(ERGO) – Sagaashan iyo saddex neef oo adhi ah ayaa ku dhintay tuulada Magaalo-yar ee gobolka Togdheer oo magaalada Burco u jirta 70 km oo roobab Mahiigaan ah ay tan iyo isniintii ka da’ayeen.
Roobabkan oo dadka deegaanku sheegeen in ay ahaayeen kuwa xoog badan oo dabeyl iyo qabow watay ayaa xoolaha dhintay ku helay meel dooxo ah oo ay daaqayeen sida ay sheegtay Canab Ibraahin Yuusuf oo ka mid ah dadka deggan Magaalo-yar.
Canab oo ah hooyo haysata shan carruur ah ayaa waxaa roobka uga dhintay 18 neef oo ari ah.
Waxay sheegtay in arigu u dhintay qabow badan iyo daadad roobku watay.
Waxay xustay in xoolaha ay u yimaadeen iyadoo naftu ku jirto hase yeeshee ay guri kari waayeen kaddin sidaas ay isaga bakhtiyeen.
Waxaa hadda u haray 24 neef oo ari ah oo ay sheegtay in ay dab u shiddo illaa hadda oo roobku da’ayo iyadoo ka cabsi qabta in qabow ay u dhintaan.
Waxay xustay in xooluhu ay aad u jilicsan yihiin ay kici waayeen markii roobku yimid maaddaama aysan doog fiican helin wixii ka dambeeyay roobkii deyrta.
“Adhigaygu waa jilicsanaa oo roob la’aan ayaa hayay, roob lixaadle oo baraf wata ayaa da’ay, adhigu waa qadhqadhay, waana jilicsanaa oo abaar ayaa ka daashay, raashin ayaanu siin jiray oo daaq mahaysan, adhigu markii uu biyihii hafiyeen waa daatay hadda baaqigii haray guryahaanu ku xeraynay oo ay jirsadaan marka dhibicda roobku soo da’do’’ayay tiri Canab.
Tuulada Magaalo-yar oo ay ku hareeraysan yihiin labo dooxo oo u horseeday in daadadku ay ku soo rogmadaan magaalada ayaa sidoo kale waxay cabsi ku abuureen dadka dhex deggannaa kuwaas oo ka soo cararay cabsi ay ka qabaan in daadadku qaadaan.
Jaamac Xaashi oo ah 68 jir ah, waxaa roobka uga dhintay 23 neef oo ari ah.
Ka sokow xoolaha ka dhintay, Jaamac oo degganaa dooxooyinka dhexdooda daadka ayaa saameyn ku yeeshay reerkiisa waxaana carruurtiisa oo u la soo cararay tuulada si aanay dhib uga soo gaarin.
Wuxuu sheegay inuu haystay 40 neef ari ah oo uga soo badbaaday roob-yarida iyo daaq la’aanta ka jirtay deegaankiisa.
Jaamac ayaa intaa ku daray in aysan filayn dadka deegaanku in roob sidaas u xoog badan uu ka da’i doono tuulada oo aanay horay uga gaashaaman.
Jaamac Xaashi oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in sagaal qoys ay ka dhinteen xoolaha roobku laayay.
‘’Waxaa na helay roob lixaad leh shalay, waxaan ka mid ahay dadka dooxada Yaala ee uu adhiga kala tegey, adhigaygu marka horeba wayd ayuu ahaa. Roob culus oo aan muddo dhawr sano ah nahelin buu aha, guri aanu maanta bakhtigii adhigu dul oollini ma jiro gurigan hadda 30sano ayaan degenaa, kan oo kale nama helin roobabkuna waa da’ayeen sina nooma qaadan jirin’’ ayuu yiri Jaamac.
Qoysaska deggan Magaalo-yar iyo deegaannaada hoostada oo xoolaha ay haysteen aad u yaraayeen ayaa haddana waxaa saameynta ugu badan ku yeeshay roobka oo ay baahi badan u qabeen si xooluhu daaq ugu helaan.
Cibaado Muuse oo 15 ari ah ay ka dhinteen ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in adhigeedu markii horeba aanu badanayn iyadoo ay hadda u hareen tobon neef.
Cibaado oo ah hooyo haysata toddobo carruur oo kan u wayn yahay 15jir waxay abaarta 2016/2017-kii ka hor lahayd 75neef oo ari ah oo ay uga soo doogeen toddobo neef oo ari ah.
Waxaa baahida ay roobka u qabto ka sokow ay sheegtay inay u baahnaan doonto in xoolo kale oo ay dhaqato hesho.
Cibaado ayaa xustay in dhanka kale roobka da’aya uu ka qaaday alaabtii oo carruurta ay kala soo carareen daad magaalada soo galay kaas oo ka soo rogmay dooxooyinka ka ag-dhow tuulada.
‘’Adhiga daad ayaa iga qaaday oo meel dooxo ah oo magaalada ku dhaw ayuu u daaq-tegey. Intana diriqi ayaa lagaga reebay oo dadka tuulada ayaa u soo gurmaday oo adhi badan oo kaygu ku jiro ayuu qaaday,” ayay tiri Cibaado.
Dhanka kale roob ay dadku ku qabowsadeen ayaa ka da’ay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Magaalada ayaa roobka guga heshay markii ugu horreysay, waxaana dadka ay yihiin kuwa roobka ku faraxsan.