Xoola-dhaqatada Puntland oo wajahaya xaalad cunno iyo biyo yari

0
904
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad / Sawirka: Cabditaxmaan Maxamed/ Ergo

(ERGO) – Guddiga wax ka qabashada xaaladda abaaraha Puntland ayaa mar kale soo saaray baaq ku muujinayaan xaaladda abaarta ee ka sii daraysa si ganacsatada, bulshada gudaha ee hantida haysta, bulshada dibedda ee deegaanka iyo beesha caalamku ay dowladda ugala shaqeeyaan ka jawaabidda xaaladda.

Guddiga ayaa kooban wasaaradaha dowladda ee ay arrinta wax ka qabashada abaaruhu khusayso ayaa kala ah wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada, wasaaradda biyaha iyo macdanta, wasaaradda xannaanada xoolaha iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo iyada hoggaamisa guddigaas iyo xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa weriyaha Ergo Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji wuxuu uga waramay xaaladda abaarta ee Puntland.

Wasiirka: Puntland caaradkii bishii maarso waxay soo saartay qaylo-dhaan ku aadan dhanka abaarta iyo baaxadda ay le’eg tahay Puntland gudaheeda oo runtii meelo badan ay qaylo-dhaantu ka soo yeertay, sidaas kadib waxaanu iclaaminay in xaalad abaareed ay ka jirto Puntland oo aanu gaarsiinay guud ahaan dadka reer Puntland, ganacsatada iyo dadka debedda jooga, hay’adaha caalamka ee arrimaha bini’adanimada ka shaqeeya, kadib baaqaas waxaanu cusboonaysiinay shanti bisha Abriil oo aan soo saarnay warqad kale oo aanu arrintii hore ku xoojinayno arrintii in ay adagtahay. Waan uga mahadcelinaynaa in ay jiraan hay’ado arrimaha bini’adanimada ka shaqeeya oo sameeyay sahamo oo sameeyay waxqabad la xiriira dhanka abaarta, dowladda Puntlandna waxay ku jirtaa abaabul la xiriira dowladda laftigeedu in ay ka jawaabto xaaladda abaarta intii ay ka gaari karto hadii ay tahay dayactirka ceelasha iyo hadii ay tahay dhaaminta biyaha iyo gaarsiinta adeegyada kale sida cuntada meelihii la awoodo. Waxaan iskaashi dhow la saaynaynaa hay’adaha arrimaha bini’adanimada.

Ergo: Maxaa keenay in aad baaq u dirtaan bulshada gudaha, ganacsatada, kuwa dibedda iyo beesha caalamka?

Wasiirka: Sababta keentay waxaa weeye, iyadoo sida aad la socotidba roobkii hore ee xiligii dayartii uu meelaha inta badan Puntland uu seejiyay meelaha uu ku da’ayna uusan xoog badnayn, xiligii ka horeeyayna aad xasuusatid in ay jirtay abaar xooggan oo xoolo badani ay dhumeen Puntland dadkuna inta badan ay xoolaha ku tiirsan yihiin, haatanna xiligii roobka uu daahay baqdin baddanna ay jirto performance-giisa saadaasha soo aadan, in meelo badan biyihii barkadaha lagu kaydinayay go’een, ceelal badan oo culays fuulay ay jabeen iyo hadii wakhtigu sii dheeraad oo aan roobku soo deg deign culayska imaan kara, taas ayaa Puntland ay keentay in ay qaylo-dhaantaas ay cusboonaysiiso.

Ergo: Wasiir hadii aad inooga warrantid meelaha ugu badan ee xaaladda abaarta ee Puntland ka qaylinayso ay ka jirto, hadii bal carabka ku dhufatid meelaha ay yihiin kuwa ugu daran?

Wasiirka: Horta markii dee xaaladda abaar la gaaro lamaba dhihi karo meel meel dhaanta baa jirta, waxaa weeye meeshii shalay aysan qaylo-dhaani ka jirin maanta waa ka jirtaa sababtoo ah haday shalay xoogaa biyo ah haysteen biyihii waa go’een daaquna awal buuba liitay oo xoola daaqoodu aad u liitay, marka hadda waxaa la dhihii karaa meel meel dhaanta ma jirto, laakiin meelaha hadda ugu khatarsan ee sida gaarka ah aan qaylo-dhaanta ugu iclaaminay waxaa ka mid ah gobolka Bari, waxaa ka mid ah goobo gobolka Karkaar ah, gobolka Mudug iyo nugaal iyo meelo ka mid ah hawdka gobolka Cayn; marka waxaa la dhihi karaa abaartu hadda aad bay u baahsan tahay biyo’laantuna aad bay u baahsan tahay.

