Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo oo wajahayo dhaqaale xumo

0
315
Sawir kayd/Ergo

Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ayaa hay’ado samafal oo ka taageeri jiray dawooyinka iyo mushaarka waxay joojiyeen kaalmadii ay siin jireen.

Maamulka isbitaalka ayay hay’aduhu ku wargeliyeen inuu dhamaaday waqtigii ay ugu talagaleen taageeradaas.

Arrintaas ayaa sababtay inay durba xiranto qeybii baarista u sameysa bukaannada, waxaana laga cabsi qabaa inay saameynta intaas ka sii badato sida uu sheegayo Dr. Maxamed Cabdi oo ah agaasimaha isbitaalka.

Leyla Cabdi Maxamed oo telefoonka kula xiriirtay isagoo jooga Gaalkacyo ayaa marka hore waydiisay inuu noo faahfaahiyo waxay hay’aduhu u sheegeen.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here