Ardayda qoysaska saboolka ah ma ka faaii’daystaan Iskuulada dowladda?

0
287
Kayda

(ERGO) – Hay’ad gudaha Soomaaliya ka shaqeysa ayaa qiimeyn ku sameysay xaaladda 24 iskuul oo dhamaadkii sanadkii hore ay maamulkooda la wareegtay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo iskuullada dadweynaha ee waxbarashada lacag-la’aanta bixiya laga hirgeliyo Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe.

Hay’addu waxay qiimeynteeda diiradda ku saartay arrimo kala duwan oo ay ku jiraan ardayda ka faa’ideysaneysa fursaddaas, xaaladda ay macallimiinta ku shaqeeyaan, arrimaha mushaarka, dhaqaalaha socodsiinta howlaha dugsiyada, waxayna ka talo-bixisay caqabado uga dhex muuqday qiimeynta.

Lifaaqa ka dhegeyso wareysi uu Raadiyo Ergo siiyay agaasimaha Somali Public Agenda, Mahad Waasuge oo jooga Muqdisho.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here