Ergo: Guddigiina markaad eegtaan xaaladda ilaa hadda qiimaynta aad samayseen, ma la garanayaa tirade dadka Puntland ee sida gaarka ah abaartan u wajahaya?

Wasiirka: Marka laga hadlayo dhinaca tirada dadka guud ahaan horta Puntland waad ogtahoo xoola-dhaqato badan ayaa deggan xoola-dhaqatadiina waa saamaysay, dadkii magaalooyinka degganaana waa saamaysay sababtoo ah waxaa jira baragkacayaal badan oo markii ay saamaysay abaartii tuuloyinka iyo meelahaas ku soo guuray, hadda tirada laga hadlayo ee saamaynta si waafaqsan xogihii ay soo aruurisay hay’adda HADMA oo guddiga u qaabilsan dhinaca arrimaha bini’adantinimada iyo masiibooyinka dad gaaraya 1.6 milyan (Hal milyan iyo lix boqol oo kun) ayaa waxaa wajahayaan cunto xumo iyo xaalad abaareed oo daran.

Ergo: dhibaatooyinka ugu daran ee dadka haystaa waa maxay?

Wasiirka: waxaa weeye biyo la’aan biyihii oo aad u yaraaday, meelihii baragaha ay dadku biyaha ku kaysan jireen iyo warihii ayaa go’ay. Ceelashii biyaha matoorada lahaa ayaa iyagana qaarkood biyo yaraani ku dhacday sababtoo ah xilliga jiilaalka marka uu dheeraado biyihii ay soo qabanayeen hoos ee Bamamku ay soo jiidayeen ayaa aad u yaraada, maxaa la yiraahdaa table-kii biyaha ayaa hoos u dega. Waxaa kaloo jira ceelal badan markii culayskii ka badan xoolihii cabayay jabay, marka kuwaas baa ugu weyn. Waxaa kaloo jirta cunto xumo baahsan, sababtuna waxaa weeye dadku inta badan waxay ku tiirsanaayeen khaasatan reer miyigu xoolaha nool oo ay qaarna iibgeyn jireen, qaarna dee hilibka iyo caanaha iyo ka isticmaali jireen, sidaad la socotidna abaarihii hore ayaa waxaa ku dhumay xoolo badan oo dadku ku tiirsanaanshihii ay ku tiirsanaayeen xoolaha oo dhani uu khalkhal galay, marka taasna abaartaasna hadda waxay ku keenaysaa saamayn kale oo xooggan.

Ergo: Mudane wasiir wax tallaabooyin ah oo aad qaadeen hadda dowladda Puntland iyo guddigan ay wasaaraddiinu hoggaaminayso wax tallaabooyin ah oo ilaa hadda laga qaaday arritan si bal wax loo qabto gu’ga ka hor ma jiraan?

Wasiirka: Tallaabooyin badan baan qaadanay, waxaan qaadnay inaan ka xukuumad ahaan isku duba-ridno in aanu ka jawaabno xaaladda biyo la’aanta khaasatan. Dowladdu hadda waxay qorshaynaysaa dhawr boqol oo booyadood oo biyo ah in ay u qaybiso hadii illaahay idmo meelaha ugu daran, waxaan ku hawl jirnaa inaan dayactirno ceelasha jajabay, waxaan rabnaa inaan adeegno kalena in aanu qaybino. Tusaale hadda timir baan iyadana waxaan rabnaa meelaha qaarkood inaan ka qaybino. Waxaan kaloo tallaabo qaadnay in aanu hay’adihii qayb ahaan naga caawin jiray arrimaha bini’adantinimada oo sida haday tahay biyo-dhaaminta iyo haday tahay dhanka cuntada iyagana aan si fiican u wada shaqaynayno oo aan u dhexgalno iyaguna ay ku jiraan waxqabad fiican iyo abaabul, waana uga mahadcelinaynaa.

