Texanaha Barnaamijka Xeryaha: Musqulo iyo biyo ma leh xerada Barwaaqo ee Guriceel

0
37
Xakiimo Cabdulaahi Maxamed oo ka mid ah dadka ku nool xeraha Barwaaqo / Cabdirisaaq Haajirow/ Ergo

(ERGO) – Raadiyaha arrimaha bani’aadannimada ee Ergo ayaa waxaa uu dhawaan bilaabay barnaamij lagu magacaabo Xaaladda Xeryaha oo toddobaadle ah kuna saabsan xeryaha lagu barakacay iyo dadka deggan.

Waxaan diirradda lagu saaraynaa xeryaha xilliyada fog la deggan yahay si aan wax badan uga iftiiminno nolosha dadka deggan iyo duruufahooda.

Qeybtii ugu horaysay ee barnaamij ayaa waxaa isbuucaan laga soo diyaariyay xero ku taala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

In kasto oo ay dhisnayd tan iyo sanadkii 2011, hadana dadka ku dhaqan xerada Barwaaqo oo gaaraya 200 oo qoys ma haystaan adeegyada asaasiga u ahaa noolasha aadanaha sida Biyo nadiif ah.

Waxaana qofka u baahan biyo uu ka iibsada qoysaska dariska la ah xerada oo ay ugu jiraan tubooyinka ceelasha ee xafadaha biyaha siiya waxaana caaga labatanlaha laga siyaa lacag dhan hal sinti oo u dhiganta labo kun oo shillin Soomaali ah si la mid ah biyaha waxa aysan heysan suuli oo dhamman qoysaska ku nool xeradan qoys walba wuxuu u raadsadaa reeraha u dhaw xerada waxaana mararka qaar dhacda in lagaba furi waayo albaabka.

Sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Xaawo Guuleed oo ka mid ah qoysaska ku nool xerada, dadka barakacayaasha waxay aadnaan xaafadaha deriskooda ah si ay xaajadooda ugu soo gutaan, taa oo marar ka qaar ay dhibsadaan dadka leh musqulaha.

Xaawo waxay sheegtay in aysan helin wax gargaar ah muddo saddex bil ah.

Xerada ayaa waxa kaliya ee ay dadka kunool helaan ah waxbarasho bilaash ah oo ay maalmaha khamiista iyo jimcaha u dhigaan ardayda dugisga sare ka dhigta Guriceel sida ay ii sheegtay Gudoomiyaha xerada Barwaaqo Asli Siyaad.

Carruurta markii hore waxaa wax lagu bari jiray geed hoostisa waxaase arintaas aragtay haweeney daris la ah xerada oo u dhistay labo fasal.

Sdoo kale haweenaydaas ayaa ku tabarucday labo qol miisas iyo kuraas si ay carruurtu u helaan meel har iyo fadhi fiican leh.

Hadda carruurta xerada ku nool ee  waxbarta ayaa dhan 95 sida uu sheegay mid ka mid ah macalinta iskuulka.

Xakiimo Cabdulaahi Maxamed oo ah 65jir waxay sannadkii 2011 soo degtay xerada Barwaaqo markii degaanka Golangole oo Guricel ka xiga dhanka Koonfur 80km  ay uga soo carartay abaar halkaas ka dhacday waqtigaas oo ay dhaafen 75 neef oo ari ah,

Waxaana qoyskeda oo ka kooban 7 qof ay yimaden xeradan.

Xakiimo ayaa sheegtay in reerkeedu uu ku tiirsanaa wiilkeda oo 18 jir ah oo gaari-dameer ugu shaqeyn jiray.

Wiilka ayaa xaabo ka keeni jiray miyiga sii uu  u caawiyo reeka, haddase meelna kuma tiirsana, tan bishii kowaad ee sanadkan wiilkeeda xanuun ayuu la jiifaa.

“Xaabada uu ii koono ayaan ku iibsan jiray 10 kun 15 kun mar ba si ayaan ku iibsan jirnay markaas xaladu sidan waa ay ka rooneyd waxaan aheyn dad caawadas dabka shidan kara hada xaabo ma iibsano wixii Alle ino qadaro ayaan ku noolnahay” ayay tiri Xakiimo

Aabaha Qoyska waxaa uu la jifaa dhawac kaso gaaray colaado ka dhacay miyiga Guriceel 10 sanno ka hor.

Hooyo Xakiimo iyo Carruurteda oo todobo ah waxay ku nool yihiin labo aqal oo  ku dhexyaala xerada Barwaaqo ee degmada Guriceel.

Waxaana qoyskan gargaar ugu danbeysay muddo 3 bil ka hor markaaso ay heysteen kaar ay ku qadan jireen raashin ay bixineysay hay’ad maxalli ah oo lagu magacaabo, Towfiiq oo taagero ka helaysa WFP.

