Laascaanood: Dhalinyaro shaqo abuur ka heshay xeryo lagu xanaaneeyo Geela

0
127
Mid ka mid ah dhalinyarada ka shaqaysa xanaanaynta geela/Faarax Dubad/ Raadiyo Ergo

(ERGO) – Maxamuud Diiriye, waa 25 jir ku shaqaysta xirfada dhaqaalaynta geela muddo lixbilood ah.

Waxaa u suuragashay inuu qoyskiisa ka raro xero barakac oo lagu magaaci Xalxaliyo oo dhanka waqooyi kaga beegan Laascaanood.

Qoyskiisa ayuu u raray tuulo ay ku nool yihiin dad barakacay oo lagu magaaco Kabaalka xarggaga taa oo 20km u jirta magaalada Laascaanod.

Sida uu Raadio Ergo Maxamuud, qoyskiisa oo ka kooban afar qof ayaa abaarti 2016-2017 ku waayay 180 neef ari ah taa oo sabatay inay noqdaan barakac.

Kadib dhawr bilood oo ay qoyskiisa ku noolaayeen xerada barakac, ayaa wuxuu Maxamuud go’aansaday in uu shaqo u raadsado magaalada Laascaanood.

Maxamuud ayaa ku hiranaayay nin saaxiibkii ah oo geel u raaco niman ganacasato ah oo duleedka magaalada Laascaanod ku heysta geel.

Laba bilook uu shaqo raadis ahaa kadib ayuu helay shaqadan geel dhaqaalaynta ah oo uu ka qaato mushaar dhan $180.

Geela oo ay dhaqaaleeyaan Maxamuud iyo afar dhallinyaro ah ayaa tiro ahaan dhan 170 halaad ah.

Maxamuud ayaa mushaarka uu qaato 80 doollar ku maareeya nolasha qoyskiisa halka inta kale uu kadiyo.

“Nolashoodii waxaa iska badalay inay heleen daryeel marki hore aysan haysan, waxay sidookale heleen raashin aysan awal heli karin iyo hoy fiicaan oo ay dagan yihiin hadda,” Maxamuud ayaa sidaas u sheegay Raadiyo Ergo.

Maxamuud ayaa qorshayna in marka lacagta kaydka ah ay u badato uu xoolo ku gato si noolashiisi hore uu dib ugu laabto.

Inti ay ku jireen xerada qoyskiisa, waxay ku tiirsanyanayeen raashin gargaar ah oo ay ka heli jireen hay’adaha samafalka.

Waxaa la siin jiray raashiin isugu jiray bur, bariis iyo sonkar.

Sababta ugu waynayd  ee Maxamuud ku dhalisay in uu shaqo u doonto magaalada laascaanood ayaa ahayd xaaladda qoyskiisu ku sugnaayeen iyo inuu isbeddel uun sameeyo si ay uga guuraan xerada noolal fiicanna u helaan.

Sanadihii danbe ayaa dalka waxaa ku soo kordhayay ganacsato la timid fikir ah in geela la xanaaneeyo isla markaana caanihiis la iibiyo.

Cabdiraxman Jaamac Mire, oo ah ganacsade ku nool magaalada Laascaanood ayaa afar sano ka hor, xarun geela lagu xanaaneeyo ka furay duleedka magaalada Laascaanood.

Xaruntiisa waxay shaqo abuur u sameesay 9 qof oo 4 kamid ah yihiin dadkii xoolaha ku waayay abaarahii 2017-kii.

Waxayna is kugu jiraan dhallinyaradaas kuwa xanaaneeyo geela iyo kuwa ka shaqeeya iibgaynta caanaha.

Wuxuu tilmaamay 24 kii saacba uu ka liso 140 litir oo caano ah.

Caanaha ayaa la geeyaa dukaamada Magaalada Laascaanood.

Sida uu sheegay Cabdiraxmaan, halkii litir ayaa lagu iibiyaa hal doolar iyo laba senti.

“Magaalada Laascaanood awal lagama ba heli jirin caano geel oo dhaay ah laakiin hadda meel kasta iyo mehrad kasta, waxaa laga heli karaa caano dhaay ah, maadama magaalada banaankeeda ay joogaan geel badan. Aniga caanaha magaalada waxaan geeyaa laba waqti subixii iyo maqribkii, ” ayuu yiri Cabdiraxmaan

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in geela la siiyo maankaal, galay, cows, boorash iyo biyo ay u soo dhaamiyaan bishiiba mar oo barkad ugu shubaan.

Mustafe Maxamed Cabsiiy, muddo sanad  ah uu shaqo la’aan ahaa ayuu maqlay in ay jiraan xeryo lagu xanaaneeyo geel.

Qoyska Mustafe oo ka kooban yahay 8 qof waxay ku nool yihiin xero barakac oo lagu magacaaboDharkeyn oo 90 KM u jirta magaalada Laascaanood.

Qoyska ayaa yimid kadib markii xoolahoodii oo gaarayay 300 neef oo ari ah ay uga dhinteen abaartii 2017dii.

Muddo bil ah ayuu subax walba shaqo u raadsan jiray xarumahan lagu dhaqaaleeyo geela.

Nasiib wanaag, bishii 1aad ee sanadkan 2019-ka ayuu shaqo helay.

Mustaf iyo 7 dhalinyaro ah ayaa ka shaqeeya xarun lagu xanaaneeyo 180 neef oo geel ah.

Waxay mushaar ahaan u qaatana 120 doollar midkiiba.

“Way kala duwan yihiin, xoolaha baadiyaha jooga  iyo kuwaan xareysan, waxayna kaga badalan yihiin, kuwan xaraysan howl yaraanta iyo nacfiga laga helayo oo badan,”. Ayuu yiri Mustafe.

Xarumaha lagu dhaqo geela ee ku yaala banaanka laascaanood ayaa gaaraya 24 kuwaa oo shaqo abuur ay ka heleen 45 dhalinyaro ah oo ka soo jeeda qoyasaska abaaraha ku cayrtoobay.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here