Eyl: Haween Kaluumaysiga heer-sare ka gaaray

0
157
Asho Abdikarin Hersi with part of the day’s catch from her fishing company in Eyl /Photo: Abdirahman Mohamed

Caasha Cabdikariin Xirsi waxay ka mid tahay haweenka horumarka ka sameeyay ganacsiga kalluunka iyo aargoosata degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Inta badan ragga ayaa ku lug leh wax soo saarka badda ee deegaankaas, balse waxaa jira haween fara ku tiris ah sida Caasho, ugu lug yeeshay suuqa kalluunka.

Caasha oo ah milkiilaha shirkadda kalluunka iibgeysa ee Libin, waxay sidoo kale degmada ku leedahay hotelka keliya ee gabadhi leedahay ahna kan ugu weyn ee lagu iibiyo cuntada badda oo ay tagaan dalxiise-yaal Soomaali ah oo ka yimaada magaalooyinka gudaha iyo qurbaha.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay maalgelisay saddex saxiimadood oo ay ku kalluumaysato si uu suuqeedu ugu adkaysto duruufaha. Sidee bay haddaba Caasho hantidaas ku tabacday. 

“Ganacsigayga waxaan ku bilaabay rooti iyo shaah aan ka gadan jiray nimanka quusayaasha ah. Xeebtaan geyn jiray meeshaasna dee lacag kuma haystaan, waxaan ku soo bedelan jiray Kaambe, kii shaah iyo rooti iga cunaaba, xabbad aargoosato ah oo ka qiimo badan shaaha iyo rootiga buu igaga bedelan jiray. Waan qalan jiray (aargoosatada), meel baan dhigan jiray, kabacdi waxaan aruuriyay ilaa 12 kiilo muddo saddex bilood ah, kadibna 12kii kiilo baan iibsaday. waxyaabo kale oo bagaash yar yar ah baan ku soo gatay sida buumayaal, funnaando, goloofyo iyo waxay u baahan yihiin dadkaas badda ka shaqaysta, kadibna wixii iiga soo baxay Aargoosto kale baan ku gatay, ganacsigaygu sidaas buu ku bilawday” ayay Caasho.

Caasha oo ah 47 jir korsata saddex carruur ah oo ay aabbahood kala tageen waxay ganacsigan ka hor ahayd hooyo duruufo caafimaad oo adag iyo saboolnimo soo martay.

Waxayse hadda ka mid tahay ilaa shan dumar ah oo leh shirkado kalluumaysi oo deggan Eyl. 

Saddex laash (doonyo) ayaa badda uga shaqeeya Caasho, waxayna maalin-walba suuqgeysaa 100 kiilo oo kalluun ah oo qaar ay ku iibiso hotelkeeda, inta kalena ay u dirto macaamiisheeda Garowe iyo dalabyo ay ka hesho deeganada kale ee ku dhow degmada Eyl.

Ilaa toddobo shaqaale ah ayaa ka shaqeeya ganacsiyada Caasho.

Kalluunka ayaa markay soo jilaabtaan, waxaa la gelayaa qaboojiyeyaal yar yar oo lagu hayo ilaa inta laga iibsanayo.

“Noloshayda iyo dhammaan tan nolosha qoyskaygu, waxay ku xiran tahay kalluunka; markaa kalluunka aan la soo boxo iyo kan kaleeto ee aan farsamaysto bay noloshayda dhan ku xiran tahay, dhanka waxbarashada, caafimaadka nolosha kulli. Markii aan ganacsiga bilaabay wuu soo korayay xoogaase waxaa wiiqay jiriifka iyo Burcad-badeedii kadibna hadda waxaad moodaa xoogaa inuu soo kabanayo, waa ganacsi yar” ayay tiri Caasho. 

Caasho labo ka mid ah saddexdeeda wiil ayaa ku jira iskuulka, waxayna gacanta ku haysaa ilaa 5 carruur ah oo ay ehelkeedu dhaleen, kuwaas oo ay koriso isla markaasna waxbarashada iskuulka iyo dugsiyada Qur’aanka ka bixiso.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in maalintii ay qoyskeeda ku biisho 200,000 shilin oo u dhiganta $6.6.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay ka soo jeeddo qoys xoola-dhaqato ah oo deggan miyiga degmada, taas oo markii hore iyada ku khasabtay in ay suuqan soo gasho 1999 si ay u meelayso nolosha oo aad ugu adkayd iyo duruufaha dhaqaalo xumi ee qoyskeeda haystay.

