(ERGO) – Cismaan Bootaan Maxamuud oo 49 sano jir ah, qoyskiisana ka kooban yahay 8 qof ayaa dib ugu laabtay miyiga kadib 15 neef oo ari ah oo ay siisay hay’adda Udiyaar-garowga Masiibooyinka iyo Kaydka Cunada Somaliland.
Hay’ada waxay sidoo kale siisay xooloho qoysas gaaraya 600 oo qoys oo ah dadkii ku xoolo beelay duufaantii Sagar ee dhacday sanadkii hore ee 2018-ka.
Cusmaan oo 29kii bishii March la siiyay ariga ayaa ku laabtay deegaanka Ceelshiiq oo tuulada Cabdi-Geeddi u jirtaa 65.
Cusmaan ayaa lahaa laba tiro oo ari ah lakiin nasiib darro waxaa ka laayay duufaantii.
Wuxuuba kadib yimid tuulada Cabdi-Geeddi.
Deegaanka oo ah meel tuulo ah iyo xirfad kale oo shaqo oo aanan ka ahayn in uu yahay xoolo dhaqato uma aysan saamixin inuu reerkiisa u shaqaysto.
9-ka bilood uu Cabdi-Geeddi joogay, waxay nolashiisa ku tiirsaneed $103 oo raashin uu ku gato oo ay siin jirtay hay’adda Badbaadada Caruurta ee Save the Children, haddase, wuxuu dib u bilaabay nolashiisa miyiga.
“Walaal, waxaan rabaa inaan dib u bilaabo nolashaydii reer miyinimo. Aniga hadda, waxaan ahay nin tuuladiisii jooga oo hadda waxaa ka shaqaystaa oo nolasha reerkayga ku biilaa 30 ilaa 40 lacagta somaliland ah oo aan ka helo xaabada oo aan soo guro,” ayuu yiri Cusmaan.
Gudoomiyaha Hay’adda Udiyaar-garowga Masiibooyinka iyo Kaydka Cunada Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in mashruucan xoolo qeybinta ah ka faa’ideysteen 600 qoys oo lasiiyay 9,000 oo neefaf ari.
Qoyskiiba waxaa lasiiyay 15 neef oo ari ah halkii neefna.
Sida ay hay’addu sheegtay, dowladda ayaa xoolahaas ku soo iibisay lacag dhan $423,00.
Mashruucan waxaa laga fuliyay Gobolada Salal, Awdal, Gibilay, Saaxil.
Xoolo qeybinta waxay socotay oo la soo gabgabeeyay 5tii bisha April ayaa waxay soo socotay tan iyo horraantii bishii Marso ilaa 5 April.
Xoolo qeybinta waxay ka dhacday deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal.
Dadka xoolaha lasiiyay ayaa qaar kamid ah u laabtay deegaanadii ay ka yimaadeen ee Gargaara iyo Cabdi-Geeddi 24-kii bishii March.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in xoolahan qeyb ka yihiin qorshe ay hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo Kaydka Cuntada Somaliland ay ku taageerayso dadkii ku ceyrtoobay duufaanti Sagar si ay dib ugu noqdaan deegannoodi iyo nolashoodi hore.
“ Anaga dadka aan ku celinay deegaanadoodii waxay ahaayeen dadkii xoolaha ku waayay duufaanta………” ayuu yiri Faysal.
Sidoo kale Aadan Cumar Maxamed ayaa dadkii xoolaha la siiyay.
Aadan oo ah ah 54 sano jir iyo qoyskiisana ka kooban 7 qof ayaa waxay heleen 15 neef ari ah 3-dii bishii April.
Wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay ariga la siiyay laakiin aysan intaa u badali karin boqol iyo labaatan neef oo ari ah oo kaga dhintay duufaantii Sagar.
“Riyaha la i siiyay waxay wax weyn ka tarayaan inaan nolashaydii miyiga ahayn aan sii wato oo aan noqdo xoolo dhaqato, arigaan ayaan ku dadaali doonaa inaan dhaqdo, waxaana uga maarmi doonaa nolashii barakaca ahayd (ee aan ku jiray),” ayuu yiri Aadan.
Aadan oo ku sugnaa Lughaya mudo sanad ah ayaa bishii April dib ugu laabatay deegaankiisi miyiga ee Gargaara oo waqooyi kaga beegan magaalada Boorama.
Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar