Qulqulatooyinka Dirirdhabe oo saamayn ku yeeshay ganacsiga iyo waxbarashada

0
66
Keydka Ergo

(ERGO) – Rabashadaha dhinaca qawmiyadaha ku salaysan ee ka socda magaalada Dirirdhabe ayaa saamayn ku yeelatay waxbarashada, ganacsiga iyo nolosha dadka magaladaas ku nool. 

Khadar Baxar Cabdi, sanadkii afraad ayuu marayaa jaamacadda Dirirdhaba, wuxuu sheegayaa in rabshahadahaani inay hakiyeen waxbarashadiisii, ardaydiina ay ka kala tagtay waxbarashadii. 

“Waa marka (ardayda) waalidiintooda way u baqayaan oo waxay leeyihiin ‘iskaga soo taga rabshado ayaa ka jira magaalada. Madaama dhibaatooyinkaa jiraanna Jigjiga u soo bedesha ama jaamacad dhan iska daaya oo meelahaan iska imaada’ saameynta ugu weyn ee aan hadda dhihi karo weyaan oo ardayda Soomaaliyeed ee meeshaan heysata. Dad badan baa wax-barashadooda uga tagay rabshadaha awgood,” ayuu yir Khadar.

Waxaa ka baaqday ardayda imitixaankii ay geli lahaayeen bishii Abriil ee sanadkaan rabshadaha dartood, iyadoo arday badanina dantu ku khasabtay inay ka soo bixi kari waayaan jaamacadda gudaheeda.

“Ardaygii Jaamacadda deganaa, markuu suuqa inuu ka soo adeegto uu rabo, waxaa suurta gal ah in uu la kulmo rabshada ay Xabashada ama Oromada ay wadaan. Ardayga suuqa u doontay inuu wax ka soo iibsado oo kale uma kala qaadayaan kani Jaamacad buu dhiganayey ama ma dhigto. Soomaali waa u Soomaali. Mida labaad waxa weeye, jaamacadda waxay ku taala dhinaca ciidanka ama askarta. xaafadda jaamacadda ku taalo ama xaafadda Maarso la yiraahdo, markay rabshad ka dhacdo oo ciidanka yimaadaan dadka xaafadi degenaa iyo ardaydi degenayd iyo ardaydi masaajidka Maarso ku soo dukaday oo kale ciidanka ma kala soocayaan oo arday badan baa la xiraa,” Khadar u sheegay Raadiyo.

Khadar wuxuu sheegay in boqolaal arday oo ay isla dhiganayeen jaamacadda oo Soomaali ah ay isaga tageen waxbarashada cabsi ka dhalatay rabshadaha tirada badan ee magaalada ka jira, isagoo ka hadlaya siday ardayda dhibaatada u soo gaarto wuxuu sheegay 

Magaalada Diridhabe waxaa kuwada noolo qawmiyadaha Oromo, Soomaali iyo Amxaaro, rabshaduhuna waxay dhex maraan saddexdaan qawmiyadood, waxayna bilowdeen rabshadahaan 20kii Diiseembar 2018, ilaa wakhtigaanna weli waa socdaan, iyadoo rabshadihii ugu danbeeyeyna dhaceen 2dii bishaan.   

Axmed Xaaji Nuur waa madaxa ardayda Soomaalida ee Jaamacadda Diridhabe, isaga wuxuu ka hadlayaa caqabadaha ka haysta waxbarashadooda. 

“Ardaygii isagoo hooyadii la joogay waligii oo carqalad iyo xabsi iyo jirdil aan soo arag, challenge-yo fara badan iyo wax-barashada oo ku adag iyo amnigi oo daran, marka ay arkaan ayey mustaqbalkoodi wayaan,” ayuu yiri Axmed.

Dhinaca ganacsiga ayaana ah hadda meelaha kale ee rabshaduhu saamaynta ku yeesheen.

Maxamed Daahir Axmed waa nin ganacsade ah, wuxuu iibiyaa raashinka, wuxuu sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay in ganacsigiisii istaagay. 

“Sokorta iyo saliida ayaan ka soo qaadi jirnay, dad nabad ah oo xur ahaa ayaan ahaan jirnay oo cid aysan weydiin oo cid aan ka cabsan. Marka cooladihii markay dheceen, waxay noqotay inaan sida ugu dhaqsiyaha badan aan uga baxno. Marka haddii aan nabadba aan helayn oo si xur ah aad u dhaq dhaqaaqeenin, meel kasta aan tagi Karin, ganacsigaaga saameyn weyn bay ku yeelaneysaa,” sidaasi waxaa Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed.

Dirirdhabe waa magaalada labaad ee ugu weyn Itoobiya, dawladdii dhexe ayaana wakhti ka dhigtay magaalooyinka aan maamulna raacsanayn ee toos u hoostaga dawladda dhexe, taasina waaa tan keentay in maamuladu isku qabsadaan cidda rasmi ahaan u yeelanaysa magaaladaan oo leh  muhiim dhaqaale oo dhinaca ganacsiga, waana goobta uu ku hakado tareenka ka yimaadda Jabuuti 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here