Ergo:  Mudane Wasiir biyo-dhaaminta aad hadda sheegtay in ay bilaabaysaan ee dhawrka boqol ee booyadood ma ku filan tahay xaaladda, ugu yaraan wax ma lagaga sii qaban karaa?

Wasiirka: Maya kuma filna, dhawrkaa boqol ee keliya maahane hay’adaha laftooda qorshayaal bay ku jiraan ay meelaha qaarkood gaarsiin doonaan, waad garan kartaa dadka waxaa deeqi kara waxaa weeye raxmadda Rabbi, ilaahay baana ka baryaynaa roob deg deg ah inuu na siiyo. Laakiin waxaan ugu tala-gelayno waxaa weeye meelaha ugu daran ee aan ka baqayno in dadka noloshoodu khatar gasho inaanu gaarsiino hadii illaahay idmo, tusaale Taleex meelo ka mid ah, waxaa ka mid ah Hawdka Buuhoodle, waxaa ka mid ah Bari sida Qandalo meelo ka mid ah, waxaa ka mid ah meelo hawdka dhankaan Mudug iyo Nugaal iska galaan, meelo badan baa jira guddiga ayaa hadii alle idmo go’aamin doona.

Ergo: Mudane Wasiir baaqii aad soo saartee bil ka hor ayaad cusboonayseen wax jawaab ah ma jirtaa ilaa hadda?

Wasiirka: Run ahaantii waxaan oran kaa haa, macnaha waxaa weeye hay’adaha caalamka ee arrimaha bini’adannimada ka shaqeeya kuwa sameeyay qiimayn, kuwa sameeyay in ay jawaabaan xaaladda, kuwo awalba shaqaynayay oo dardargeliyay shaqadii hayeen waa jiraan intaba; kuwa hadda qorshaynaya iyagoo jawaabaya, way dhacdaa hay’adaha marka aysan ku talagalkooda ku jirin in ay wakhti qaadato in ay ka jawaabaan. Laakiin waxaan si fiican ugu dhiirigelino in sidii hore u dhici jirtay in aysan dhicinoo oo cidii wax qabanaysa ay tiraahdo wax qabanaynaa diyaar baan nahay. Ganacsatada sidaas si lamid ah waxay ku jiraan abaabul iyo diyaar-garow. Dadka dibedda laftigoodu ee xaaladda gudaha ka jirta ku wacyi-gashan iyagana waxay ka filaynaa in ay si weyn uga qayb-qaataan wax ka qabashada abaarta.

Ergo: Mudane Wasiir hadii gu’gu dib u dhoco oo sidii la filayay aysan wax noqon, xaaladdu sidee u ekaan doontaa baad odorosaysaan?

Wasiirka: Abaartii Simma wax badan oo casharo ah baaa dhaxlay. Dowladda iyadoo kaashanaysa dadka dhaqaalaha nagu caawiya in aan hadda bilawnay  barnaamijyo la xiriira dhinaca adkaysiga dadka ee dhana abaaraha ama ha noqoto in waro la sameeyo ama noqoto hab kale oo biyaha lagu qaban karo in la sameeyo ama ha noqoto dadku noloshooda in loo abuuro si kale oo ay noolaan karaan, dowladduna barnaamijyadaas aad bay u dhiirigelinaysaa waana sii xoojinaynaa. Meelaha kale ee aan rabno in aan awoodda saarno waxaa ka mid ah waxa la yiraahdo Early warning (Digniinta qaddiman) oo awal aad u hooseeyay, ama dadku in ay hore ugu sii ogaadan xaaladda ugana sii tabaabushtaan hadii alle idmo.

Ergo: ugu dambayntii, kaalinta guddiga abaaraha ee Puntland uu ciyaarayo waa maxay?

Wasiirka: Annaga waxaa weeye ugu horayn, xaaladda meelaha kala duwan ka jirta inaan arruurino, inaan xaaladdaas ku go’aan qaadano ka dowlad ahaan haday tahay waxaan uga jawaabayno iyo haday tahay hay’adaha deeqaha bixiya ee nala shaqeeya sidaan ugu jihayn lahayn durufaas in ay wax ka qabtaan anagoo is kaashanayna.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here