Qalliimada dhab-xanaga iyo farruuryaha oo ay ka faa’iidaysanayaan ku dhowaad 200 oo bukaan ayaa ka socoda Magaalada Garoowe

0
315

Qalliimada dhab-xanaga iyo farruuryaha oo ay ka faaiidaysanayaan ku dhowaad 200 oo bukaan ayaa Axaddii la soo dhaafay ka bilawday cisbitalka weyn ee Garowe. hawlgalkan oo ah mid bilaash ah ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya carruur, haween, dhalinyaro iyo dad waaweyn, waxaana fulinaya dakhaatiir ajinebi ah.

Dadka ka buka dhab-xanaga iyo farruuryaha ayaa la sheegay in ay dhibaatooyin iyo takoor kala kulmaan bulshada.

Halkan ka dhagayso Waraysi uu Agaasimaha hay’adda SOMCARE Maxamed Cabdullahi Faraxalay siiyay Raadiyoow Ergo.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here