka ku nool xeryaha barakac ah ee magaalooyinka Bosaaso, Qardho, Garowe, Burtinle, Galkacyo iyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku barakacay qaybo ka mid ah gobolka Sool ayaa tan iyo bishii April loo qaybiyay 62,127 oo mara-kaneecooyin daawaysan.

10,354 oo qoys ayaa ka faaiidaystay qaybintaan.

Qoys walbo waxaa la siiyay tiro la eg inta qof eek u nool qoyskaa, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Cabdikariin Xuseen Xasan,oo ah madaxa duumada ee wasaaradda caafimaadka. Puntland.

Dr. Cabdikariin wuxuu sheegay in arrintan ay ku beegeen xilliga roobaadka gu’ga oo ay inta badan kaneecadu ka dillaacdo meelaha biyo-fariisadka ah iyo goobaha ay nadaafad darradu ka jirto.

“Qaybinta marakaneecada waa ka hortag cudur weeye, marka aan fiiriyo dadka u nugul xannuunka waa dadka deegaanka guryahooda uu liito, bannaanka seexda baa cudurka u nugul khaasatan dumarka iyo carruurta. Hadda Djibuuti waa ka dilaacay, Boosaso waa ka dilaacday, dadka soo xagaa baxaya, dadka koonfurta ka imaanaya, kaneecadiina waa jirtaa marka waxaan u isticmaalaynay ka hortag in dadkaas nugulka ah uu san xanuunku ku faafin” ayuu yiri Dr. Cabdikariin.

Gobolada Puntland iyo Soomaaliland ayaa marka Soomaaliya oo dhan la fiiriyo warbixinnada duumada waxay ahaayeen meelaha ugu yar ee ay ka dilaacdo ka hor 2012.

Sannadkii 2017 oo keliya ahna markii ay ugu badnayd malaariyadu waxay heshay in ka badan 14 kun oo qof oo ku nool Puntland, badankoodna ay ku sugan yihiin magaalada Boosaso.

Buufin iyo qeybinta lagu sameeyay guryaha iyo xaafadaha magaalooyinka sida Boosaso oo laga sameeyay buufinta kaneecada oo xiligaas dowlada ay ka caawisay hay’adda UNICEF, iyo qeybinta maryo kaneecoyinkaan la qaybiyay ayaa ka qayb-qaatay hoos u dhacaas.

In kastoo sanadkii hore ee 2018 ay tiradaas hoos u dhacday 60% in ka badan 5 kun.

Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa la wadaagtay Raadiyo Ergo in bilihii Janaayo ilaa Maarso ee sannadkan la dareemayo kor u kac tirada dadku xannuunku helay ee Boosaso oo ah ilaa 3000 kiis inta la ogyahay,

Dr. Cabdikariin Xuseen ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo dadaaladda arrintan ku aadan.

“Marakaneecada waxaa la yiraahdaa marakaneecada daawaysan waxay leedahay daawo, mar waa difaac oo dadkii kaneecadii u soo gudbi mayso iyo xasharaadkii kale, marna waxaa weeye kanneecada ku degta ama xasharaadka ku dega oo dhan waxay leedahay sun oo muddo hadii ay hal sano ah jirto suntaas waa ku jiraysaa, marka waxaa weeye xasharaadka fuula waa ku dhimanayaan” ayuu yiri Dr. Cabdikariin

Ilaa 4,500 oo qoys oo ku nool xeryaha barakacay ee Jowle ee Garoowe ayaa loo qaybiyay inka badan 13,000 marokaneeco, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Haweenka kunool xerada Jowle ee Garowe ayaa ka qaadanaya maryo kaneecooyinka rugta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee xeradaas.

Ayaan Axmed oo rugta ka tirsan ayaa waxay ka wacyi-galisaa haweenkaas maryahan iyo sida loo isticmaalo ka hor inta aanan la adeegsan.

“Guriga marka aad geyso waad iska qoraxeynaysaa waxay leedahay sun qoraxdaasina waxay ka dilaysaa sunta, xajiinta  iyo waxa lamid-ka ah waxayna xariga saar naanaysaa muddo lix saac ah kadib ayaad isticmaali kartaa markaasna waxay kaa difaacaysa kaneecada” ayay tiri Ayaan

Fardowso Faarax Warsame waa hooyo 33 sano jir ah oo kunool xerada washitoon ee duleedka magaalada Garoowe.

Fardowso waxay heysataa sagaal carruur ah, bishii maarso ee sannadkan laba wiil oo ka mid ah carruurteeda ayaa kanneecadu duumadu ku dhacday oo laga daweeyey .

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in qoyskeeda oo ka kooban 13 qof oo laba ay yihiin waalidkeed oo la jooga ay haysteen hal xabbo oo mara-keeno ah, taas oo ay gelin jirtay carruurta yar yar oo keliya.

“Waxay iga dhacday labo wiil, qandhaa karkarinaysay waana matageyeen waxna ma aysan cunayn, adigu hadba si bay ahayd, cuntadooduna waa yarayd. Maasha Allah waan xirtay ilmihii waan u xirtay, awal hal xabbaan lahaa, hadda afar xabo baan qaatay xataa dadka waayeelka waa iigu filan yihiin” ayay tiri Fardowso

Wasaaradda caafimaadka Puntland waxay ka digtay goobaha biyo-fariisadka ee xili roobaadka iyo sidoo kale haamaha iyo baragaaha biyaha lagu kaydsado ee xaafaduhu aysan noqon kuwo af-furran oo kanneecadu ka dhalan karto, taas oo ah halista ugu weyn ee xataa kanneecadu ugu sii kordhayso dhulka kulaylaha ah, sida uu sheegayo Dr. Cabdikariin

“Kaneecadu hadii ay hesho meel biyo ku jiraan fadhiya oo qorax ilayskeeda helayso hawana ay helayso, waxaa weeye qof bay soo qaniinaynaa meeshaas bayna ukunta ku dhalaysaa markiiba dhawr boqol oo ukumood ayay dhali, marka aad bay u fidaysaa,” Dr. Cabdikariin ayaa sidaas u sheegay Raadiyo Ergo.

Dadka barakacay ee ku nool xeryaha waa dad danyar oo aan haysan dhaqaale ay ku iibsadaan marakaneecooyin iyo adeegyo kale oo caafimaad, balse rugaha caafimaadka (MCH)yada ee ku dhow ayaa bixiya adeegyo caafimaad sida baarista deg deg ah iyo daawaynta malaariyadda oo bilaash ah, sida uu raadiyo Ergo u sheegay Dr. Cabdikariin Xuseen.

Farxiyo Cabdi Cabdikariin oo degan kaamka shabeelle ee Garowe waa hooyada sagaal carruur ah, waxay ka mid tahay qoysaska marakaneecooyinka la siiyay.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in xanuunada sida kaneecadu ay welwel badan ku qabtaan xilli roobaadyada, maadama ay carruurtu ku ciyaaraan meelaha biyo-fariisadka ah iyada iyo saygeeduna ay magaalada u shaqo tagaan.

“Intaanan xiran kaneecaa na laysan jirtay, kaneecaddu marka roobku noo do’o aad iyo aad bay noogu badan tahay, maxaa yeelay toggii baa halkan dhow noo maraya” ayay tiri Farxiyo.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here