Beeralay ku cayrtoobay dab ka kacay magaalada Buraan

0
271
Beero timir ah oo ku gubtay dab dabayaaqadii bishii hore ka kacay magaalada Buraan / Maxamed Saalah/ Ergo

(ERGO) – Boqollaal qof ayaan cunno iyo noloshooda waxa ay ku maareeyaan haysan muddo labo toddobaad ah kaddib markii ay beerahoodu gubteen. Beerahaas oo ku yaalla duleedka galbeed ee magaalada Buraan ee gobolka Sanaag ayuu baabi’iyay dab weyn oo ka qabsaday.

Beeraha Buraan oo timir iyo khudaar ay ka baxeysay ayaa dalagyada ka soo go’a waxa ay ahaayeen kuwo cunto ahaan iyo ganacsi ahaanba loo iibsado. Dabka beeraha baabi’iyay oo aan ilaa hadda la helin waxa dhaliyey ayaa baabi’iyay ku dhowaad 40 beerood kuwaas oo ay ku yaalleen 120 geed-timireed iyo dhir khudradeed kale.

Maryan Cismaan Awaare ayaa ka mid ah qoysaska beeroohadii gubashadu saameysay waxa ay hadda ku tiirsan yihiin kaalmada eheladooda kale ee deegaanka.

Maryan waa hooyo beeraley ahayd muddo 39 sano jir ah, waxa ay sheegtay in iyada oo gurigeeda joogta ay aragtay qiiq ka kacay beeraha oo xoogaa u jira gurigeeda. Maryan oo qoyskeedu uu ka kooban yahay 10 qof ayaa haatan la daalaadhacaysa dhibaato nololeed taasi ka dhalatay gubashada beeraha.

“Wax aan cunno meel aan u raadsanno maleh dadkale oo aan meelahaas wax ka doonanno maahee waxkale oo aan haysanno majirto, meel aan waxka sugeyno majirto,hadda gurigaan iska dhex fadhiyaa, qoyskeygu waa 10 qof kulli beertaas ayaa dhaqaale u ahayd, waxaan u dhigijirnay Badhan, Dhahar iyo Boosaaso iyo magaalada dhexdeeda oo aan ka gadi jirnay,” ayay ku cataabtay Maryan.

Waxa ay sheegtay in ay hammi u qabto in ay beerteeda dib ugu laabato haddii ay hesho taageero.

“Caawimaad ayaan u baahannahay qalabka ay ugu muhiimsan tahay, haddii hanti la geliyo dhul ma abaal dhaco, waa soo noqon kartaa, 39sano ayana beertaas dhex joogay weli khasaarahan oo kale ma arag, dad jilicsan agoomo, iyo waayeel ayaa ku noolaa,” ayay tiri.

Gubashada beerahan timirta u badan ee Buraan ayaa kusoo aaday iyadoo maalmo un ay ka dhinayd dhalasha bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah wakhtiga ay suuqa ugu badan leedahay timirtu maaddaama lagu afuro.

Beeralayda ayaa xilliga ay beertu u soo go’do waxaa ay halki kheyl oo timirta ah ku iibin jireen inta u dhaxayso $7 ilaa $8.

Timirta oo sanadkiiba mar go’da iyo khudradda oo maalin kasta soo go’da waxa ay cunto ahaan qoyskeedu u isticmaalaan maahee waxa kale waxayu iibgeyn jirtay magaalada.

Waxay xusay in loo sheegay in dabka beeraha helayba uu beerteeda kasoo billowday.

“Aniga beer weyn ayaa iga gubatay waxaan ku kacay qiiqii, waxaa laygu dhahay beertaada ayaa dabku kasoo kacay, wax ilaa hadda gubayna ama cad ma hayno. Qorshahayguna waa iska fadhi uun ma hayno talo iyo tamar , dhirtii yaryareyd ee khudaarta iyadu tagay, laakiin dhirtii waa weyneyd ee timirta mid iyo laba beeraha qaar waa la dhihi karaa sanad kadib waa hagaagi karaan laakiin siguud beeruhu waa bas beeleen” ayay trii Maryan.

Xabeeb Xaaji Yuusuf, waa 50jir beeralay ah, qoyskiisuna uu ka kooban yahay 15 qof.

