Shalay waxaa magaaloyinka dalka ka dhacay dibad-baxyo ay sameynayeen ardayda galaysay imitxaanaadka dugsiyada sare oo dalka intiisa badan ka socday saddexdii maalin ee ka horraysay markii Wasaaradda Waxbarashadu ay u joojisay in warqadaha imtixaanaadka laga helay suuqa.
Hadda ba dowladda Soomaaliya sidee ayay u maareynaysaa cabashada ardayda dedaalka soo bixiyay ee galay maaddooyinkii hore.
Axmed Saahin madaxa imtixaanaadka wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland ayaa tifaftiraha Raadiyo Ergo Muxyadiin Axmed Rooble wax ka waydiiyay.
Axmed ayaa ka hadlay suurtagal-nimada in maamullada loo daayo in imtixaannadu ay iyagu xor u noqdaan oo iyagu qaadaan.