500 oo qoys ayaa biyo la’aan uga ka barakacay tuulooyin hoostaga Dhuusamareeb

0
222
Keydka Raadiyow Ergo.

(ERGO) – Shan tuulo oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb kana xiga dhinaca bari ayaa dadkii deganaa oo gaaraya 500 oo qoys uga qaxeen abaaro, iyadoo labadii todobaad ee ugu danbeeyey 65 qoys oo ku harsanaa deganadaas ay ka hayaameen, waxayna aadeen isla deegaanno kale oo gobolka ah.

Gudoomiyaha tuulada Galo oo tuulooyinkaani hoos yimaadaan Siciid Cali Mire ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in baahida ugu daran ee dadku uga barakacayaan tuulooyinkaan ay tahay markii biyihiina la waayey, xoolihiina dadkii dhaafeen, dantuna waxay ku khasabtay inay meelihii xeryo barakac ugu dhow ay aadaan.

“Xaaladdu way xumaayd, ceelkii biyaha wuu qalalay, cidna halkaan kuma harin. Dadku waxay u carareen meelo kala duwan iyaga oo raadinaya biyo iyo cunto” ayuu yiri Siciid.

Gudoomiyaha degaanka Galo ayaa sheegay in deegaanadaan ay ku noolaayeen qiyaasta 380 qoys, kuwaasoo dhamaantood ka wada barakacay deeganadoodii. Waxayna qoysaskaasi tageen Dhuusamareeb iyo tuulooyin ka tirsan oo kala ah Ceeldheere, Beer Cabdi Faarax, Gadoon iyo Fargoy.

Dadkan ayaa cabi jiray afar ceel gacmeed oo ku yaala Galo laakiin way gureen, deegannada hadda gebi ahaanba la faaruqiyey waxaa ka mid ah Qansaxley, Labi raac, Caweys raac, Meehanaw iyo deegaanka Galo meesha ugu dhow waxay Dhuusamareeb bari ka xigtaa 55KM.

“Biyo-yarida meelkasta way saameesay; tuuladaan oo kaliya ma ahan, dad ku nool nawaaxiga tuulada xitaa waxay bilaabeen inay dalbadaan caawimaad, xoolahoodi ayaga oo arkaya ayay ku hor dhamaanayaan,” ayuu tilmaamay Siciid.

Qoysaska ka guuray Galo waxaa ka mid ah  Daahir Maxamud Magan, bisha Abriil bilowgedii ayuu soo degey deegaanka Faragoy oo bari ka xiga Dhuusamareb 10km, halkaas oo uu ka waabtay aqal cooshad ah. Isagoo ka hadlaya goobtuu hadda yimid wuxuu ka helay  iyo sababta uu u yimid ayuu sheegay;

“Markuu ceelka qalalay, xoolihii ayaa bilaabay inay hal hal u dhintaan. Waxaan la soo cararay arigii ii haray oo xeradaan aan la soo daganahay,” Daahir ayaa sidaas u sheegay Raadiyo Ergo.

Daahir wuxuu deegaanka la soo degay 20 neef oo ariya oo uga haray 55 neef oo uu lahaa, xoolahaas waxay dhinteen bishii Maarso, wuxuuse sheegay inaysan wax rajo ahi ka qabin inta hartay oo haddaba uu maalin kasta bakhtiyo, ayna caato yihiin oo aan cidi ka iibsanayn.

Daahir hadda wuu quustay, dantiina ku khasabtay inuu magaalada soo dul dego. Isagoo ka sheekaynaya deegaankii uu ka yimid dhibaatada ku haysatay ayuu sheegay in saddax sano oo degaankaas uu roob la’aan ahaa uu isku dayey inuu jilaalka ka doogo, taasina sababtay in lagu yeeshao lacag 1,450 doolar oo biyo iyo raashin ah, daynta waxaa ku leh booyado biyo dhaamis ahaa iyo bakhaar uu raashinka ka qaadanayey, waxaana uga qorshaysan inuu ku bixiyo afar neef oo geel uu lahaa uga haray, loona kexeeyey deegaano waqooiga Galgaduud ah

“Inagoo rajeynayna in roob noo di’i doono, ayaan isaga nagaanay tuulada, laakiin waan rajo beelnay, oo deeman ayaan nagu la yeeshay kuwaa oo aan ku qaadannay raadishiin. Hadda waxaan la tacaalayaa bixinta deenta leegu leeyahay” ayuu yiri.

Daahir qoyskisu wuxuu ka kooban yahay 12 qof, wuxuuna weli cunaa raashin deyn ah iyo kaalmo uu ka helo dad ay qaraabo  yihiin, waxaana hadda kula sugan tuulada 40 qoys oo kale oo ay tuulooyinkaas ka soo wada barakaceen.

Qoysaska deeganadoodii ka soo barakacay goobahay hadda ku sugan yihiin waxa keliya oo ay ku haystaan biyo, waxaana ku adag helitaanka cunada, iyadoo inta xoogga leh ay u shaqo tagto gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Faadumo Yuusuf Maxamed waa hooyada 5 carruur ah, waxay todobadkii hore soo degtay deegaanka Beer Cabdi Faarax, waxayna kaso guurtay degaanka Caweys raac oo bari ka dhiga Dhuusamareb 50km,  60 neef oo ariya bishii ugu danbaysay ayey ka baxeen, iyadoo fara maran ayey hadda ku nooshahay aqal cooshad ah. Iyadoo ka hadlaysa sida nolosheedu ku tahay goobtay soo degtay waxay sheegtay.

“Kadib markii aan arkay in xaaladda ay sii xumaanayso, waxaan go’aansaday in aan u guuro magaalada si aan u helo taageero, waxaan nahay xoola-dhaqateyaal laakiin hadda ma awoodno inaan la jaanqaadno noloshaan, “ayay tiri Faadumo..

Faadumo waxay Raadiyaha Ergo u sheegtay in carruurteda saddax ka mid ah ay u geysay adeerkood oo Dhuusamareeb degan, taasoo ay u sababaysay markay u waysay waxay cunaan, halka labada kalana iyadu hayso, odaygii qoyska ayey sheegtay in 10 neef oo geel ah uu afar bilood ka hor ula hayaamay degaanka Xananbuure oo degmada Caadaado ka tirsan, muddodaasna aysan is arag.

Faadumo Yuusuf Maxamed waxay raadiyaha Ergo u sheegtay in aysan wax qorshaha u heyn qoyskeeda, meel ay wax ka bilowdana aysan heyn, inkasto ay kaso ag dhawatay Dhuusamareeb.

“Ninkeygu wuxuu la guuray 10-geel oo kaliya oo uu u raadinyey daaq, awood uma lihin inaan quudiyo carruurtaba xitaa mararka qaarkood waxaan ku seexannaa calool madhan,” ayay tiri iyada oo sheegtay dhibkeeda.

Gudoomiyaha tuulada Galo Siciid Cali Miirre ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in xilligii xoolaha dhimanayeen ay la xiriireen takhaatiirta xoolaha ee gobolka, dhibkase yahay xaalufka jira oo aysan waxba taas ka qaban karin.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here