Waxay suuqa ku soo gashay Kiilo sonkor ah oo dayn ah oo ay ku samaysay shaah karis ah, kaas oo ay ka iibin jirtay ragga kalluumaysatada ah marka ay soo jillaabtaan ee ay ku soo noqdaan xeebta, muddo kadibna waxay bilawday in ay ka sii macaashto kalluunka iyo kaambaha.  

“Markii ugu horaysay waxaan damcay dadka badda ka shaqaysan jiray in aan lacag ka aruursado oo aan iraahdo i caawiya, xoogaa taas waa igu adkaatay. Kabacdi waxaan dhistay meel buush ah oo aan ka samaystay meesha hadda hoteelka ii ah, intaan soo aruursaday qoryo iyo jiingad, meel bannaan bay ahayd oo iska biyo-mareen ah, markaan meeshaa degaayay, dadku waxay dhihi jireen waa qof waalan meeshaa waa biyo-mareene maxay u degaysaa!. Shaaha iyo rootigayga baan ku gadan jiray meeshaan baan ka bilaabay shaqaddii. Aniga waxaan goostay in aan shaqaysto oo aanan qof dambe baryin hadii jirro ii timaado iyo hadii kaleba aan anigu isku tashado” ayay tiri Caasha.

Dumarka degmada Eyl ee ku jira suuqyada kalluumaysiga kuma jiraan gabdho u tababaran inay soo jilaabtaan, inkastoo Caasho ay muddo dhowr bilood ah oo ka tirsan sannadihii 2006 ilaa 2007 ay ku shaqaysay xirfadaas iyadoo caawimaad ka helaysay ragga. 

Maryan Axmed Aw-Muse oo 48 jir ah, sida Caasho ayay leedahay saxiimad badda uga shaqaysa waxayna ku jirtaa ganacsiga kalluunka iyo aasgoosatada.

Raadiyo Ergo ayay u sheegtay dhowr caqabadood oo ku gudban dumarka degmada Eyl in ay ka faa’iidaystaan ganacsiga kalluumaysiga.

Waxay tilmaamtay in aysan heli karin dhaqaalaha maalgashiga qalabka kalluumaysiga oo qaali ah iyo hubin la’aanta ka jirta badda oo ay joogaan doonyo iyo maraakiib jiriif ah oo qalabka ka burburiya kalluumaysatada.

“Caqabadaha waxaa ka mid ah walaalow qalab la’aan baa ka mid ah, qaboojiyaasha oo nagu yar baa ka mid ah. Kalluunku wuxuu leeyahay shabaago, libaaxu wuxuu leeyahay shabaago, Aargoostadu waxay leedahay shabaago; qalabkaas uun baa noogu darran. Haddaanu xataa anagu iibsano waxaa naga baabi’iya jiriifka. Hadda ka hor shabaagta libaaxa lagu dabo baan ilaa kun dollar ku iibsaday Markab jiriif ah baa iga gooyay waxba kama aanan faa’iidin deynteedii uun baa igu hartay” Ayay tiri Maryan.

Dumarka wax ka faa’iida cuntada badda iyo iibinteeda waxay isugu jiraan kuwo kalluunka cunto bisil ka dhiga oo waddooyinka xaafadaha iyo dukaamo yar yar ku iibiya, kuwo iibgeeya oo haysta macaamiil ka baxsan gudaha Eyl iyo haweenka kale oo si toos ah ugu lug leh jillaabashada marka badda laga soo saarayo, sida Caasho iyo Maryan. 

Iskaashatada kalluumaysiga ee degmada Eyl oo ay haweenku xubno ka yihiin ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in tirada haweenka ah ee kalluumaysiga ka faa’iidaa ay weli aad u yar yihiin, sidaas darteedna ay gacan ka geystaan kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha haweenka doonaya kalluumaysiga, sida uu sheegayo Maxamed Siciid Waaberi, guddoomiyaha Iskaashatada degmada.

“Waxaan siinnaa tababaradda, inkastoo qofka badda ku nool uu iska tababaran yahay haddana aqoontu ma dhamaato wixii aqoon ah ee degmada u soo baxa iyagaan siinnaa maaddama ay iyagu yihiin laf-dhabarta nolosha qoyska oo ay qoyskii oo dhan gacanta ku hayaan, ninka noola mid maaha dumarku” ayuu yiri Waaberi.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here