Waxa ay beertiisa oo 100 mitir oo isku wareeg ah ka mid tahay kuwa uu khasaaraha ka soo gaaray dabka. Beertan oo la abuurayay ku dhowaad boqol sano ayay iska dhaxleen jiilal is xigxiga.

Sida Xabeeb u sheegay Raadiyo Ergo, beerta waxa ku yaallay 12 geed timireed iyo tobaneeyo kale oo dhir khudradeed ah.

Wuxuu ku taamayay in ay beertiisa u soo go’do bisha Juun, xilligaas oo ah waqti timirta laga goosto beerahaas, balse rajada quruxda badneyd iyo yididiilooyin badan oo uu lahaa Xabeeb waxaa baabi’iyey dab ka kacay beertiisa iyo kuwa kale oo agagaarkeeda ah taariikhdu markay ahayd 26-April-2019.

Xabeeb ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in dhirtii asalka ahayd ay gubatay oo haatan uu dhulku u muuqdo mid la moodo in uu beri hore beer ahaan jirey.

“Beerteyda qeybta timirta xagaaga ayey soo go’i jirtay Juun iyo July waxaan u iibgeyn jiray Sanaag iyo Bari dhaqaalahana waan heli jirnay taas meesha waa ka baxday, laakiin khudaarta kale ee yaanyada iyo cagaarka maalinkasta waan cuni jirnay waana iibsan jirnay, marka meeshu maanta waa meel bannaan labadiiba meesha waa ka bexeen,” ayuu yidhi Xabeeb.

Wuxuu intaa ku daray in beeraha qaar oo tiisa ay ka mid tahay ay weli rajo leeyihiin.

“Dadku dib ayey wax u bilaabi karaan, timirta kuwa aan dhexda ka guban waa bixi karaan lakin 28geed waa shuf beeleen oo dheceen, magaalada dhan waxaa lagu fadhiyey beerahaas, khudaarta iyo timirtaba meelo kale lagama keeni jirin laakiin maalmahan Boosaaso oo Bari ah ayaa laga keenayey,geedka timirta ah lagama qiimeyn karo waxay ahayd hanti ma guurto ah xoolahaygii ma qiyaasi karo,” ayuu yiri Xabeeb.

Ka sokow timirta, waxaa beerahan ka bixi jiray liinta, saytuunka, yaanyada, saladhka, basasha iyo basbaaska.

Magaalada Buraan oo dhacda bariga gobolka Sanaag ayaa kamid ahayd magaalooyinka leh beeraha rasmiga ah ee aan dhulka kale khudrad iyo timirtoona looga keenin, waxaana taas u saamaxay deegaanka oo leh ceel il dabiici ah leh, oo aan go’in.

Balse maalmahan waxaa khudradda cagaaran looga keenayey magaalada Boosaaso, iyadoo tusaale ahaan kiilada yaanyada ah ay ku imaaneyso $3, halka yaanyada deegaanka kasoo go’daa ay labo toddobaad ka hor intii aysan beeraha guban ahaydnus doollar ($0.5).

Wasiiru-dowlaha wasaaradda deegaanka iyo beeraha Puntland Cabdirashiid Cali Geelle oo isaga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland ay booqdeen beeraha ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in ay sameeyeen qiimeyn iyo diwaan gelin ku aaddan beeraha gubtay, taasi oo ay la wadaageen maamulka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Beeraha.

Geelle waxa uu xusay in ay shalay la kulmeen Hay’adaha FAO iyo WFP.

“Waxaan isku afgaranay in ay meeshii tagaan, dadka tababarro u sameeyaan, dhirta gubatay laga soosaaro meesha, kadibna dadkana loo keeno siidh iyo qalab ay beeraha ku faagtaan sida Yaambooyin iyo qalabyada kale, iyo in loo sameeyo gidaar si looga baxsado dabka, arintaas aad baannu isula fahannay Hay’adihii,” ayuu yiri wasiirka.

Dhinacooda wasiir Cabdirashiid waxa uu tilmamaay in maamulka Puntland uu wado qorshe lagu hormarinayo beeraha deegaanada Puntland isla markaasna beeraha Buraan ay noqon doonaan kuwa koowaad ee loo howl galo, isagaoo sidoo kalena xusay in hadda wadaan qorshe ay iskaashatooyin ugu sameynayaan beeraleyda si ay u fududaato in la taageero.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here