Raashinkaas aya  iskugu jiray 25kg oo bur ah 25kg oo sonkor ah 25kg oo bariis ah labo kartoon oo baasto ah iyo lix liitar oo saliid cadey ah.

Waxayna kaarkan wax ku qadanayeen labo sano iyo toban bilood laakiin dhammaanka waa uu kawada dhacay qoysaska xerada ku nool oo ka Xakiimo ay ka mid tahay  balse iyada waxaa u dheer wiilkii xabada uso iibgeyn jiray oo xanuunsan hada waxay subaxdii qof walba oo qoyska ka mid ah radsataa halkii ay ka heli laheyd wax ay cunto waxaana u dheer  in ay gabadh dhashay ku xanuunsaneyso duleedka Guriceel oo dhawan laga goyay lugaha markii dhaqatiirtu u shegeen in xal kale  aysan u aheyn cudurka gabadheda.

“Dadka dariska ayaan wax u donanaa sidaas ayaan ku noolnahay aqalka aan ku noolahay waa qoryahaas iyo xabadaas salaadii furdug ayaan ka iraa habeenkina waan uso hoyanaa salaadii sidan u baxno ayaan habeenki imanaa shaqo ma heysano islaamka dhexdisa ayaan iska marmarnaa wixii aan hoyaadka soo helno ayaan aragnaa gabadh ayaa hada meel halkas oo magalada ka baxsan oo badiyo ah ayey iga talaa waxaan is iri meshan haddii aad keento waa iska dayacantahay darbi malahan wax aad ku wardiyeysato malihid guryo aad xirato malihid waa calalo dhexdod” ayay tiri Xakiimo

Xakiimo waxay sheegtay in aysan aysan awoodin in ay guri kireystaan oo ay magalada dhexgaalan miyigana  aysan ugu noqon Karin madama aysan wax xoola u harin oo aysan hada waxba faro ku heyn.

Waxaan kalo xerada kula kulmay oo aan xaladeda wax ka weydiyay

Xaawo Guleed oo ka timid miyiga degmada Ceelbuur sannadkii 2012  waxaana hada ayada iyo lix carruur ah oo ay dhashay waxay ku tiirsan yihiin caano ay iibiso caanaha ayey u iibisa dadka miyiga kala yimada waxayna ka iibisa dadka caba halkaasna waxaa ay ka hesha lacag koonbada caanaha oo la iibiyo hal doolar ayey ka jarata hal sinti.

“Miyiga waxaa ka kena dad reer baadiya anigana waxan ahay hooyo u gada hal falis ayaan koonbada caanaha ka goostaa intaas ayaan aniga iyo ilmaha aan hesto isku dabarnaa nama kaafiso hadey na kaafiso waababkas hoostoda ma fadhinen waxbarashodana waan bixin wayay hada inta yare e ilmuhu indhaha no kala qadeen dhalinyaro arday ah ayaa iskuul ino furay muddo sided bilood ah ayey socota waxbarashada labo iskuul mac-had ah ayaa la ii geyay saddexna waxay I dhigata iskuulkan oo aan rajeynayo in igana mac-had la ii geyo.” Ayey tiri xaawo.

Macalimiinta iskuulka xerada Barwaaqo ayaa ka caawiyay Xaawo in ay carruurteda labo ka mid ah loo geyay iskuul mac-had ah si ay heerkoda waxbarasho ula jaanqadan madama iskuulkan xerada ku yaala uu yahay kaliya fasalka 1aad iyo fasalka 2aad kuweduna yihiin fasalka 3aad si bilaash ahna wax loogu baro

Xaawo waxay sheegtay in Waxa ugu cabsida badan ee ay haweenka xerada ku nool wajahayaan ay tahay in habeenkii ay soo galaan xerada ragg doonaya in ay dumarka Kufsi u geystaan xeraduna tahay mid dhinac walba laga soo gali karo oo aysan darbi laheyn kuna dhextaalo magalada oo ay sahlantahay in la yimado.

“Habeen dhaweyd ayaa ugu danbeysay waxaa nagu dhacday saddex nin oo tuugo ah ayaa ino soo dhacay waabkaas gabar ku jirta ayaa mid lugta ku dhagay waa uu jiitay qeyladeda ayaan ku kacnay halkaan ayaan dad badan ku jiifnay iyado midna dhuunta ku dhaganyahay midna lugta ayaan ku yaacnay halkas ayuu ku cararay wana cirdeynay mobilada $200 laga bixiyo iyo bakad sigaar ah ayaa ka dhacay meshana marku cararay ayuu ku dhawacmay habeenkii kale hadana kuwo kale ayaa ino soo dhacay dhibaatadas ayaa ina heysata” ayay tiri Xaawo

 

 

 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here